Dowladda Jabuuti oo xaqiijisay in saddex askari ay kaga geeriyootay shil diyaaradeed

Date:

Shilkani diyaaradeed oo ka dhacay garoonka ay leeyihiin ciidamada Cirka ee dalka Jabuuti ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kadib markii ay bur burtay diyaarad military oo ay saarnaayeen askar katirsan dalkaasi.

Sida uu ku soo warramayo wariyaha warbaahinta qaranka dalka Jabuuti Mikaa’iil C/rashiid Barre, Waxaa shirkaasi ku dhintay Duuliyihii diyaaradaasi oo lagu magacabo Ibraahim C/llaahi Geele, Hodan Max’ed Yuusuf iyo Ilhaan Max’ed oo kamid ahaa ciidamada Cirka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wasiirka difaaca dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon oo ku hadlayay magaca dowladda Jabuuti ayaa ka tacsiaydeeyey geerida askartaasi.

“Anigoo ku hadlaya magaca madaxwweynaha, magaca Xukuumadda’ waxaan halkani tacsiyo ugu dirayaa shacabka  Jabuuti oo ay ugu tacsiyadeynayno geeridii naxdinta lahayd eek u timid Ibraahim C/llaahi Geele, Hodan Max’ed Yuusuf iyo Ilhaan Max’ed, runtii waa tacsi Qaran, waxay ahaayeen dad naftooda u huray in ay qarankoodi difaacaan” Ayuu yiri wasiirka gaashaandhiha Jabuuti.

Co.l Ibraahim C/llaahi Geele ayaa muddo 40 sano ah ka tirsanaa ciidamada militariga dalkaasi jabuuti islamarkaana soo qabtay shaqooyin aad u farabadan wuxuuna ahaa qabiir military gaar ahaan ciidamada cirka , sida uu sheegtay wasaaradda Gaashaandhiga dalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojinaya iskaashi ku aaddan horumarinta khayraadka dabiiciga ah

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan...

Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinayo iskaashiga dhinacyada Gaadiidka iyo Isgaarsiinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo Afgooye ka furay tababar howl-wadeennada doorashooyinka

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

W/ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud QM ee arrimaha gargaarka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Xasan Maxamed...