Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya Koonfur Afrika

Date:

Madaxweynihii hore Dowladda Federalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Johannesburg ee Dalka K/Afrika,

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaraha ee magaalada Johannseburg kusoo dhaweeyay Madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, qaar ka mid ah waxgaradka iyo Ganacsatada Soomaalida Johannesburg iyo Madax ka tirsan Dowladda Koonfur Afrika.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Koonfur Afrika kaga qeybgalaya shir weyne ay soo qaban qaabisay Hay”dda Thabo Mbeki foundation kaasoo ugu farmaya Hogaamiyaashii soo maray Qaaradda, waxaana loogu hadli doono sidii la isaga kaashan lahaa ka hortagga dhibaatooyinka soo wajaha Qaaradda gaar ahaan caqabadaha hor taagan Nabadda, Dowlad wanaagga iyo kala sareynta sharciga, Kaalinta ay Afrika kaga jirto nabadeynta  Caalamka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa yiri” Dalkan South Africa waxaan u imid inaan ka qeybgalno shir ay ka qeybagalayaan Madaxweynaashii hore ee Qaaradda Afrika iyo dad waxgarad ah oo loogu hadlayo hogaanka Qaaradda, waxaana lagu wadagayaa waaya aragnimada”.

Shirkan ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Madaxweynayaashii hore ee Dalalka South Africa, Tanzania, Tunisia iyo Nigeria waxa uu socon doonaa laba maalmood.

WD: C/qaadir Axad Dhaqane,Johannseburg

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...