Home Blog Page 812

Madaxweyne Farmaajo Oo Cuman Uga qayb galaya Aaska Loo Sameynayo Suldan Qaaboos

0

Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow u amba baxay dalka Cumaan, si uu uga qeyb galo tacsida qaran ee u taala shacabka iyo saldanada aanu walaalaha nahay ee Cumaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hore ugu tacsiyeeyay bulshada iyo dowladda Cuman geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allaha u naxariiskee Suldan Qaaboos Bin Saciid oo dalkaasi soo xukumayay muddo dheer.
Madaxweynaha J. Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in muddada uu joogo halkaasi uu ka qeybgalo baroordiiq iyo tacsi loo sameeynayo boqorkii geeriyooday ee Cuman.
Labada dowladod ee Soomaaliya iyo Cuman ayaa leh xiriir soo jireen ah oo ku dhisan taariikh walaalnimo iyo waxwada qadaqabsi.

Xoghayaha Difaaca Maraykanka oo Sheegay in aysan Ogayn Qorshayaal Ay iiraan Ku Weerarayso Qaar Ka Mid Ah Safaaradaha America ee Caalamka.

0

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa sheegay inuusan arkin  xog ay ka heleen ama ka timid saraakiisha sirdoonka maraykanka taasoo tilmaamaysa in Iiran ay qorsheyneysay inay weerarto afar safaaradood oo maraykanku ku leeyahay dalalka caalamka, arintan oo Madaxweyne Donald Trump uu hore u tilmaamay kadib dilkii General Qaasim Suleymaani.
Esper ayaa tilmaamay inuu Madaxweyne Trump ku raacsan yahay xogta tilmaamaysa inay dhici karaan weerarro kale oo lagu qaado safaaradaha Mareykanka ee caalamka, laakiin ilaa hadda ma muuqdaan tallaabooyin ka dhan ah safaaradaha America ee caalamka.
Xoghaye Esper ayaa intaa ku daray in dhamaan safaaradaha maraykanka ee caalamka uu la wadaagay arrimaha tilmaamaya suurta galnimada inay dhici karaan weeraro ka dhan ah safaaradaha isla markaana uu ku adkeeyey inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan. Wixii ka danbeeyey markii la xaqiijiyey geerida Qassem Soleimani oo ku dhintay duqayn xagga cirka ah oo Mareykanku ka geystay caasimadda ciraaq ee Baqdaad, waxaana dawladda maraykanku ay u aragtaa dilka sulaymaani in ay ka hortageen khatar halis ku ahayd dibloomaasiyiinta iyo ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq iyo dhamaan dalalka bariga dhexe.

Xabbad joojintii dalka Libya oo burburtay

0

Xabbad joojinta burburtay ayaa bilaabatay maalin kahor, kadib markii Dowladda Libya ay cadaadis kala kulantay dalalka Ruushka iyo Turkiga, si ay u aqbasho.

Dowladda ay Qaramada midoobay aqoonsan tahay iyo jabhadda uu hogaamiyo Jeneraal Khalifar Haftar ayaa sheegay in dagaal uu ka bilawday meel aan ka fogeyn caasimadda dalkaas ee Tripoli.

Wakaaladda wararkaee Reuters ayaa kusoo warrantay in maalintii axadda dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo badan oo duleedka caasimadda.

Dowladda Turkiga ayaa toddobadkii lasoo dhaafay ciidamo u dirtay dalkaas, si ay gacan u siiyaan Dowladda.sidaa waxa lagu Qoray BBC Qeebta somaliga

Jeneraal Haftar ayaa waxaa uu taageero ka heystaa dalalka Masar, Sacuudiga, Imaaraatka iyo Urdun, taas oo keentay in dalka shidaalka leh ee Libya uu noqdo goob horleh oo ay ku dagaalamaan dhinacyada isku haya bariga dhexe, ayna noqoto Suuriyada labaad.

Dalka Libya ayaa qalalaaso ku jiray tan iyo sanadkii 2011, xilligaas oo uu bilawday kacdoon xilka lagaga tuuray hogaamiyihi mudada dheer kasoo talinayay dalkaas ee Muammar Gaddafi.

Ciidamada Qaranka ee dalka Libya ee daacadda u ah Jeneraal Haftar waxaa ay maamulaan inta badan bariga dalkaas. Waxaa ay duulaan ka dhan Dowladda fadhigeedu yahay Tripoli bilaabeen sanadkii 2019-ka, inkastoo aysan ku guuleysani in ay la wareegaan caasimadda haddana waxaala sheegaa in ay gacanta ku hayaan inta badan dalkaas.

Madaxweynaha Turkiga iyo dhiggiisa Ruushka ayaa ku baaqay xabad-joojin, kadib markii ay ku kulmeen magaalada Istanbul.

Al-Mabrouk al-Gazawi oo katirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in maleeshiyaadka Haftar ay jabiyeen xabad-joojinta, wuxuuna intaa raaciyay in ay adeegsadeen hub noocyo kala duwan.

