Shirkii Garsoorka Afrika oo Lagu Soo Gebaebeeyey Khartoum

Date:

Waxaa Caasimada dalka Suudaan kusoo Gabagaboobay shir soconayay Mudo Saddax Maalin ah kaasi oo ay yeelanayeen Madaxda Maxkamadaha Sare iyo Madaxda Garsoorayaasha Dowladaha Africa.

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Morocco Maxamed Khadir oo Warbaahinta qaranka siiyay wareysi gaara oo uu kaga warbixinayay Faa’iidada Kulanka Madaxda Maxkamadaha Africa ayaa waxa uu yiri:- Waxa ugu horeeya waa Midowga Qaarada iyo Qabashada hawl ay ku midaysanyihiin, Qaaraduna waxa ay u baahantahay Shaqo wada jira, Maanta waxaan ka wada hadleenaa Samaynta Maxkamad Africa ah, waxaan ka hadleennaa qorista anshax ay ka midaysanyihiin qaarada, Maanta waxaan ka wada hadleennaa sidii aan u samayn lahayn Shaqo wada jira.

Madaxda Maxkamaddaha Sare ee Africa ayaa isku afgartay inay sameeyaan Maxkamad ay ku midaysanyihiin Africa taas oo looga Kaaftoomi doono Maxkamadda ICC

Maxamed Cabdiqaadir Socdaal

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...