Waa Kuma Mukhtaar Roobow.?

Date:

Mukhtaar Roobow Cali oo ku magac dheer Abuu Mansuur, waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Alshabaab ee aadka loo yaqaan.

Markii ugu horreysay ee dadku aad u barteen waxa ay ahayd markii ay maxaakimtii Islaamiga ahaa qabsadeen Muqdisho iyo inta badan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Abuu Mansuur waxa uu xilligaas noqday ku xigeenka xog-hayaha difaaca ee Midowgii Maxaakimta.  Waxa uu ka mid ahaa wafdigii maxaakimta ee tagay Khartoum si ay uga qeyb qaataan wada hadalladii dhex maray dowladdii madaxweyne cabdullaah Yuusuf iyo Midowgii Maxaakimta.

Markii maxaakimtii laga saaray Muqdisho Roobow waxa uu tagay Asmara, Eritirea. Ismaan dhaaf kala dhexeeyay hoggaankii maxaakimta ayaa ku riixay in uu ku biiro Alshabaab oo magacooda si rasmi ah u shaaciyay bartamihii 2007.

Roobow waxa uu noqday Afhayeenka Alshabaab xilkaas oo uu hayay ilaa  bartamihii 2009-kii. Markii laga wareejiyay Afhayeennimada Alshabaab, Abuu Mansuur waxaa la sheegaa in uu noqday ku xigeenkii Axmed Godane, jagadaas oo aan si rasmi ah loo shaacin.

Bishii June 2012 dowladda Mareykanka ayaa madaxa Mukhtaar  Roobow dul dhigtay 5 Milyan oo Doollar.

2013-kii markaas oo uu aad dibadda ugu soo baxay khilaafka u dhexeeya hoggaanka Alshabaab, Mukhtaar Roobow waxa uu ku jiray horjoogeyaal sar sare oo kooxda ka tirsan si xooggan  uga hor yimid qaabkii uu kooxda u hoggaaminayay Axmed Godane.

Khilaafkaasi waxa uu sababay in Godane uu ka takhaluso qaar ka mid ah raggii ugu sarreeyay kooxda sida Ibraahim Afgaan, Cabdixamiid Colhaye, Abuu Mansuur Alamriiki oo isagu Amerikaan ahaa iyo saraakiil kale Soomaali iyo Ajnabi isugu jiray.

Mukhtaar Roobow waxa uu xilligaas goostay in uu keynta galo, isagoo wata dagaalyahanno isaga u daacad ah, halkaas oo uu difaac uga jiray muddo dhowr sano ah.

Bishii June ee sanadkan ayay dowladda Mareykanku  Mukhtaar Roobow ka saartay liiska dadka lacagta la dul dhigay.

Maalmo ka hor ayay Ashabaab weerareen saldhiggii Roobow ku lahaa gobolka Bakool.

Horraantii toddobaadkan ayaa  Mukhtaar Roobow la keenay Muqdisho,isagoo laga soo duuliyay Xudur, Bakool.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka August,2017, ayuu Roobow Shacabka Soomaaliyeed la wadaagay inuu Alshabaab isaga baxay 5 sano iyo toddobo bilood ka hor, waxa uuna dowladda Soomaaliyeed uga mahad celiyay doorkii ay ku lahayd halka ay hadda wax marayaan.

W/Q Liibaan Cabdi Cali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid...

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...