Ciidamadda Xoogga dalka oo howgalka ay ka sameyeen shabeelaha hoose kusoo furtay saanad Ciidan.

Date:

Howlgaladaan lagu baacsanayo maleeshiyaadka argagixisad oo ay kawadaan gobolka shabeelaha hoose kumaandooska xoogga dalka ayaa waxaa ay ka sameeyay degaano ay kamid yihiin Shaam, yuumbis Nuur-gare, Buulo-bashiir, Mubaarak iyo Toora-tooroow.

Howlgalka oo ay siwada jir ah u sameeynayaan ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo gor-gor ayaa waxeey ku bur-buriyeen goobo ay ku dhuumaaleeysanayeen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab kuwaasi oo gabi ahaan cagta lamariyay.
Ciidamadda ayaa sidookale waxeey howgalka kusoo furteen sanaad ciidan oo ay lahaayeen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab.

ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ayaa waxeey caawiyeen dad ku sugnaa degaanada ay gaareen kuwaasi oo ay heeysateen xaalado caafimaad daro waxeeyna usameeyeen baaritaano caafimaad iyadoona ay siiyeen qofkii xanuunsan daawooyin maadaamaa ay ku adkeed in ay helaan daryeel caafimaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...