Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo Kulan Layeeshay Qunsulka Dalka Masar U Qaabilsan Soomaaliya

Date:

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlad goboleedka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 16 May 2017 ku qaabilay qasriga madaxtooyada Garoowe wefti uu hogaaminayey  Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy.

Weftiga uu hogaaminayey Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha dawlad goboleedka Puntland, Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka DFS iyo saraakiil kale.

Kulan gaar ah oo ay wada qateen Kusimaha Madaxweynaha Puntland iyo weftiga ka Socdey safaaradda Masar ee Soomaaliya ayaa waxa ay uga wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Caafimaadka, Waxbarasha, Korontadda iyo sidoo kale kulamo ay weftigu la qaadan doonaan Wasaaradaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland ayaa xusay in wafdiga ka socday Masar ay socdaalkooda la xiriirto laba arimood oo ah dhinaca horumarka iyo sidii ay u caawin lahaayeen dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degaanada Puntland.

Qonsulka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa ku amaanay Puntland mashaariicda horumarineed ee lagu kabayo kaabayaasha asaasiga ah iyo kuwa dhaqaalee ee Puntland kasocda, gaar ahaan isha dhaqaalaha Puntland ee magaaladda Boosaaso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...