Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay Xuska Munaasabadda 15ka May ayaa sheegtay in bisha June ee soo socota Β ay WasaaradduΒ keeni doonto Qorshe cad oo siyaasadeed oo dhallinyarada Soomaaliyeed ka turjmaya iyo dadka Soomaaliyeed ee baahiyaha gaarka ah qaba sida kuwa Naafada ah, taasi oo ah mid ka maqan Dastuurkeenna, arrintaasina waa in looga faaaβideystaa dib u eegista Dastuurka ee hadda gacanta lagu hayo si loo cadeeyo doorka muhiimka ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed
βWasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxa ay ku duuleysaa Baraamijkii Raβiisul wasaaraha ee uu Baarlmaanka horgeeyey, Xukkuumadda hal ku dhiggeedu yahay Nabad iyo Nolol, waxa ay dooneysaa in dhallinyarada Soomaaliyeed si buuxda looga faaaβieysto, waxaa ku howlanahay sidii aan u dhaqangelin lahayn barnamijyada loogu talogalay in loo abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaan sidoo kale ku shaqeyneynaa aragtida madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyaβ,
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriiye ayaa u mahadcelisay dhammaan guddiyadii mudada dheer ka soo shaqaynayay xuska munaasabadda 74-guurada ka soo wareegtay aas aaska maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed 15 may sanadkii 1943-dii.
