Nadwo Ramadaanka lagu soo dhawaynayo oo ka billaabatay Gaalkacyo

Date:

Iyada oo Bisha Barakaysnayd ee Ramadaan ay ka harsan tahay muddo kooban ayaa waxaa ka bilowday qaar ka mida Masaajidda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Nadwo lagu soo dhawaynayo Bishaasi Barakaysan.
Nadwadaani oo ay soo qaban qaabisay Mu’asasada Alminhaaj Puntland ee Dacwada iyo Horumarinta ayaa waxaa loogu tala galay in Bulsha weynta  Gaalkacyo ay u  diyaar garoobaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Nadwada ayaa waxay ka bilaabatay labada Masjid ee waaweyn: Masjid Ramadaan (Garsoor), iyo Masjid Abii Hurayra (Israac).

Nadwada oo soconaysa muddo afar habeen ah ayaa waxaa soo jeedinaya Culimada ugu waaweyn Magaalada Gaalkacyo.

Ciwaannada lagu qaadanayo Nadwada labadeeda Daraf ayaa isku mid ah marka laga reebo caawa oo ah habeenka u hurreeya.

Masjid Ramadaan Muxaadarada Ciwaankeedu yahay: Sababaha keena in la laalaabo Ajarka ayaa waxaa caawa ka soo jeedinaya Sh.Badal Mohamud Sugulle Camiidka Kuliyada Shareecada ee Jaamacada Bariga Afrika Gaalkacyo.

Masjidka Abii Hurayra waxaa Muxaadarada Ciwaankeedu yahay: u diyaar garowga Bisha Ramadaan kas jeediyay Sh. Abdurezak Fiki Warsame Maxamuud Shiikha Kitaabada ka Akhriya Masjidka weyn ee Ramadaan.

Si kastaba ha ahaatee Nadwadaan oo soconaysa muddo kooban ayaa waxaa bar bar soconaya in laga jawaabo Su’aalaha ay Dad waynuhu qabaan, Nadwada ayaa waxaa lagu qaadanayaa Sadexda Habeen ee soo socda ciwaannada kala ah:

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...