Muqdisho,27 July 2017โฆ.. Maalinta Ololaha Nadaafadda ee khamiista ugu dambeysa bil walba oo uu horey Raโiisul Wasaare Xasan Cali Khayre u goโaamiyey, ayaa maanta si weyn looga xusay Caasimadda dalka, waxaana isu soo baxyo lagu nadiifinaayo magaalada laysugu soo baxay xaafadaha iyo goobaha qashinka lagu aruuriyo ee kala duwan.
Ololaha nadaafadda waxaa hormuud ka ahaa Raโiisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre, ku-xigeenkiisa Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed, Xildhibaanno iyo dadweyne tiro badan, waxana ay hawshan nadiifinta ka bilaabeen degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Taleex halka ay Wasiirada Xukuumadda ka bilaabeen xarumaha Wasaaradahooda.
Raโiisul Wasaaraha oo gacantiisa ku waday gaadiidka gashinka xaaqayay, isla markaana dhex socday haweenka olalaha nadaafadda sameynayay, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u istaagaan ka shaqeynta nadaafadda dalkooda.
โMaanta waa xiligii aynu u astaynay nadaafadda oo dalka dhan laga fulindoono, waxaana muhiima in yar iyo wayn madax iyo shacaba aynu ka wada qeyb qaadano ololaha nadaafadda. Inaan iska nadiifin wayno qashinka si aan u noolaano ceeb ayay nagu tahay, maanta waxaan u taagan nahay inaan nadiifino dalkeena madaxdii qaranka oo dhan ayaa u soo baxay arrintanโ, ayuu yiri R/Wasaare Khayre.
โTani waxay ka turjumaysaa in Soomaalidu ay dalkeeda dib-u-dhisato, haddii aynaan anagu qashinka iska xaaqin oo aynaan nadiifin jidadka, ma jirto cid noo keenaysa dal bilicsan, haddii aad ka qeyb qaadato nadaafadda guud iyo barnaamijyada iskaa wax u qabso, waxay tusaale u tahay in aad dalkaaga dib-u-dhisatid. Waa in qof walba oo Soomaali ah ogaadaa dalka kaliya ee naga dhexeeya inuu yahay kanโ.ayuu Raโiisul Wasaaraha hadalkisa ku daray.
Maalinta nadaafadda ayaa si weyn waxaa uga dhex muuqday qaar ka mid ah hayaโdaha dawladda, kuwaas oo ka hawl galaayey goobo kala duwan, isla markaana dadweynaha kala qayb qaatay.
Wasaaradaha uu Raโiisul Wasaaruhu tagey ee ololaha nadaafaddu ka socday ayaa waxaa kamid ahaa wasaarada Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda, Madaxtooyada dalka, Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Waxbarashada iyo qaar kale, kuwaas oo ay hor kacaayeen wasiirada iyo maamulada kala duwan.