Home Blog Page 943

Seynisyaanno Mareykan ah oo soo saray Daawo looga hortagyo Cudurka Epola

0

Tijaabooyin lagu sameeyay daawooyin looga hortagay Epola ayaa waxay ka dhigayaan mid  xaal ku meelgar ah loogu helay  Cudurka Epola daawada hataan martay tijaabada ayaa muujiynaysa  horumar dhanka latacaalidda Cudurka Epola, waxaana la sheegay 90% uu  badbaadin karo bukaanada qaba cudurkaasi.

Seynisyahanno ka soo jeeda Mareykanka oo ka socda Mac-hadka qaabilsan cudurada Xasaasiyadda iyo Caabuqa(Allergy and Infectious )ayaa sheegay in tijaabooyin lagu sameeyay daawooyinka REGN-EB3 iyo mAb114 la ogaaday in ay awood u leeyihiin difaaca unugyada jirka ee uu haleelo cudurka Epola.

Afar nuuc oo daawooyin ah ayaa lagu tijaabiyay bukanno qaba cudurka Epola oo rer Koongo ah,halkaasi oo ah meeshii uu ka dillaacay cudurkasi,waxaana dib loo dhigay ama la celiya daawooyinka ZMapp iyo Remdesivir ,ka dib markii la ogaaday in ay ka saameyn yar yihiin tijaabinta daawooyinka REGN-EB3 iyo mAb114 .

Saraakiil xagga Caafimaadka ah ayaa sheegay in daawooyinkaasi ay wax ka tari doonaan cudurka Epola ,isla markaana 90% ay ku badbaadi doonaan dadka reer Koongo ee uu haleelay cudurkaasi.

Madaxweynaha KG Oo Amar Ku Bixiyay in La Soo Xero Dadka Lagu Tuhmayo Dilalkii Ka Dhacay Baydhabo

0

Baydhabo (SNTV) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay Magaalada Baydhabo kuwaas oo loo dilay aano qabiil sida la sheegay.

Madaxweyne Laftagareen oo ka qeyb galay aas shalay galinkii dambe loo sameeyey Allah u naxariistee Siyaasi hore Cali Aadan Marguus ayaa sheegay in Maamulku talaabo adag ka qaadi doono dadka aanooyinka qabiil dadka u dila.

Waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamada Amniga ee Magaalada Baydhabo uu ku amray inay wax ka qabtaan dadka qoryaha ku dhex wata Baydhabo kuwaas oo waliba sida sharci darada ah u dhaqma.

“Kuwa dilalkan oo geysanaaya oo sida xun u fekeraayo waxaan leenahay hadii aad dhibta kula soo noqotaan shacabka,lama aqbalaayo,nin aan ka tirsanayn ciidanka qalabka sida dhinacyadoodi kala duwan,kuwa amniga sugaya waxa aan ka ahayn laguma arki karo magaalada,waxaana amar ku bixinayaa in la soo qabto dadkii ka dambeyeey dilalkii dhacay”.ayuu yiri madaxweynaha K/Galbeed.

Maalintii shalay ayaa dilal siyaabo kala duwan waxaa ay uga dheceen magaalada Baydhabo nawaaxigeeda,waxaana kamid ahaa dadkii la dilay AUN Cali Aaadan Marguus oo kamid ahaa ganacsatada deegaankaasi.

Banka Carafo Oo Maanta Ay Gudashada Xajka u taagan yihiin Malaayiin Muslimiin ah “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV) Iyadoo maanta ay ku beegantahay 9 Bisha Dulxaj ayaa malaayiin Muslimiin ah maanta waxaa ay taagan yihiin Banka Carrafo, si ay u gutaan Waajibaadka xajka .

Xujeyda Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu qiyaasay illaa 11-kun oo ruux, kuwaas oo nasiib u yeeshay in sanadkan ay soo xajiyaan,waxaana ay heleen adeegyo ka duwan kuwii hore,sioda uu ku soo waramayo Wariyaha warbaahinta Qaranka ee Sucuudiga Cali Jaamac Cilmi (Cali Kuus).

Mas’uuliyiinta wasaraadda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya iyo Qunsuliyadda Soomaaliya ee Jidah ayaa halkaasi kusugan,iyagoo sanadkan si gaar ah ula socda xaaladda xujeyda Soomaaliyeed,si ay u qiimeeyaan adeegyada ay helayaan.

Muslimiinta sanadkan gudanaya waajibaadka xajka ayaa ka badan kuwaas oo ka kala yimid dalal ay ka mid tahay Somalia.

Dowladda Dalka Sucuudiga ayaa si weyn u adkeysay amaanka Ammaanka xujeyda,iyadoo ciidamo fara badan dowladda Sucuudi Carabiya ay soo dhigtay waddooyinka magaalada barakeysan ee Makka.

