Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane maxamed C/laahi Farmaajo iyo R/wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Xidigle Faaβisa C/rashiid oo u baahan gar gaar caafimaad oo dalka dibadiisa ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo R/wasaaraha ayaa u balan qaaday Faaβsa in la gayn doono wadan kasta oo ay ka helayso caafimaad.
Xidigle Faaβsa ayaa aad ugu mahadcelisay Madaxda dalka, waxayna sheegtay inay ku Faraxsantahay in maanta Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ay balan qaadaan in Wadanka dibadiisa loo qaadi doono ay u hesho caafimaad taam ah.




