Dowlada oo ku dhawaaqday in Madaxii Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose la dilay

Date:

Ciidanka Xooga Dalka ayaa dilay Hogaamiyihii Al-shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo maleeshiyaad kale oo la socday, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow”

Hogaamiyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Cismaan Cabdi Badil, waxaana Al-shabaab uu wakiil uga ahaa gobolka Shabeelaha Hoose.

“5tii May 2017 ayey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay dileen Hoggaamiyahii Al-Shabaab Macalin Cismaan Cabdi Badil iyo seddex maleeshiyaadka kooxdaas ah. Dhimashada hoggaamiyaha waxey wiiqeysaa awoodda kooxda argagaxisada ah ee ka howlgasha Shabeelaha Hoose, tasoo ah guul weyn oo u soo hoyatay ciidanka iyo nabadeynta gobolkaas” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Howlgalkan ciidanka waa mid dib loogu xoojinayo dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab iiyo cabsida joogtada ah ee kooxdani ay ku cabsigeliyaan shacabka Soomaaliyeed.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa u furan fursad ay kooxdaas argagaxisada ah uga soo baxaan bacdamaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya waxey xoojinayaan dagaalka lagula jiro argagaxisada ah.

Dhallinyaro fara badan ayaa Dowladda ku soo biiray ee inta ay goori goor tahay fadlan ka soo carar kooxdaas argagaxisada ah. Waana fursad qaali ah oo aad dib-u-dhiska dalkaaga uga qeybqaadan karto, kuna hagaajin karto mustaqbalkaaga, kan qoyskaaga iyo kan dalkaaga.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...