Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga Afar dhammaadka tartan Cilmiyeedka

Date:

Habeenka 24-aad tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, waxaa ku tartamay caawa degmooyinka Dhahar ee gobolka Sanaag iyo Yaaqshiid oo ka tirsan gobolka Benaadir.

Tartamayaasha labada degmo waxa ay soo bandhigeen qeybtii hore tartan xiiso badan oo lagu weydiiyey afar su’aal degma walba, waxaana loo gudbiyey qeybta labaad ee tartan cilmiyeedka Afar dhammaad ee Warbaahinta Qaranka.

Natiijada Yaaqshiid

Degmada Yaaqshiid ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen hal su’aal lixda kalena waa ay qaldeen, waxa ay uruursadeen Yaaqshiid laba dhibcood (2 dhibcood).

Natiijada Dhahar

Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag waxaa iyaguna la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen Saddex, waxa ay iska qaldeen afar, iyagoo si ka faa’ideysi ah uga jawaabbay laba su’aal oo Yaaqshiid oo hareermartay, waxa ay heleen Toban dhibcood ( 10 dhibcood), degmada Dhahar ayaa u gudubtay wareegga Afar dhammaadka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Sidoo kale caawa waxaa jira tartan labaad oo dhexmari doonaa degmooyinka Shibis iyo C/casiis oo ka wada tirsan.

Caawa tartan kale C/casiis Vs Shibis

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...