Erdogan oo Israel ku eedeeyey dhibaateynta shacabka falastiin

Date:

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku eedeeyey maamulka Israel inuu awood xad dhaafa u adeegsaday isku dhaca dhex maray ciidamada nabadgelyada iyo Falastiiniyta u mudaharaadayey Xaramka barakaysan ee Qudus.

Saddex qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay shaqaaqadaa oo ka dhalatay amar ay Israel kaga horjoogsatay ragga da’doodu ka yartahay konton jirka in ay ku tukadaan salaaddii Jimcaha barxadda masaajidka ee Muslimiintu u yaqaanaan Xaram Al-Shariif, Yuhuuduna tidhaa Temple Mount.

Israel waxay sheegtay in talaabadaa xaga nabadgelyada ah ee ay qaaday lagama maarmaan noqotay ka dib markii laba askari oo booliska Israel ka tirsan lagu dilay goobtaa.

Falastiiniyiinta ayaa se aad u diiday awaamiirtan cusub ee ay Israel goobtaa ku soo rogtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha cusub ee dalka Hindiya oo si rasmi ah ula wareegay Xilka

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Bakistaan oo kula la yeeshay Madaxweynaha Jaamacadda Islamabad

Safiirka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheeknuur Maxamed Xasan, ayaa...

Guddoomiyaha BJFS iyo duqa Muqdisho oo ka wada hadlay meelmarinta Maqaamka Caasimadda

,Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Taliyaha CBS oo Dhagax Dhigay Dhismaha Masjidka Xarunta Dhexe ee Booliska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...