Dowladda Libya ayaa markii hore diiday in ay aqbasho xabad joojinta, inkastoo markii dambe ay dib ka aqbashay.

Ciidamada XDS oo soo dhoweeyay maleeshiyaad ka soo goostay al-Shabaab

0

Malleeshiyaad ka soo goostay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa  isku soo dhiibay  ciidamada XDS ee ka howlgala gobolka Gedo..

Saraakiil ka tirsan ciidamada XDS ayaa laba nin oo ka soo goosatay Shabaab ku soo bandhigay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kuwaas oo la sheegay in ay xiriir la soo sameeyeen ciidamada ka hor inta aysan ka soo goosan  kooxda.

Labadan nin ee lagu soo bandhigay Degmada Balad Xaawo ayaa sheegay in sanado badan ay ka tirsanaayeen Al Shabaab ayna hadda go’aansadeen in ay ka soo baxaan kooxdaasi, waxa ayna sheegeen in dhibaatooyin badan ay la kulmeen intii ay ka mid ahaayeen kooxda Al Shabaab.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ciidamada XDS ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah kooxda iyo iyagoo yaqiinsaday in mas’uuliyiinta dowladdu ay soo dhaweynayan dhallinyarada ka soo tagta Shabaab.

Ciidanka Booliiska oo hawlgallo kawadda magaalada Jowhar

0

Bulshada ku dhaqan magaalada Jowhar oo si diirran u soo dhaweeysay howlgallo ay ciidamada booliisku ka billaabeen xaafadaha magaaladaasi.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska ayaa xaafadaha magaalada Jowhar ka billaabay howlgallo lagu sugayo ammaanka magaaladaasi,  loogana hortagayo haddi ay jiraan kuwo falal amnidarro  ah ka wada halkaasi.

Wariyaha nooga soo warama magaalada Jowhar Abuukar Maxamed Bacadle ayaa soo sheegaya in  ciidamada booliisku ay howlgalladan ku baahiyeen dhamaan afarta xaafadood oo  ay ka koobantahay Jowhar, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada la arkayo iyagoo waqtidambe taagan waddooyinka xaafadaha.

“Bulshada ku dhaqan afarta xaafadood oo ay ka koobantahay degmada Jowhar ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay howlgalkan oo ay ku tilmaameen mid lagu adkeeynayo amnigooda islamarkaana kalsoonibadan ku siinaya in ay si toos ah ula shaqeeyaan ciidamada” sidaasi waxaa yiri Abuukar Maxamed Bacadle oo u saaka u waramay Newsroomka warbaahinta Qaranka.

Ammaanka magaalada Jowhar oo markii horeba hagaagsanaa ayaa haddana howlgalkani wuxuu bulshada ku dhiirrigelinayaa in ciidamada ay kala shaqeeyaan ammaanka, maaddaama ay ciidamadu habeen iyo maalin ku suganyiihiin xaafadaha magaalada Jowhar.

Guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Baarlamanka labaad Galmudug oo diyaarinaya habraaca doorashada.

0

Xubnaha Baarlamanka Galmudug ayaa fadhi ay shalay ku  yeesheen Dhuusamareeb ku doortay guddi suurta geliya doorashada guddoonka Baarlamanka labaad ee Galmudug kaasoo ka kooban 15 xubnood.

Maxamed-deeq Cabdi Maxamed oo ah wariyaha nooga soo warama Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in guddiga shalay la doortay uu hadda ku howlanyahay diyaarinta habraaca doorashada guddoonka baarlamanka Galmudug, isagoo intaasi raaciyay in guddigaasi laga sugayo shuruudaha doorashada guddoonka cusub baarlamanka labaad ee Galmudug.

Sidoo kale guddigan shalay la doortay ayaa hadda ku howlan diyaarinta shuruudaha looga baahanyahay musharaxiinta u tartameysa guddoonka baarlamanka Galmudug.

“Shalay waxaa la soo gudbiyay sadax xubnood oo ka mid ah lix ka dhinneyd tirada guud ee  xildhibaannada Baarlamanka cusub ee Galmudug kaasoo ka kooban 89 mudane,  sadexda harsanna dhawaan ayaa lagu wadaa in la soo gudbiyo si loo dhameystiro xubnaha baarlamanka labaad ee Galmudug” sidaasi waxaa yiri Maxameddeeq Cabdi Maxamed oo saaka u waramay warbaahinta Qaranka.

Dhinaca kale guddiga farsamada ee waday howsha dhismaha Galmudug ayey u muuqataa in shaqadiisii ay gabagabo tahay, iyadoo shaqada inta harsan uu la wareegidiino haddii la doorto gudoonka baarlamanka Galmudug

Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Puntland Oo Shaaciyay Xilligga La Tooganaayo Raggii Dilay Caa’isho Ilyaas.

