RW Khayre oo si kulul u cambaareeyey falkii argagaxisada ee degmada Wadajir

Date:

Muqdisho, 20 June 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa si kulul u cambaareeyey falkii argagaxisada ay ku bartil-maameedsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay weerakan lagu qaaday dadka rayidka ah, waxana uu EEBBE uga baryey inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo isagoo intii dhaawacantayna u rajeeyey iney ka bogsadaan dhaawaca.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarkan lagu soo beegay xilli ay dadka Soomaaliyeed ku jireen diyaar garowga ciida iyo maalmihii u danbeeyey ee Bisha barakeysan ee Ramadan, sidaas awgeedna ay tallaabadani ka tarjumeyso ujeedooyinka gurracan ee kooxaha nabad-diidku ku doonayaan inay ku dhaawacaan dareenka dadka Soomaaliyeed si ay uga niyad jebiyaan rajada nabadda iyo dawladnimada ee aadka u sarraysa, isagoo caddeeyey in weerarada noocan ah aanay qaranka Soomaaliyeed ka leeexinayn waddada horumarka iyo dawladnimada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kooxdan argagaxisada Al-Shabaab ay yihiin cadowga ummada Soomaaliyeed oo ay marwalba shacabka u gaarsadaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Kooxdan argagaxisada ah ee Al-Shabaab waa naflacaari u soo jeestay inay shacabka isku qarxiyaan oo ma wadaan dan Soomaaliyeed, mana heystaan diin, waana inaan meel uga soo wadajeesano oo juhdi walba aan ku bixinaa. Waxey rabaan inay taariikhda ummada baaba’iyaan, waxey bartilmaameystaan maatada iyo carruurta, mana galaan wallaal.”

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu baaqay dhalinyarada kooxdan ka tirsan inay ka faa’iideystaan fursada Cafiska oo uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyey si ay dib u dhiska dalkooda uga qeybqaataan. Dowlada ayaa u ballanqaadeysa in dhalinyaradaas la daryeelo oo ay helaan waxbarasho, daryeel iyo sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen.

—–DHAMMAAD—

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...