Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku fulisay Rag ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Maxakamaada Ciidamada Qalabka sida ee soomaaliya ayaa Maanta Xukun Dil ah kufulisay 4 ruux oo kadanbeeyey Qaraxyadii Mataanaha ahaa ee kadhacey maqaayadaha Beder iyo Reero 28/ bishii labaad ee sanadkii lasoodhaafey Qaraxyadaasi oo ay Kudhinteen 80 Ruux sidookalena ay kudhaawacameen 45 kale.

4 Ruux ee Maanta Xukunka dilka ah lagu fuliyey ayaa lagau kala magacaabaayey

1 Xasan Aadan Mursal

2 C/ladhiif Macalin Aadan C/raxamaan

3 Siyaad Xasan Faarax

4 Sharmad Aawaw Maxamed

Kuwaas oo Xafiiska Heer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya kusoo eedeeyey in ay in ay ka tirsanyihiin Ururka al shabaab islamarkaasina  abaabuleen Fuliyeena Qaraxyo dad Badani ay ku dhamaadeen.

Waxaana maxakamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Maanta afartaasi ruux ay ku fulisay dil toogasho ah , iyadoona Fagaaraha Xukunka Lagufulinaayey ay joogeen Gudoomiyaha Maxakamada Sare ee Ciidamada  Qalabka Sida ee soomaaliya janaraal Liibaan Cali yaraw . iyo Gudoomiyaha Maxakamada Derjada 1 aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur  Shuute

Waxaana Xukunka Maxakamada Kudhawaaqaya DHAME Muumin Xuseen C/laahi Kuxigeenka Heer Ilaaliya Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...