Raβiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo dalka Qatar uga qeyb galay shirweynaha Caalamiga ah ee looga hadlayo iskaashiga dhinacyada xasilinta dhaqaalaha iyo siyaasadda ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud dalka, gaar ahaan daruufaha jira, horumarka dalka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in caalamka uu u soo jeesto sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Qaxootiga.
βAdduunka intiisa badan waxaa heysto daruufo badan, balse Soomaaliya si gaar ah waxaan ka codsaneynaa adduunka inaysan indhahooda ka qaadin Soomaaliya, taasi oo daruufo badan soo daashaday oo ay hadda tahay fursad dhab ah oo garab lagu siin karo, inaga kan dowlad ahaan waxaa naga goβan inaan sameyno isbadal dhab ah, oo aan wadanka uga saarno daruufaha heysatoβ ayuu yiri Raβiisul Wasaaraha oo hadalkiisa ku daray βInagu waxaan diyaar u nahay wada shaqeyntiina, waxaana u baahanahay taageeridiina, si loogu guuleysto isbadal mira dhal ah.
Raβiisul Wasaaraha oo inta badan khudbadiisa diiradda ku saaray arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool caalamka ayaa sheegay in caalamka looga fadhiyo inay ilgaar ah ku fiiriyaan daruufaha heysato qaxootiga Soomaaliyeed oo ah kuwa badan caalamka
βQaxootiga Soomaalida waxaa heysato daruufo adag oo ay qabaan intooda badan, waxaana lagama maar maan ah in caalamku ay ilgaar ah ku eegaan, dowladda cusub ee hadda jirta waxaa ka goβan inay soo dhaweyso qaxootiga Soomaaliyeed e dib ugu soo laabanyaa dalkooda Hooyo iyo ka daryeelka dadka kus oo barakacay gudaha dalka ee ay saameeyeen abaaraha, si aan taasi uga mira dhalino waxaan caalamka uga baahanay inay gacan nagu siiyaanβ ayuu yiri Raβiisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Dhinaca kale Raβiisul Wasaaraha Dalka waxa uu kulan la qaatay dhigiisa dalka Lubnaan Sacad Rafiiq Al-xariiri oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo iskaashi dhex mara labada dowladood.






