R/Wasaare Khayre “Puntland waxay tusaale fiican u tahay Soomaaliya inteeda kale”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo madaxda maamulka Puntland, oo u dabaal degaya sannad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland sanaddii 1998-dii.

Mudane Khayre, ayaa sheegay in shacabka Puntland ay yihiin dad ku caan baxay nabad jaceyl, dawlad jaceyl iyo inay ka shaqeeyaan horumarka guud ee Soomaaliya. Wuxuna ugu baaqay inay sii xoojiyaan ka shaqeynta horumarka iyo sidii dib loogu yagleeli lahaa qaran Soomaaliyeed oo xoog leh, isagoo u rajeeyey inuu Alle u siyaadiyo horumarkaasi ay gaareen.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Shacabka iyo madaxda Puntland oo maanta u dabaal degaya sanad guuradoodii 19-aad. Puntland waxay tusaale fiican u tahay Soomaaliya inteeda kale. Waxay si wadajir ah uga shaqeeyeen nabadda, waxayna ku gaareen amni iyo horumar ballaaran” ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Waxaa uu ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaruhu u xaqiijiyey shacabka reer Puntland in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba ka shaqeyneyso waxa danta u ah dalka oo dhan, dhinacoodana looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan sidii waddanka dib loogu soo celin lahaa maqaamkii uu horey u lahaa.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

By H.E. Bihi Iman Egeh, Minister of Finance, Federal...

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...