Waxaa la arkayay kumanaan qof oo muslimiin ah kuwaasi oo shkli ahaan isku muuqaal ah,islamarkaan xiran dharka cad,Sidoo kale waxaa gawaarida laga mamnuucay isticmaalka waddooyinka gala masaajidka barakeysan ee xaramka.

Istaaga buurta Carafo ayaa ah rugniga ugu muhiimsan ee Arkaanta xajka,sidasi darteedna dhamaan xujeydii ka qeybgashey ay halkaasi ku sugan yihiin,xiliga qorax dhaca ayaa u gudbidoona magaalada Mustalifa,hlkaasi oo ilaa waaberigii ay ku sugnaan doonaan si ay halkaasi uga uruursadaan dhagaxtuurka sheydaanka.

Maalinta beritu ah ayaa wadamada Islaamku waxaa ay isku diyaarinayaan dabaal degga maalinta koowaad ee Ciidul Adxa.

 

Dhismaha Xarunta Dugsiga Sare ee Degmada Xudur Oo dib loo furay 30-sano kadib.

0

Muqdisho (SNTV) Munaasabadaan dib u howlgelinta Dugsigii sare ee degmada Xudur ayaa waxaa soo qaban qaabiyey bahda waxbarashada degmada Xuddur ee gobolka Bakool, waxaana ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS, Maamulka Bobolka Bakool,Maamulayaasha goobaha waxbarashada ee degmada Xuudr, waaladiinta ardayda iyo Marti sharaf kale.

Wasaaradda Maaliyada ee XFS ayaa muddo 30 sano ka dib dayactir ku sameeysay dhismo cusub oo lagu sameeyay xaruntii hore ee dugsiga sare ee degmada Xudur.

Munaasabadda dib u howlgelinta dugsiga sare ayaa waxaa hadallo ka jeediyay maamulaha cusub ee dugsiga sare Cali Maxamed Sheekh Cali iyo Guddoomiyaha waxbarashada degmada Xudur Aadan Axmed Maxamuud (Qoosh) iyagoo in sharaftii iyo karaamadii waxbarashada gobolka Bakool ay dib u soo laabatay waxaana ay ugu baaq u direen bulsho weynta kudhaqan deegaannada hoostaga degmada Xudur.

Aasaasayaashii iskuulada Shodog iyo iskuulka Xudur Sheekh Maxamed Kheyr iyo Luul Maxamed Nuur ayaa bogaadiyey furitaanka dugsiga sare oo baahi weyn loo qabay,iyagoo uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysatay dayactirka dugsigaasi.

Guddoonka waxbarashada gobolka Bakool C/qaadir Nuur Cadow ayaa u madah celiyey guddoomiyaha gobolka Bakool kaalinta uu ka qaatay in 30 sano ka dib dugsi sare dib uu u shaqeeyo, iyadoo halkaasi shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay guddoomiye Maxamed Cabdi Maxamed (Tall).

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Maxamed Tall iyo Wasiir hore ahna Xildhibaan Sheekh Xasan Ibraahim (Lubuur) oo geba gebada munaasabadaasi ka hadlay ayaa ku bogaadiyay bahda waxbarashada iyo bulshada in la iska kaashado horumarinta waxbarashada gobolka,iyagoo dowladda Soomaaliya uga mahadnaqay maalgelinta dib u dhiska dugsiga sare.

Dhismaha dugsi sare ku fadhiya dhul aad u balaaran waxaana qeyb ka mid ah loo qorsheeyey in laga furo jaamacad maadaama degmada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool aysan ka jirin waxbarasho heer Jaamacadeed.

Maamulka Gobolka Gobolka SH/ Hoose iyo Taliyaha Ciidanka Lugta Oo Kulan La qaatay Maamulka Awdheegle+Sawirro

0

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose oo la kulmay maamulka degmada Awdheegle ee gobolkaasi ayaa kala hadlay la shaqeynta Ciidanka xoogga.

Ibraahim Aadan Cali Najax oo La Hadley Warbaahinta Qaranka ayaa Sheegay iney safar dhulka ah ku gaareen degmada Awdheegle oo dhowaan laga xoreeyay Maleeshiyada Argagixisada ee Alshabaab.

Mudane Najax ayaa Sheegay in safarkiisa lugta ee ay ku gaareen degmada Awdheegle ay ku wehlinayeen guddoomiyaha degmada Awdheegle Maxmed Yarow, Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Genraal Odowaa Yuusuf raage ,Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar), Taliyaha qeybta booliska ee gobolka shabeelaha hoose Abdi dheere, guddoomiye ku xigeenka maaliyadda gobolka Cabdifataax Xaaji cabdulle iyo guddoomiyaha ururka haweenka gobolkaas.

