Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo lagu wareejiyey sharciga la dagaalanka Musuqa

Date:

Muqdisho, 14 June 2017 –Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ( Khader) oo maanta xafiiskiisa kula kulmey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Soomaaliya Ciise Weheliye Macalin ayuu kala wareegey Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq-maasuqa kasoo la qorsheenayo in la horgeeyo maalinta beri ah Golaha Wasiirada Soomaliya si ay uga doodaan Sharcigan cusub ka dibna ay u ansixiyaan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa u mahed madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada Cadaalada, maadaama ay wakhti badan galiyeen sidii loo dhameys tiri lahaa sharciga la dagaalanka Musuq maausaqa oo baahi badan loo qabo inuu shaqeeyo,sidoo kalena waxuu tilmamey iney turjumeen sharcigii hore ee Musuq maasuqa kasoo lagu dhaqmi jirey 1968-kii oo ku qornaa luuqada Talyaaniga.

“Waxaan bilowney inaan heshiis caalamiya la sameyno Hay’addaha ka shaqeya arimaha la dagaalanka Musuq maasuqa si aan u daba jarno musuqa”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq maasuqa ayaa beri shirka Golaha Wasiirada loogu qeybinayaa si ay uga doodaan,hadii ay ansixiyaan waxaa la horgeen doonaa Baarlamaanka Soomaaliya.Wuxuuna ka mid nqon doonaa sharciyada ay ku dhaqanto dowlada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...