Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta furay Shirweynaha qaran ee xal-u-helidda Qaxootiga dalka dib ugu soo laabanaya iyo barakayaasha Soomaaliyeed. Waxana shirkani soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, gaar ahaan waaxda u qaabilsan Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shirkani soconaya saddexda maalin ka sheegay hannaanka iyo qorshaha ballaaran ee uga yaalla Xukuumadda dib u dejinta dadka Soomaaliyeed ee colaadaha iyo abaaraha ka dhacaya dalka ay saameeyeen.
Raโiisul Wasaare ku xigeenka ayaa u mahad-celiyey hayโadda Qaxootiga qaranka iyo hayโadaha caalamka ee ka qeyb qaadanaya badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dibedda iyo gudaha dalka ku barakacay.
Sidoo kale Raโiisul Wasaare ku-xigeenka ayaa yiriโ Dawladda Soomaaliyeed waxay diyaar u tahay inay qabato wax walba ay kari karto oo dadka Soomaaliyeed ku heli karaan nolol ka wanaagsan midda ay hadda ku nool yihiin.
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, masuuliyiin ka socda dawlad-gobolleeyada dalka ka jira iyo Hayโadda qaxootiga u qaabilsan Q/M ee UNHCR. Waxana dhammaadka shirkani ka soo bixi doona warmurtiyeed la xiriira sida loo wajahayo Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed.