Dowlada oo ku dhawaaqday in Madaxii Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose la dilay

Date:

Ciidanka Xooga Dalka ayaa dilay Hogaamiyihii Al-shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo maleeshiyaad kale oo la socday, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow”

Hogaamiyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Cismaan Cabdi Badil, waxaana Al-shabaab uu wakiil uga ahaa gobolka Shabeelaha Hoose.

“5tii May 2017 ayey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay dileen Hoggaamiyahii Al-Shabaab Macalin Cismaan Cabdi Badil iyo seddex maleeshiyaadka kooxdaas ah. Dhimashada hoggaamiyaha waxey wiiqeysaa awoodda kooxda argagaxisada ah ee ka howlgasha Shabeelaha Hoose, tasoo ah guul weyn oo u soo hoyatay ciidanka iyo nabadeynta gobolkaas” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Howlgalkan ciidanka waa mid dib loogu xoojinayo dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab iiyo cabsida joogtada ah ee kooxdani ay ku cabsigeliyaan shacabka Soomaaliyeed.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa u furan fursad ay kooxdaas argagaxisada ah uga soo baxaan bacdamaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya waxey xoojinayaan dagaalka lagula jiro argagaxisada ah.

Dhallinyaro fara badan ayaa Dowladda ku soo biiray ee inta ay goori goor tahay fadlan ka soo carar kooxdaas argagaxisada ah. Waana fursad qaali ah oo aad dib-u-dhiska dalkaaga uga qeybqaadan karto, kuna hagaajin karto mustaqbalkaaga, kan qoyskaaga iyo kan dalkaaga.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...