Home Blog Page 943

Marwo Asha Gelle Diriye oo la kulantay Soomaalida Ohio

0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Columbus ayaa xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Marwo Asha Gelle Diriye oo wasiir ka Haweenka iyo Arimaha Qosyka ka soo noqotay Puntland kana mid ahayd dadkii wax ka qoray dastuurka soomaaliya ee hada jira.

Marwo Asha oo hada ka shaqeysa arimaha bulshada madaxna ka ah Hay’ada The Asha Gelle Foundation ayaa lagu amaanay doorkeeda isbadal doon iyo sida ay dadka Soomaaliyeed ugu adeegto gaar ahaan Samafalka.
 
Inta baddan dadkii ka hadlay xaflada ayaa ku tilmaamay Asha in ay tusaale wanaagsan u tahay Haweenka Soomaaliyeed iyaga oo ku booriyay in ay sii wado howlaha Samafalka iyo tilmaamaha wanaagsan.
 
Marwo Asha ayaa ka warbixisay xaalada Dalka iyada oo dhanka kale ka sheekeysay xaaladaha ku gadaaman Dowladnimada Soomaaliya iyo in meel fiican loo socdo lagana yimid meel aan la dhayal san karin.
 
Waxay ku boorisay dadkii ka soo qeybgalay in ay dalka ku celiyaan Maskaxdooda, Aqoontooda iyo Hantidooda kuna xisaabtamaan in dalku sugayo oo aysan cidina buuxinayn doorkooda.
 
Waxa la gudoonsiiyay Shahaado Sharaf iyo Abaalmarin ay siiyeen Dalada isku taga Ganacsatada Soomaaliyeed ee Mareykanka fadhigeeduna yahay Columbus.
 
Waxa ay kulamo la qaadatay qeybaha bulshada waxayna inta baddan dadka ku dhiirogalinaysay in dalkii sugayo iyo in fursado baddan oo ay ka faaiideysan karaan ay yaalaan iyada oo dhanka kale amaanku uu yahay hadba sidii Alle qadaro. 
 
Waxay amaantay horuarka ay Soomaalidu ka samaysay Ohio iyo sida loola saan qaaday dadkii dalkan uga soo horeeyay dhanka Ganacsiga, Waxbarashada, Deegaanka iyo arimaha is dhexgalka, waxayna boorisya isku dayga ay ku doonayaan in ay ka dhex muuqdaan siyaasada goboka si lamid ah gobolada kale ee ay soomaalidu ku baddantahay
Deeqo Shire (SONNA)
Columbus Ohio
   

 

Guddoomiyaha Degmada Marka oo ka hadlay howlgalllo ciidamada Xoogga ay ka fuliyeen Marka.

0

Guddoomiyaha degmada Marko ee Xarunta Gobolka Sh/hoose Cabdullaahi Cali Axmed Waafow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyey  Weerar Gaadmo ah oo ay isku dayeen Kooxda Aragagixisada Alshabaab in ay la beegsadaan Ciidanka Xooga dalka ee Ku sugan Magaalada Marka.

Gudoomiyaha ayaa  sheegay in Ciidamada xilliga la soo weerarayay ay ku jireen feejignaan, lagana war hayey weerarka ay soo qaadeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab, Taas oo sahashay in dhibaato xoogan loo geystay Maleeshiyaadkii Weerarka Soo qaaday.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidanka Xooga Dalka ay ku daba jiraan Baxsadka Maleeshiyaadkii Weerarka Soo qaaday isla markaana ay  howlgallo iyo dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo xoogan ka wadaan Duleedka Magaalada Marka.

Amniga Magaalada Marka ayaa Mudooyinkanba ahaa mid aad u xasilan , Ciidanka Xooga Dalka ee Ku sugan Magaalada Marka ayaan Xil adag iska saaray sidii ay Shacabka Ku dhaqan Magaalada Marka ugu noolaan lahaayeen nabad iyo xasilooni.

 

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo ka qayb galay bandhiga Carweedka ganacsiga ee ka furmaya dalka Suudaan

0

Wasiirka ganacsiga Soomaaliyaa iyo wafdiga u hoogminayay ayaa gaaray dalka Suudaan oo ay uga qab galayaan bandhig carweed lagu qabanaayo dalka Suudaan ,waxaana halkaasi  ku soo dhaweeyay dhigiisa dalka Suudaan Cabaas Madaani iyo safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan, iyadoo maanta uu furayo Ra’iisal Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalle Xamdaan, bandhig Carweedka ganacsiga ee ay  martigalineeyso wasaaradda ganacsiga dalka Suudaan.

Soomaaliya ayaa waxay ku soo bandhigi doonta fursaddaha ganacsi ee ka bannaan Soomaaliya iyo sida looga faa iidaysan karo.

Wasiirka Ganacsiga DFS Cabdullaahi Cali Xasaan ayaa  sheegay in ay Soomaaliya  u baahantahay sidii loo horumarin lahaa ganacsiga  dalka iyadoo ay jiraan dadaallo loogu jiro hormarinta ganacsiga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka dhulka oo Booqday difaacyada dagaalka ee Gobolka Shabeellada Hoose+Sawirro.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya S/guudto C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa Kormeer shaqo waxa uu ku tagay Difaacyada Ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin Degaanada Awdheegle,Bariire,Sabiid iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellada Hoose.

General C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa mid mid u dul istaagay Difaacyada isagoona halkaasi kula kulmay Ciidan ku guda jira waajibaadkooda qaranka loo igmaday

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya  General C/Xamiid Maxamed Dirir  waxa uu ciidamada faray in ay u diyaar garoobaan Howlgal ka dhan ah nabadiidka Al-shabaab kaasi oo looga xureynayo degaanada gobolka shabellada hoose

Safarka Taliyaha ciidanka dhulka ayaa ahaa mid dhulka ah,isagoona Booqday fariisimaha ciidamada xoogga dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo qaabilay madax ka socotay hey’adda UNDP.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan barnaamijyada Horumarinta ee (UNdP).

Kulanka oo uu guddoomiyuhu la yeeshey kuxigeenka Wakiilka UNDP ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Golaha Shacabka iyo Hay’adda UNDP.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa muujiyay ahmiyadda ay leedahay sidii loo dardargelin lahaa wadashaqeynta labada dhinac.

Hay’adda UNDP ee QM ayaa kamid ah hay’adaha taageera Dowladda
Soomaaliya,iyadoo fulisa mashaariic badan oo dhanka Horumarinta ah.

Gobolka Banaadir oo lagu qabtay munasabad xil wareejin ah.

Musaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa xilalka kula kala wareegay agaasimaha cusub ee waaxda waxbarashada Gobolka Benaadir Cabdiraxmaan Cumar Sheikh Nur isagoo kala wareegay asaagimihii ka horreeyay Cabdinaasir Rooble Abuukar.

Marwo Basma Caamir Shakeyti guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Gobolka Benadir oo goobjoog ahayd musaabadda xil wareejinta ayaa sheegtay in muhiimad gaar ah ay leedahay waxbrashada Gobolka isla maekaana looga fadhiyo agaasimaha cusub inuu la yimaado dardar gelin iyo wax qabad muuqda.

Wasiir Arrimaha dibadda Turkiga “Weerarkkii argagixiso ee Soomaaliya ka dhacay wuxuu mar kale muujinayaa wajiga foosha xun ee argagixisada,”

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in weerarkii argagixiso ee shalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose uu muujinayo wajiga foosha xun ee argagixisada.

Wasiirka arrimaha dibada Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay in marnaba ka joojin doonin la dagaalanka argagixisada weerarada bahalnimada ay geysanayaan.

“Weerarkkii argagixiso ee Soomaaliya ka dhacay waxa uu mar kale muujinayaa wajiga foosha xun ee argagixisada,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibada Turkiga.

Sidoo kale, Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” Weerarada bahalnimo marnaba nagama joojin doonaan la dagaallanka argagixisada, Waan garab taagnaan doonnaa walaaleheenna Soomaaliya”.

Ugu dambeyntii, Walaalaha dhaawacmay ayuu u rajeeyay dhaqso in ay bogsoodaan,isla markaan ay si dhow ula socon doonaan xaaladooda caafimaad.

Ciidamada Xoogga dalka oo deegaano hor leh kala wareegay maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa ku sii qul qulaya nawaaxiga degmada Jamaame,iyagoo goobo hor leh kala wareegay maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab .

Ciidamada Xoogga ayaa la wareegay fariisimo argagixisadu ay ku dhibaateyn jirtay shacabka,waxayna dileen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Korneyl Idiris Kuusow Sheikh Cabdi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay jab xooggan gaarsiiyeen maleeshiyada Al-Shabaab,islamarkaana ay ka dul qaadeen shacabkii ay dhibaatada ku hayeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bilaabay in ay ka carraraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbada hoose ka dib markii ay culeys Militari ay kala kulmeen ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Hirshabeelle oo Hay’adaha samafalka ku amartay iney is diiwaan-geliyaan.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa fartay Hey’adaha Samafalka ee ka howlgala Deegaanada Hirshabelle in ay iska soo diiwaan galiyaan Xafiiska Wasaaradda Qorsheynta ugu Dambeyn 31-da bishani janaayo ee 2020.

Wasaaradda ayaa sheegtay iney arrintaan uga gol leedahay dardar gelinta howlaha horyaala sanadka 2020,islamarkaana ay muhiim tahay in la helo tira-koobka saxda ah ee Hay’adaha samafalka ee ka howla deegaanada Hirshabeelle.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2019-kii ayaa deegaanada Hirshabeelle waxaa saameyn ku yeeshay Fatahadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle,taas oo Dowladda Federaalka Jawaab deg deg ah ay ka bixisay.

Halkani hoose ka akhriso warqadda ka soo baxday Wasaaradda Qorsheynta Dowlad goboleedka Hirshabeelle:-

Maxkamadaa ciidamada qeybta 60-aad oo dhageysatay dacwad loo heysto eedeysane al-Shabaab ah.

Maxakamadda darajada 1-aad ee    CQS    ee ciidamada qeybteeda 60-aad ayaa Maanta u fariisatay dacwad ciqaabeed loo heysto eedaysane Siid Cali Suurad Macalin Cabdi kaas oo Xafiiska Heer ilaalinta ay Ku soo oogtay in uu mas’uul ka  ahaa qaraxyadii Mataanaha ahaa ee 13/10/2018-kii  ka kala Dhacey gudaha Magaalada beydhabo.

Xeer ilaalinta Maxakamada darajada 1-aad  ayaa kulankii maanta  ku soo bandhigay  qiraalka eedaysanaha iyo markaatiyaal caddeeyay in uu kamid yahay Kooxaha wax dhakra, waxeyna maxakamadda ka codsadeen in ninkaasi  la mariyo ciqaabta ku habboon.

Eedeysanahaasi ayaa qirtay in uu wax badan ka ogaa Labada Qarax ee ka kala dhacay maqaayadda Badar,    halkaas oo ay ku nafwaayeen inka badan 26 Ruux, isla markaana ay ku dhaawacmeen 55 ruux kale.

Madaxda Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qeybta 60-aad ayaa sheegtay in dhowaan la soo bandhigi doono natijada xukunka eedeysanahaasi.