Home Blog Page 878

Dowlada Turkiga oo ballanqaad usameysay qoys waxyeello kasoo gartay qaraxii Ex-koontarool

0

Magaaladda Ankara ee dalka Turkiga ayaa lagu aasay Aamina Cabdullaahi Kheyre oo kamid ahayd dadkii dhawacayadu kasoo gareen qaraxii ka dhacay Ex-koontarool  Afgooye.

Wasiirka Caafimaadka dalka Turkiga ayaa ka qaybgalay  aaska loo sameyay marxuumad Aamina Cusmaan Kheyre oo ku geeryootay dalkaasii,isagoo uga tacsiyeya geerida ku timid gabadhooda Aamina,hooyo  Shamso Xasan Abtiidoon oo ahayd hooyada dhashay,   sidoo kale na waxaa u intaas ku daray in u amar ku bixiyay in isbitaalka Digfeer ee ay gacanta ku hayaan dhaqaatiirta u dhashay  dalka Turkiga  ay la tacaalan gabadhooda kale ee waxyeeladu kasoo garaytay islaa Qaraxaasii iyo aabbe Cusmaan Kheyre  oo ku xanuunsanaya magaaladda Muqdisho.

Dhanka kale waxaa u sheegay in ay laqaybsanyaan dhibtaadda kasoo gartay Qaraxii ka dhacay Ex-koontarool , hooyo Shamso iyo qoyskooda.

”Nolosha qoyska si loo maareeyo waxaan shaqo ka siindoona isbitaalka Digfeer  hooyo Shamso Xasan Kheyre, ama gabadheeda kale hadii ay shaqayn karto”. waxaa sidaa yiri wasiirka caafimaadka dalka Turkiga.

Innaa  lilaahi waa innaa ileeyhi raajucun allaah unaxaariisto Aamina Cabdullaahi Kheyre  oo ku geeryootay dalka Turkiga.

   

Ra’iisul Wasaare khayre oo kulan laqaatay Hoggaamiyaha Ahlusunna

0

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Dhuusameeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa uu kula kulmay Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud.

Kulankooda ayey kaga wada hadleen dhammeystirka dhismaha Galmudug loo dhanyahay iyo sidoo kale in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo dhismaha maamulka Galmudug.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Maxamed-deeq Cabdi Maxamed ayaa sheegay in kulanka Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Hogaamiyaha Ahlusunna uu socday muddo arrimo badana kawada hadleen.

“Waxyaabaha ay kawada hadleen waxaa ugu badnaa arrimaha Galmudug iyo dhismaha maamulka, waxey isku soo qaadeen sidii loo dardargalin lahaa howlaha socda oo muhiim ah” ayuu yiri Wariye Maxamed-deeq oo Dhuusamareeb ku sugan.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey waxaana halkaas howgalo isdabajoog ah kawada Ciidanka qalabka sida.

Wasaaradda Kalluumeysiga oo ka hadashay Kalluun dibadda uga soo baxay xeebta Muqdisho

0

Wasaaradda kallumeysiga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa faah-faahin hor dhac ah ka bixisay kalluun shalay lagu arkay xeebta magaalada Muqdisho, kaas oo soo caariyey.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Kallumeysiga Maxamuud Sheekh Cabdullahi oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kalluunkaas uu kusoo caariyey xeebta u dhaw xerada Xalane, isla markaana aysan jirin meel kale oo lagu arkay.

Kalluunkaas oo aad u badnaa ayaa subaxii hore ee shalay lagu arkay xeebta waxuuna sheegay agaasimuhu inuu yahay hal nuuc oo yar-yar laguna magacaabo Ceydi, kaas oo kalluumeysatadu ay ku dabtaan kalluunka kale ee waaweyn oo uu sheegay inuu cuno.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay inay wasaaradda Kalluumaysigu waddo baaritaan ku aaddan waxa sababay in kalluun intaas la’eg uu bannaanka u soo baxo, dhinaca kalena ay wadaan qorshe looga hor tegayo kalluumaysiga sharci darrada ah oo kalluunka ku jira xeebaha Soomaaliya ay wasaaraddu ka qaadeyso DNA si sharciga loola tiigsado dalkii lagu arko dekadihiisa.

Marwada Koowaad ee dalka oo booqatay dhaawacyadii Qaraxii Ex-Kaantarool “Sawirro”

0

Marwada Koowaad ee dalka, Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa caawa booqatay qaar ka mid ah dhaawacyada ku waxyeeloobay Qaraxii wuxuushnimada ahaa ee Ex-Kaantarool.

Marwo Seynab ayaa warbixin ku saabsan xaaladda caafimaad ee dhaawacyadan ka dhageysatay dhakhaatiirta iyo maamulka Cusbitalka Ordogaan, iyagoona faahfaahin ka siiyay hannaanka ay u maareeyeen dhaawacyadii halista ahaa ee loo qaaday dalka dibaddiisa.

Sidoo kale, Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa la kulantay qaar ka mid ah qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta ku dhaawacmay qaraxii lagu xasuuqay dadka Soomaaliyeed ee birmageydada ahaa, waxa ayna u sheegtay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay garab taagan yihiin.

Marwada Qaranka ayaa tacsi u dirtay ehelada muwaadiniintii ku shihiiday Qaraxii bahalnimo ee Ex-Kaantarool, waxa ayna ku baaqday in si mugleh loo garab istaago ubadka iyo qoysaska ay ka tageen oo ay u ahaayeen isha nololeed ee ay ku tiirsanaayeen.

Ugu dambeyn, Marwada koowaad ee dalka ayaa u mahadcelisay dowladaha aan walaalaha nahay ee gurmadka caafimaad ee degdega ah lasoo gaaray muwaadiniinteenna ku dhaawacmay qaraxaas wuxuushnimada ahaa, waxa ayna tilmaamtay in garab istaaggoodu aanu ka go’ayn xusuusta dadka Soomaaliyeed.

Kumaandooska Soomaaliya oo howlgalo ballaaran ka wada Sh/Hoose

0

Guutada 16aad ee ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka ayaa gobalka Shabeellaha hoose ka fuliyay Howl-gal ballaaran oo qorshihiisu ahaa in argagaxisada looga xoreeyo deegaannada ay shacabka ku dhibaateeyaan.

Ciidanka kamaandoosta ayaa si buuxda argagaxisada uga xoreeyay Tuulooyinka Moradiinle, Buula Miskiin, Macallinka, Baladul Amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buula Bashiir.

Taliyaha Guutada 16aad ee Danab G.le Ismaaciil AbdiMalik ayaaWarbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida usheegay in 20 kamid ah Maleeshiyaadka argagaxisada ah ee Alshabaab lagu dilay intii uu socday howlgalka shacabka looga dul qaadayo nabadiidka.

Taliye Ismaaciil ayaa caddeeyay inay sii wadayaal howl-gallada inta nabadiidka laga saarayo dhammaan deegaannada ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed wuxuuna intaasi kudaray Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab tuulooyinkii ay xoreeyeen Shacabka kudhaqan ay uqeeybiyeen raashiin gar gaar ah maadaamaa shacabka ay kamuuqatay xaalada nooleed oo aad u adag taasi oo katimid dhibaatooyinkii ay kala kulmijireen argagixisada.

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka, kaddib markii ay ansixiyeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxwenaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Gole oo wadajir u ansixiyey miisaaniyaddan sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa, iyagoona ku ansixiyey cod aqlabiyad leh.

Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa adkeeyey qorsheyaasha heer Qaran ee lagu wajahayo musuqmaasuqa iyo dadaalka xooggan ee shacabka iyo dowladdu Soomaaliyeed ay ugu jiraan hirgelinta hannaan maaliyadeed oo hufan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqaalyahannada Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waxtar u leh dadka iyo dalka.

Daawo Madaxweynihii Hore Ee Dowladdii KMG, Mudane C/Qaasim Oo Ka Tacsiyeeyay Weerarkii Argagaxisada Ee Ex-Control Afgoye:

0

Madaxweynihii Hore Ee Dowladdii KMG Soomaaliyeed, Mudane, C/Qaasim Salaad Xasan ayaa ka tacsiyeeyay Ummadda Somaaliyeed dhibaatadii ka dhalatay qaraxii Ex-Kontarool

Kudhufo:-

Muuqaal:- Sidee Loo Tabey Dadkii Lagu Dilay Qaraxii Argagaxisada Al-Shabaab ee Ex-Control Afgoye

0

Saameynta Uu Qaraxu Kaga Tagay Qoysaskii Ay Ka Geeriyoodeen dadkii aanan waxba galabsan ee 28-kii December 2019 Argagaxisada Al-Shabaab Ay Ku dileen Ex-Koontarool Afgooye,

Haween raggoodii ku dhinteen Qaraxii Ex control afgooye.

Hoos ugu dhufo Link-gan:-

https://www.youtube.com/watch?v=g7ptM8HkCo0

Muuqaal:- Waa Sidee Nolosha Qoysaskii Ay Ka Baxeen Dadkii Lagu Dilay Qaraxii Ex-Koontarool

0

Waxaan idiin soo gudbinaynaa Nolosha Qaar kamid ah muwaadiniintii Soomaaliyeed oo lagu dilay weerarkii 28-kii Bishan December 2019-kii kuwaasoo Kooxda Nabad diidka Argagaxisada Al-Shabaab ay ku dileen Qaraxii Ex-Koontrol Afgooye ee Dulleedka Magaalada Muqdisho.

Cabdiraxiim Axmed Yalaxoow Waxa uu kunoolaa degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir, AUN Marxuumku waxa uu Kamid ahaa Arday Soomaaliyeed oo ay Noloshiisa Iftiimaysay, Marxuumka waxaa uu ahaa qof howlkar ah isagoo gelinka hore wax ka baranayay dugsiga dhexe ee Haaruun Al-Rashiid ee magaalada Muqdisho, halka uu gelinka dambe ku shaqeyn jiray Gaari BL- ah si uu u maareeyo nolosha qoyskiisa

Hoos ugu dhufo Link-gan:-  https://www.youtube.com/watch?v=OWJhC44ZcJg

 

Ciraaq Oo Cambaareysay Duqeyn Ay Ciidamada Cirka Mareykanka Ay Ku Qaadeen Gudaha Ciraaq

0

Dadka Ciraaqiyiinta ayaa ku dul socday Calanka Mareykanka xilli ay dibadbax ka sameeynayeen meel udhow xarumaha Kooxda Mintidiinta Kataib ee Xisbolah ay ku leedahay Qaym oo kutaala magaalada ay barakeystaan ee Najaf, 30-kii bishii Dec 2019.

R/Wasaaraha Ciraaq Cadil Cabdal Mahdi ayaa cambareeyy duqeymaha cirka ee Mareykanku ku qaadeen saldhigyo ay leeyihiin maleeshiyada Ciraaq oo ay taageerto Iiraan, isagoo ku tilmaamay talaabadaasi ay ka dhalin karto gudaha Ciraaq dagaalo dhexmara taageerayaasha ukala safan Mareykanka iyo Iran.