Wasiir Maareeye Oo Soo Xiray Tartan Ay Baahinaysay Warbaahinta Qaranka Oo La Soo Gebo-gabeeyay

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayari Maareeye ayaa caawa si rasmi ah  u soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 30 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka oo ay ugu badnaayeen degmooyinka Gobalka Banaadir.

Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa ka kaloo ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti, Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Yaxye Cali Faarax iyo Guddiga tartan cilmiyeedka.

Mudan C/fataax Daahir Jeyte oo ka mid ah xubnaha guddiga ayaa ugu horeyn ku soo dhaweeyay Wakiilada Tartamayaasha Degmooyinka Buurhakaba iyo Dharkeynley, kuwaasi oo ka mahadceliyay sida wanaagsan ee uu tartanka u dhacay, iyagoo si wada jir ah u qiray inay aad ugu qanacsanyihiin hannaanka uu tartanka ku bilowday, kuna soo dhamaaday.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Yaxye Cali Faarax ayaa sheegay in sanadkan la qabtay tartankii ugu balaarnaa marka loo eego dhanka ku baahinta baraha bulshada ee Warbaahinta Qaranka, isagoo mahadcelin u jeediyay maamulka Gobolka Banaadir oo gacan ka geystay taaba gelinta tartanka.

“Waa tartankii sagaalad oo ay taabo geliso maamulka Gobolka Banaadir, waana tartanka ugu balaaran ee tartan aqooneed laga qabto magaalada, waxaa intaas dheer in ka badna shan kun oo qof ayaa si toos ah uga daawanayay baraha bulshada ee Warbaahinta Qaranka, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo tartamayaasha kaalimaha koowaad, labaad iyo saddexaad galay,  howl-wadeenada Wasaaradda Warfaafinta ayaa u dhabar adeegay in uu tartanka heerkan soo gaaro” ayuu yiri Agaasime Yaxye Cali Faarax.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa sheegay in ay sharaf u tahay in uu ka soo qeyb galo gunaanadka tartan aqooneedka Warbaahinta Qaranka, isagoo intaa ku daray in aqoon lagu tartamo ay tahay wax aad u wanaagsan.

“Waan uga mahadcelineynaa telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho, anaga aan taabo gelino, balse in bulshada ay gaarsiiyaan waa talaabo aad u wanaagsan, waana soo dhaweyneynaa in la dhiiri geliyo dadka wax bartay” ayuu yiri Cumar Filish oo hadlakiisa ku daray in ay sii wadi doonaan taaba gelinta tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa tartamayaasha uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay uga qeyb qaateen, isagoo si gaar ah u mahadceliyay tartamayaasha caawa tartanka ku guuleystay ee Buurhakaba oo ka tirsan Gobolka Baay, halka kaalinta labaad ay galeen tartamayaasha degmada Dharkeynley.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Maareeye oo soo xiray tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ayaa ugu horeyn maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyay taabo gelinta tartanka, isagoo hambalyo taa la mid ah u diray tartamayasha Degmada Xamar Jajab oo ku guuleystay tartanka iyo Kismaayo oo galay kaalinta labaad.

“Waxaan hambalyo u dirayaa tartamayaasha ka qeyb galay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa tartamayaasha kala galay kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad oo kala ah Buurhakaba oo tartanka ku guuleysatay, Dharkeynley oo kaalinta 2aad gashay iyo Warta Nabadda oo kaalinta saddexaad soo tiigsatay, oo ka kala tirsan gobollada Baay iyo Benaadir”. ayuu yiri Wasiir Maareeye oo hadalkiisa ku daray “Waxaan  u mahadcelinayaa intii ka qeyb qaadatay iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tartamayo, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo maamulka Gobolka Banaadir taabageliyay tartanka”.

Wasiirka ayaa xusay inay aad u wanaagsan in tartamayaasha ay fursad u heleen inay bartaan degmooyinka Gobollada dalka.

“Tartanka waxaa laga faa’iidaa meelaha ay ku liitaaan ardaydeena iyo waxyaabaha ay ku fiicanyihiin, waxaan soo jeedinayaa in cilmibaarista ka soo baxda tartanka loo gudbiyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalka” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in tartanka ay ka qeyb qaateen dad aqoonyahanno ah oo dalka soo maray, ayna tahay talaabo lagu faano.

“Waxaan bulshada ugu baaqeynaa in ay qaataan talooyinka caafimaadka, anigoo ku hadlaya magaca guddiga la dagaallanka cudurka COVID-19, inay si dhab ah u qaataan cudurka oo ay ka taxa daraan waxkasta oo cudurka faafin kara”. Ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...