Ra’iisul Wasaare Khayre “Booqashada Kismaayo waxay muujinayaa midnimo iyo in dawladdu ay diyaar u tahay inuu la xisaabtamo shacabkeedu”

Date:

Kismaayo 12, July 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre yo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey dadweyne aad u badan, Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ku-xigeenadiisa iyo saraakiil sare sare.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uga soo horeeyey magaalada Kismaayo wafdi kale oo hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo kamid yihiin Golaha Wasiirada, kuwaas oo dhammaantood ka qeyb geli doona Shirka golaha wasiirada oo maalinta bari ah ka dhici doona Kismaayo, kaas oo markii ugu horeysay lagu qabanayo meel ka baxsan Caasimadda.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed madoobe ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ay ku soo dhoweynayaan Kismaayo isla markaana shacabka Jubbooyinku ay si buuxda u taageersan yihiin dadaalada ay dawladdu wado ee ku aadan hoos u daadajinta Hay’adaha dawladda, wuxuuna tilmaamay in shirka ka dhacaya kismaayo uu Xukuumadda u fududeynayo gudashada waajibaadkeeda iyadoo la dhegaysanayo shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa isna dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweynta ballaaran ee shacabka iyo hoggaanka Jubbaland u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna tilmaamay in inta uu ku sugan yahay magaalada uu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada.Kismaayo markii ugu horeysay.

“Booqashadani waxay muujinayaa midnimo iyo in dawladdu ay diyaar u tahay shacabkeedu inuu la xisaabtamo, waxaan Kismaayo ku qabanaynaa shirka Golaha Xukuumadda taas oo muujinaysa sida ay nooga go’an tahay in hoos loo eego deeganada iyo dawlad gobolleedyada”ayuu yiri R/Wasaare Khayre

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu mudnaan gaar ah ay siinayso in xukunku uu gaaro meelaha ka durugsan caasimaha, isla mar ahaantaana xiligan la joogo waqtigii wadajir loo wajihi lahaa ka shaqeynta danta guud. dawladduna ay tahay shaqaale ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ee ka kooban dhammaan golaha Wasiirada ayaa inta ay joogaan kismaayo waxay kulamo la yeelan doonaan Wasaaradaha ay shaqo wadaagta yihiin iyo hoggaanka Jubbaland,

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud...

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...