ku dhowaad 10 qof oo ku dhimatay Qarax ka dhacay xarunta degmada Wadajir

Date:

10 rqof  ayaa ku geeriyootay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha xarunta degmada Wadajir, iyadoo uu burburay  dhismaha xarunta degmada.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ahaa nooca ay Soomaalida u taqaano Hoomey, kaasoo ka mid ahaa gawaarida caanaha keenta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga is qarxiyay ay u suura gashay inuu gudaha u galo xarunta degmada, maadaama inta badan gaadiidka caanaha iyo khudaarta keena lagu canshuuro gudaha xarunta degmada, waxaa la sheegayaa inuu ahaa gaari laga yaqaanay xarunta degmada.

Goob-jooge ayaa sheegay in uu arkay Meydka 9 qof iyo meyd la rumeysan yahay in uu yahay qof jirkiisa uu go’go’ay, xaaladda halka uu Qaraxa ka dhacay ayaa aheyd mid kacsan oo dadka iyo Gaadiidka ayaa Abmalasta isku dayey in  ay ka daabulaan goobta dhaawacyada.

Guddoomiyaha degmada Wadajir iyo qaar ka mid ah Ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay qaraxa, sidoo kale waxaa jira dad kale oo iyana waxyeelo ka soo gaartay oo ka mid ahaa dadkii ka shaqeynayay xarunta degmada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....

Guddoomiyaha Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta CECAFA oo gaaray dalka Mareykanka

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka...

Khawaarijta Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Deegaanka Goobo

War ka soo baxay Wasaaradda Gashaandhigga ayaa lagu sheegay...