0

Xeer-ilaaliyaha Guud ee dawladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa  shaaciyay waqtiga la fullin doono xukunkii dilka ahaa ee maxkamaddaha maamulkaasi ay ku rideen saddexdii nin ee ku eedaysnaa kufsigii  iyo dilka loo geystay Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd gabar yar oo 12-sano jir ah.

Xeer-ilaaliyaha guud oo u waramayay warbaahinta ayaa sheegay in xukunka la fulin doono 11-ka bisha labaad ee sanadkaan, gaar ahaan saacadda  marka ay tahay 8:00 subaxnimo, iyadoo  goobta lagu fulin doono ay noqon doonto magaalada Boosaaso.

Saddexda nin ayaa lagu kala Magacaabaa C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige ayaa 12-kii Bishii May ee sanadkii tegay ee 2019-kii  Maxkamadda Gobolka Nugaal ay ku riddey xukun dil ah, iyada oo Maxkamadda Racfaanka ay ku raacday xukunkaas, kadib markii ay racfaan ka qaateen.

Madaxweynaha Ruushka & Hogaamiyaha Jarmalka Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka Liibiya.

0

Madaxweynaha dalka ruushka Vladimir Putin ayaa si cad u tilmaamay in xaaladda ka taagan dalka Liibiya ay si weyn u saamayn doonto xasiloonida wadamada gobalka isla markaana ay liddi ku tahay dalalka Yurub.

wuxuuna hadalkaan sheegay xilli uu socday shirjiraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen hogaamiyaha dalka jarmalka Angella Merkal iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Kulankan oo qaatay mudo ka badan saddex saacadood oo ka dhacay caasimadda Moscow ayay sidoo kale kaga hadleen xaaladaha ka jira dalalka ku yaalla bariga dhexe iyo dalka Liibiya, iyagoo isku raacay inay yihiin xaalado aan la dhayalsan karin.

Putin wuxuu tilmaamay in la joogo xilligii wadahadal iyo is-fahan nabadeed lagu dhammeyn lahaa arrimaha liibiya, si taas loo meelmariyo ayay tahay in caasimadda Jarmalka ee Berliin la isugu keeno dhinacyada isku haya dalka Liibiya.

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Markel ayaa si cad u tilmaantay in dawladdeedu aysan ku tala gelin inay fara gelin ku samayso xaaladda Liibiya balse ay doonayso in wadahadal lagu xalliyo dhibaatada ka taagan dalka Liibiya.

Angela Merkel iyo Vladimir Putin ayaa sidoo kale isku raacay in haddii ay sii socdaan xaaladaha cakiran ee ka jira dalalka bariga dhexe ay saameyn xooggan ku yeelan karaan dalalka gobolka iyo dhammaan caalamka intiisa kale, iyagoo Maraykanka iyo Iiraan ugu baaqay inay joojiyaan weerarada iyo colaadaha ka dhex aloosmay.

Amiirka Qadar Sheikh Tamim  Oo Booqanaya Iiraan

0

Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa maanta oo Axad ah booqanayaa dalka Iran si uu wadahadal ula yeesho masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Hassan Rouhani.

Amiirka ayaa subaxnimadii maanta  ka ambabaxay magaalada Doha ee caasimadda, Isagoo socdaalkiisa ka billaabay dhanka caasimada Cumaan ee Muscat, si uu uga tacsiyadeeyo geerida Sultan Qaboos bin Saciid, isagoo ka dib u socdaali doona Iiraan, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Qadar.

Booqashada Amiirka ee Tehraan ayaa timid xilli ay jiraan xiisado kacsan oo ka taagan Khaliijka kadib dilkii Mareykanku ku dilay Qassem Soleimani  oo ahaa taliyihii ugu sareeyay Iran ee Baqdaad iyo sidoo kale gantaal aargoosi ah oo Iran ay ku beegsatay bartilmaameedyada Mareykanka ee Ciraaq.

Ciidamada Amniga Oo Howlgallo Ka Fuliyay Degmada Boondheere

0

Ciidamo ka Tirsan Booliska Soomaaliya ayaa  xalay howlgal dad badan lagu qab qabtay ka sameeyay Xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir.

Ciidamada oo watay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa ay howlgalka ka sameeyeen Xaafadaha ay ka koobantahy Degmada Boondheere

Waxana ciidamada ayaa howlgaladaasi  ku soo qab qabteen Dhallinyaro aad u fara badan òo lagu Tuhunsanyahay in Fallal amni daro ay ka wadeen Dagmadaas,waxaana ciidamadu ay sii dayeen qaar kamid ah dhallinyarada markii waxa Danbi ah lagu waayay iyagoona ciidamada ay  ka xeysteen Tiro kamid ah dhilinyaradii ay Howlgalka ku soo qabteen.

Laamaha amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin  waxyaabaha ay howlgalkaas kusoo qabteen, hayeeshee todobaadkii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Dowladda waxaa ay howlgallo ka fulliyeen degmooyinka, Warta-Nabadda, Waaberi, Xamar Jajab, Xamarweyne, iyada oo xalay laga fuliyey degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir