Qoysas abaartu saameysay oo kaalmo la gaarsiiyay

Date:

Qoysas abaarta ku xoola beelay ayaa la gaarsiiyay deeq uu ku taakuleyay Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Barlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad

Deeqdaan oo uu soo dhiibay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxa hay’adda maxaligaa ee Towfiiq Aid Foundition gaarsiisay ilaa iyo 450 qoys oo ka mida qoysaska abaaraha ku xoola beelay kuwaasi ku kala sugnaa deegaanka Towfiiq ee Gobalka Mudug iyo qoysas naftooda lasoo magan saday gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee deegaanka Towfiiq Maxamuud Yuusuf Xirsi Bur le’eg) ayaa Warbaahinta Qaranka uga warbixiyay tirada deeqda ay soo gaarsiiyeen Mas’uuliyiintii ka socatay hay’adda Towfiiq Aid Foundition isagoo uga mahad celiyay Guddoomiy ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

“Halkaan waxaan kula wareegnay raashin loogu tala galay 350 qoys oo qoyskiiba leeyahay haaf bariis ah, haaf sokor ah iyo caagad saliida waxaana uga mahad celinaynaa guddoomiye Cawad deeqdaan uu ku soo caawiyay dadka abaarta ku xoola beelay ee naftooda ula soo cararay deegaanka kaddib markii ay abaarta uga dhamaadeen xoolihii ay nolashooda ku tiirsaneyd” ayuu yiri Maxamuud Yuusuf.

Qaar ka mida dadkii deeqda la siiyay ayaa dhankooda ka mahad celiyay iyagoo ka dhawaajiyay ineey baahi weyn u qabeen, dhanka kalana ka dhawaajiyay in inta badan aysan soo gaarin gurmadyada lagu taakuleeynayo dadka ku xoola beelay abaaraha

Ugu Danbeyna Guddoomiyaha Deegaanka Towfiiq Maxamed Cabdiqaadir Axmed ayaa sheegay in maalinba maalinta ka danbeysa ay sii kordheyso tirada qoysaska abaaraha ku ceyrtoobay ee soo gaaraya deegaanka Towfiiq.

Abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo isa sii taraya ayaa wali ka jira guud ahaan deegaanada Gobalka Mudug inkastoo haatan abaaraha xoogoodu ay yihiin kuwa laga dareemayo deegaanada Godad, Gacnefale, Ceel Bardaale, Balibusle, Jariiban iyo Towfiiq kuwaasi oo dhamaantood ka tirsan deegaanada dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...