Taliyihii hore ee NISA oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warqad been abuur ah

Date:

Taliyihii Hore Ee Hay’adda NISA Gen Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud Ayaa Beeniyay Warqad Been Abuur ah Oo Lasoo Dhigay Baraha Bulshada, Taas oo lagu Sheegayo in loo Magacaabay Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.
Gen Gaafoow Ayaa Sheegay in uu Garanayo Kooxaha Ka dambeeya Been Abuuka intaa la Eg, isagoo sheegay in ay ku suganyihiin Hoteelada iyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Gaafoow Ayaa Nasiibdarro ku tilmaamay in La Muduufikeeyo Saxiixa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna dalbaday in talaabo laga qaado kooxaha arrintaan ka dambeeyay.
“Waan garanayaa been abuurkaas dadka ka dambeeyay, Hoteelada iyo Xarunta Madaxtooyada ayay ku suganyihiin, waana fool xumo in dadka farsameeyay Saxiixa Ra’isul Wasaaraha in iyagoo la yaqaano ay ku dhex suganyihiin Madaxtooyada iyo Hoteelada Ku yaala Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Gen Gaafoow.
Gen Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa ku baaqay in la ilaalayo nimaadka iyo Dowladnimada, taas oo uu xusay in halgan dheer loo soomaray halka maanta la joogo .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...