Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo booqday askar qaba dhaawacyo kala duwan

Date:

Booqoshada uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale uu ku tagey isbitaalka Madiin ee maqaalada Muqdisho oo ay ku jiraan qaar kamid ah Askartii Ciidanka Xoogga oo dhaawacya kala  duwan ka soo gaaray difaaca Dalka iyo qaar kale oo ku soo dhaawacmay qarax dhawaan ka dhacay Warshadda Nacnaca Degmada Wadajir ee maqalada Muqdisho.

Ujeedka booqoshada Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ahaa sidii askarta loogu dhiira gelin lahaay in ay sii xoojiyaan difaaca dalka looga xoreynayo Cadowga iyo ka warqabka xaaladahood Caafimaad, waxuuna Taliyaha Deeq lacag ah ku doon siiyay askarta dhaawacyada qaba ee lagu dabiibayo Isbitaalka.

Taliyaha Xoogga dalka Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale oo kbooqashada kaddib  la hadley Warbaahinta Qaranka ayaa  sheegay in dalka dibadiisa loo qaadi doono askarta qaar ee qaba dhaawacyada culus ee aan dalka waxba looga qaban karin.

Taliyaha ayaa qorsheynayo sidii loo xoojin lahaa tayada Ciidanka Xoogga Dalka iyo sidii ay u heli lahaayen Xaquuqdooda, waana booqshadii ugu horeysay uu taliyaha ku tego mid ka mid xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho oo ay ku jireen askar dhaawacyo kala duwan qaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...