Wasiirka Waxbarashada iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Sudan

Date:

Wafdigaan uu hor kacayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Daahir Cusmaan oo ay ku wehlinayan lataliyaha Wasiirka Tacliinta Sare, Dr. Cali Sheekh Axmed Abubakar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cusmaan iyo Madaxa Guddiga horumarinta adeega bulshadda ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ee Khartuum kusoo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tacliinta Sare ee dowladda Sudaan, Maamulaha Jaamacadda Afrika, diblomaasiyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan uu horkacayo Danjiraha Safaaradda Maxamed Cabdullaahi Ogaas.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Qaranka ku  sheegay in Suudaan ay u imaadeen isagga iyo wafdigiisa Casumaad rasmi ah oo ay ka haleen Wasiirka Wasaaradda Tacliinta sare ee Dowladda Sudaan.

Sanad walba xiligan oo kale Dalka Sudaan waxaa soo gaara Wasiir ka socda Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Dowladda Sudaan ay dowladda Soomaaliya ugu deeqdo deeqo waxbarasho oo ay ka faa’iideystaan ku dhawaad 200 oo Arday.

Kashmiir Yare

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...