Wasiirka cusub ee Howlaha Guud oo xilka la wareegay

Date:

Munaasabadda uu xilka kula wareegayey wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Soomaaliya Mudane Eng: Saadaq C/laahi Cabdi, oo lagu qabtay Muqdisho waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guulee, wasiiru dowlaha wasaaradda howlaha guud, shaqaalaha iyo madaxda kale ee wasaaradda.

Ugu horeyn agaasimaha guud ee wasaaradda Howlaha Guud Mudane Saalax Cabdi Axmed ayaa sharaxay howsha wasaaradda iyo doorka ay ku leedahay dib u dhiska dalka, waxaana uu sheegay in shaqaalaha iyo dhamaan madaxda kale ee wasaaradda ay soo dhaweynayaan wasiirka cusub Eng: Saadaq C/laahi Cabdi.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Howlaha Guud Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo horey u ahaa sii haya xilka wasiirka wasaaradda howlaha guud ayaa wasiirka cusub ku wareejiyey Documentiyo muujinayey howsha wasaaradda, isagoo dhinac kale soo dhaweeyey wasiirka.

Mudane saadaq C/laahi Cabdi wasiirka cusub ee wasaaradda Howlaha Guud oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono heshiisyada iyo qandaraasyadii hore ee wasaaraddu ay gashay si loo dar dar galiyo howsha baaxadda leh ee wasaaradda.

Ugu dambeyn R/wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa madasha ka sheegay in iyada oo la dar dar galinayo isla xisaabtanka xukuumadda si gaar ah loola xisaabtami doono wasiradda xukuumadda Soomaaliya oo uu kamid yahay Eng: Saadaq C/laahi Cabdi wasiirka cusub ee wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...

War-Saxaafadeed Wadajir ah Shiinaha iyo Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...