Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay safiirka UK ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa kulan la-qaatay Safiirka Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha saxaafadda Soomaaliya iyo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo dhawaan ka dhacaya Britain.

Wasiirka Warfaafinta  iyo safiirka dowladda Britain ayaa kulankooda waxa uu ka dhacay xarunta safaaradda UK ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Labada mas’uul waxay wada qaateen kulan ay kaga hadlayeen horumarka saxaafada Soomaaliya iyo shirka London arrimaha Soomaaliya looga hadlayo.

Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya Devid Concar ayaa sheegay in Wasiirka ay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa Saxaafadda gaarka loo leeyahay iyo tan Dowladda Soomaaliya, wuxuuna dhinaca kale ka hadlay shirka bisha May ka dhici doona London ee arimaha Soomaaliya looga hadlayo.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Craxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in UK ay kow  ka tahay Wadamada ka shaqeeya Horumarka  Saxaafada iyo arrimaha waxbarashada, isla markaana.

Kulanka uu Wasiirka Warfaafinta la qaatay Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa ah dadaalo uu beryahan waday Wasiirka oo uu ku xoojinayo xiriirka dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya si taageero loogu helo qorsheyaasha Wasaaradda Warfaafinta oo uu Wasiirku damacsanyahay inuu dib u habeyn weyn ku sameeyo Wasaaradda iyo howlaheeda si loo hirgeliyo maamul wanaag kalsooni gelin kara shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...