RW Khayre oo si kulul u cambaareeyey falkii argagaxisada ee degmada Wadajir

Date:

Muqdisho, 20 June 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa si kulul u cambaareeyey falkii argagaxisada ay ku bartil-maameedsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay weerakan lagu qaaday dadka rayidka ah, waxana uu EEBBE uga baryey inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo isagoo intii dhaawacantayna u rajeeyey iney ka bogsadaan dhaawaca.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarkan lagu soo beegay xilli ay dadka Soomaaliyeed ku jireen diyaar garowga ciida iyo maalmihii u danbeeyey ee Bisha barakeysan ee Ramadan, sidaas awgeedna ay tallaabadani ka tarjumeyso ujeedooyinka gurracan ee kooxaha nabad-diidku ku doonayaan inay ku dhaawacaan dareenka dadka Soomaaliyeed si ay uga niyad jebiyaan rajada nabadda iyo dawladnimada ee aadka u sarraysa, isagoo caddeeyey in weerarada noocan ah aanay qaranka Soomaaliyeed ka leeexinayn waddada horumarka iyo dawladnimada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kooxdan argagaxisada Al-Shabaab ay yihiin cadowga ummada Soomaaliyeed oo ay marwalba shacabka u gaarsadaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Kooxdan argagaxisada ah ee Al-Shabaab waa naflacaari u soo jeestay inay shacabka isku qarxiyaan oo ma wadaan dan Soomaaliyeed, mana heystaan diin, waana inaan meel uga soo wadajeesano oo juhdi walba aan ku bixinaa. Waxey rabaan inay taariikhda ummada baaba’iyaan, waxey bartilmaameystaan maatada iyo carruurta, mana galaan wallaal.”

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu baaqay dhalinyarada kooxdan ka tirsan inay ka faa’iideystaan fursada Cafiska oo uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyey si ay dib u dhiska dalkooda uga qeybqaataan. Dowlada ayaa u ballanqaadeysa in dhalinyaradaas la daryeelo oo ay helaan waxbarasho, daryeel iyo sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen.

—–DHAMMAAD—

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS oo UK lagu soo dhaweeyey

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda...

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...