Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Kormeer Shaqo Ku Maray Qaar Kamid Ah Degmooyinka Muqdisho

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabad-sugidda ayaa xalay kormeer ay u kuurgalayeen qaabka ay xiliyada habeenkii ah u shaqeeyaan ciidammada xasillinta Caasimadda ku tagey degmooyin dhowr ah, isagoo warbixino ka dhageystay saraakiishii uu kula kulmay waddooyinkii ay kormeerka ku marayeen.

Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa kormeeray inta badan degmooyinkii ay howlgallada xasilinta caasimaddu ka socdeen, gaar ahaan degmooyinka; Wadajir, Hodan, Howl-wadaag, Warta nabada, Yaaqshiid, Waaberi, Xamar-weyne, Shangaani iyo Cabdalcasiis, isagoo ka wareystay ciidammada qaabka ay waajibaadkooda shaqo u gudayaan, waxana uu markaa kadib Ra’iisul Wasaaruhu tagey isgoyska tarabuunka isagoo dhalinyaro halkaasi ku caweysnaysay ka wareystay sida ay u arkaan xasillinta caasimadda, kulana dar-daarmay in gacan ay siiyaan ciidamadda amniga.

Mudadii uu Ra’isul Wasaaruhu ku jiray booqashadiisa waxaa la arkayay dhalinyaro raxan raxan u fadhisa goobaha maqaaxiyaha, kuwaasi oo aysan ka muuqan wax wal wal amni ah, waxaana qaarkood ay ka salaamayeen dusha wafdiga la socda Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada F.S. Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in kormeerkiisan uu ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladdaha ammaanka caasimadda, isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu arko habeen Saq-dhexe in dhalinyaradu ay ku ciyaaraan banaanka xaafadahooda, wuxuuna tilmaamay in tani ay tahay dadaalka ciidanka ammaanka, isaga oo kula dardaarmay inay sii laban laabaan.

—–DHAMMAAD—

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dhisme cusub oo ay yeelanayso Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania oo dhowaan xarigga laga jari doono

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa dhowaan...

Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang

Duufaanta Tropical Storm Basyang ayaa sababtay in la joojiyo...

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay xaflad lagu xusaayey Maalinta Qaranka Kuwait

Koonfur Afrika Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda...