Dowladda Soomaaliya oo ka shaqeeneysa horumarinta dhaqaalaha Dalka

Date:

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo ka hadlaayay sida lagu hormarin karo dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sheegay inay la dagalamayaan leexsashada daqliyada kala duwan ee dalka laga soo saaro.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo hormarin lahaa wax soo saarka dalka iyo waxyaabaha kale oo ay Dowladda u dhoofiso Wadamada Caalamka.

Ra’isal Wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in ay ku dadaalayaan sidii Soomaaliya ay kula tartami lahayd dalalka Caalamka dhanka dhaqaalaha iyo sidii loogu wada shaqeyn lahaa hormarinta dhaqaalaha.

Waxa uu xusay in Xukuumada Soomaaliya ay xooga saari doonto la socodka daqliyada ka soo xarooda Garoomada iyo dekedaha Dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayo ka hortagga Musuq maasuqa iyo sidoo kale kordhinta daqliga Soomaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Qaabilaadihii dublumaasiyiinta iyo Difaaca Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...