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciiidanka waxaana uu ku bogaadiyay saraakiisha howlgalka dib loogu xoreynayay degmada Awdheegle iyo deegaanada kale.

ugu dambeyn guddoomaha Gobolka Sh/ Hoose Ibraahim Aadan Cali ayaa ka codsaday qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolkaasi inay soo dhoweeyaan ciidamada meel walba oo ay ku sugan yihiin si looga adkaado kooxda khawaariijta ah ee Alshabaab.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo War ka soo saaray Amniga Magaalada Baydhabo

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay Magaalada Baydhabo kuwaas oo loo dilay aano qabiil.

Madaxweyne Laftagareen oo ka qeyb galay aas shalay galinkii dambe loo sameeyey Allah u naxariistee Siyaasi hore Cali Aadan Marguus ayaa sheegay in Maamulku talaabo adag ka qaadi doono dadka aanooyinka qabiil dadka u dila.

Waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamada Amniga ee Magaalada Baydhabo uu ku amrayo inay wax ka qabtaan dadka qoryaha ku dhex wata Baydhabo kuwaas oo waliba sida sharci darada ah u dhaqma.

Dowladda FS oo war ka soo saartay dhacdadii Baydhabo ka dhacday

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dhacdadii naxdinta lahayd ee ka dhacday degmada Baydhabo ee gobolka Baay.

warkan qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa lagu sheegay in aanan marnaba la akhbali karin sii socoshada dagaal beeleedyada khatarta ku ah xasilloonida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa looga tacsiyadeeyey  maamulka Koofur Galbeed dhibaatadii ay ku dhinteen dad gaaraya 5 ruux ee ka dhacday magaalada Baydhaba.

Halkaan ka akhriso

292500

Taliyaha AFRICOM oo Muqdisho soo booqday

Taliyaha Ciidammada Mareykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa booqasho ku yimid Muqdisho, lugtiisii ugu horreysay ee uu Afrika ku yimaado tan iyo markii uu xilka la wareegay 26-kii bishii hore ee July.

General Stephen Townsend ayaa la kulmay ra’iisulwasaaraha dalka Xasan Cali Khayre, Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidammada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in  taliyuhu u kuur galayay xaaladda Soomaaliya ee dhinaca amniga iyo howl gallada socda, iyadoo la sii xoojinayo  howlaha taliska AFRICOM ee dhanka ammaanka ah ee gobolka.

General Townsend, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in uu dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal,isagoo intaa ku daray in ay dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbda caalamka iska kaashanayaan sidii  cadaadis loo saari lahaa loona cirib tiri lahaa kooxaha xagjirka ah, cadaadiskaas oo uu sheegay in uu fursad siinayo horumar laga gaaro dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka.

 

Kumaandooska Soomaaliya ee Awdheegle ku sugan oo khasaare xoogan gaarsiyay maleeshiyaadka Al-shabaab

0

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa jab iyo khasaare xoogan gaarsiiyay maleeshiyaad ka tirsann koxda Shabaab,kadib markii ay isku dayeen in ay weerar ku soo qaadaan degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeelada Hoose.

Saraakiisha hogaaminaysa howlgalkaasi ayaa SONNA u xaqiijiyay in ay ka dileen koxda Shabaab ilaa 4 qof halka 5 kalena laga dhaawacay,kuwaasi oo isku dayay weerar in ay soo qaadaan,balse ay fashiliyeen ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidanka Xooga Dalku ay ka qabsadeen maleeshiyaadka Shabaab degmada Awdheegle iyo nawaaxigeeda,waxaana halkaasi ka socda baaritaano amaanka lagu sugayo.

Sidoo kale waxaa ay ciidamadu qabsadeen deegaano kale oo ay dadku ku dhibaatayn jireen koxda Alshabaab,gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa ka socda howlgaladii ugu ballaarnaa oo lagu burburinayo argagixisada Alshabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray dalka Koonfur Afrika

0

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamh. Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb geli doono shirka Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo todobaadkan halkaasi ka furmi doona.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika  mudane Jamaal Maxamed Barrow oo soo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dalka Koonfur Afrika uu yahay dal muhiim u ah Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh C/raxmaan ayaa uga mahad celiyay safiirka iyo shaqaalaha Safaaradda ee soo dhoweynta diiran u fidiyay waxaana ka warbixiyay ujeedka safarkiisa dalka Koonfur Afrika oo uu sheegay in ay tahay inuu kaga qeyb galo shirka guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo lagu wado inuu ka furmo dalka Koonfur Afrika.

Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika ayaa mudada uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa Arrimaha Qaxootiga Afrika.