Madaxweyne Cosoble “Waxaan Hirgalineynaa Garoomo Casri Ah Oo Kubadda Cagta Ah”

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Dr Cali Cabdullahi Cosoble iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee Maamulka ayaa ka qeyb galay
islamarkaana daawaday Ciyaar aad u xiisa badneyd oo dhex mareysay Kooxaha Kubada Cagta ee Waaberi iyo Raadeerka oo ah laba kooxood oo
kala matalayay laba xaafadood oo ku yaala Magaalada Beledweyne, waxaana garoonka ciyaarta ay ka socotay oo ku yaala Magaalada
Beledweyne u soo daawasho tagay Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid Xaafadaha Magaalada.

Dr  Cali Cabdullahi Cosoble ayaa koobka guddoonsiiyay Kabtanka Kooxda Kubadda cagta ee Raadeerka oo ah kooxda qaaday horyaalka Magaalada
Beledweyne, iyadoo kaga adkaatay 2-3 Kooxda Waaberi, waxaana tartankani oo waayihii dambe socday wada ciyaaray 20-kooxood oo kala
matalayay xaafadaha Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Dr Cali Cabdullahi Cosoble Oo halkaasi kula hadlay Ciyaartoyda iyo Dadweynihii u soo daawasho
tagay Ciyaartaa ayaa sheegay In uu ka faraxsanyahay in uu kala soo qeyb galo ciyaartaasi Finalka eheyd, waxaana uu ku tilmaamay tartanada
noocaan oo kale in ay qeyb ka yihiin barnaamijyada isdhex galka bulshada, ayna dar dar galin doonaan misana ay horumarin doonaan
Sportiga.

Madaxweyne Cosoble oo sii hadlay ayaa sheegay garoonka lagu ciyaarayay in ay horumarin doonaan oo garoon casri ah ay ka dhigi doonaan oo
darjiimo, iyo roog Coos ah lagu qurxin doono, waxaana uu xusay in ciyaartoyda Hirshabelle tababaro lagu horumarinayo isportiga u sameyn
doonaan mishaaraadna ay heli doonaan si loo dhiira galiyo Dhalinyarada Kubada Cagta ah, waxaana uu u hambalyeeyay kooxdii Koobkaasi hantisay
ee Raadeerka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga

Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay...

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu

1- President Hassan Sheikh Mohamud has hailed the historic...