Maamulka Gobolka Benaadir oo dib u howlgelinayo Dugsiga 15 May (Daawo Muuqaal)

Date:

Dugsiga Hoose dhaxe iyo Sare ee 15-May oo ah Iskuul  taariikh weyn ku leh hormarinta tacliinta dalka iyo dadka Soomaaliyed, ayna ka aflaxeen arday aad u tira badan oo si lacag la’aan ah wax ugu bartay, kana mid ahaa xarumaha waxbarasho ee ay saameeyeen bur burkii dalka ayaa la qorsheynayaa in dib u dhis lagu sameeyo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan waxa uu balan qaaday  in Degmooyinka Gobolka Banaadir laga hirgelin doono xarumo waxbarasho oo lacag la’aan ah, si loola dagaallamo jahliga, isla markaana ay fursado waxbarsho u helaan muwaadiniinta Soomaaliyed ayaa maanta Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed iyo qunsulka dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya waxey xariga jareen dib u howlgelinta Dugsiga Hoose, dhaxe iyo Sare ee 15-May.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabada Seynab Maxamud Warsame sheegtay in iskuulkan uu ka midyahay iskuulaadka caanka ah, ayna ku dadaalayaan sidii markale dib loogu soo celin lahaa adeegyadii bulshada loogu sameyn jiray.

Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada Gobolka Benaadir Cabdulaahi Cilmi Xaaji (Ereg ) oo ka mid ahaa ardaydii ka aflaxday Dugsiga Hoose dhexe iyo Sare ee 15-May ayaa sheegay in iskuulkan uu yahay mid taarikhi ah, isla markaana uu ku faraxsanyahay howsha bilowga ah.

Qunsulka dowladda Masar u fadhiya Soomaliya Tamer Safwat Al-Mahdy  waxa uu sheegay in bisha Sepmter ee sanadkan 2017 dib loo howl gelin doono iskuulka 15-May.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa tilmaamay in Dugsiga Hoose, dhexe iyo Sare ee 15-May uu yahay mid si lacag la’aan ah wax loogu baran doono, isla markaana Degma kaste xuruma wax barasho oo lacag la’aan ah laga hir gelin doono.

Dhan kale Maamulka Gobolka Benaadir ayaa kormeer ku tagay xaruntii hore ee Ubaxa ama dhirta Dowladda Hoose ee Degmada Warta Nabadda, iyagoo u kuur galayay sidii looga shaqeyn lahaa dib u soo nooleynta xaruntaasi si bulshada Soomaaliyed ay u helaan gooba ay ku dalxiis tegaan oo ay ugu nastaan.


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...