Kulankii sagaallaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaran, isla markaana uu taabgelinayo maamulka gobolka Benaadir, waxaa ku tartamay degmooyinka X/jajab iyo Wadajir oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.
Labada degmo waxaa loo gudbiyey toddobada suโaal ee degma walba xaqa u leeyahay in la weydiiyo, waxaa qeybta koobaad ee tartanka lagu hakiyey afar suโaal oo wadarta guud ka dhigeysa siddeed suโaal, iyadoo intii nasashada lagu guda jiray la soo bandhigay warbixinnadii ka hadlayey taariikha fog ee ay degmooyinkaasi leeyihiin.
Dhammaadka tartanka iyo Natiijada Guddiga
Degmada X/jajab waxaa la weydiiyey toddoba suโaal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen hal suโaal,ย Lix waa ay iska qaldeen, wax ka faaโideysi ahna ma helin, sidaa darteed guddiga waxa uu sheegay in degmada X/jajab ay uruursadeen laba dhibcood oo Kaliyah.
Natiijada Wadajir
Degmada Wadajir waxaa la weydiiyey iyaduna toddoba suโaal, si sax ah waxa ay uga jawaabbeen laba, shan waa ay iska qaldeen, hal suโaal si ka faaโideysi ah ayeey uga jawaabbeen, sidaa darteed waxa ay heleen Lix Dhibcood (6 dhibcood), degmada Wadajir ayaana nasiib u yeelatay in ay u gudubto wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee bisha Ramadaan.
Habeen dambe kulan tobnaad ee tartan cilmiyeedka waxa uu u dhaxeyn doonaa, degmooyinka Garbahaareey oo ah xarunta gobolka Gedo iyo degmada Hodan ee gobolka Benaadir.
Habeen dambe
Garbahaareey VS Hodan
