Home Blog Page 769

Masuuliyiin ka tirsan wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug oo kormeer ku tagay iskuulka caruurta dhagoolada ah+(SAWIRRO).

0

waxaa  mudooyinkii u danbeeyay magaalada Galkacyo ka socday dadaalo lagu xoojinayo waxbarashada caruurta maqalkoodu maqan yahay ayaa waxaa masuuliyiin ka tirsan wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug ay kormeer ku aadan u kuur galida horumarada laga sameeyay waxbarida caruurta aan wax maqli karin ay ku tageen xarunta iskuulka dhagoolayaasha ee magaalada Galkacyo

Masuuliyiintaan ayaa intii ay kormeerkooda ku guda jiraan waxa ay warbixin ku aadan qaabka wax loo baro caruurta dhagoolada ah ka dhageesteen maamulaha Ishuulka Cabdiraxmaan Maxamed Kaarshe isagoona xusay in ay jireen culeysyo fara badan oo laga  soo maray balse haatan lagu guuleeystay helitaanka waxbarida Caruurta maqalkoodu maqan yahay.

Isku duwaha wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug Yurub Xaaji Cabdulqaadir Sheekh Cali  ayaa iyana sheegtay in ujeedka kormeer kooda uu ayahay in ay la socdaan xaalada ay wax ku bartaan caruurta dhagoolada ah, iyadoo sidoo kalana ku baaqday in la garab istaago waxbarida dadka laxaadkoodu kala dhiman yahay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa eedeymo waa weyn oo ay ka mid yihiin qalqal galin amniga Qaranka iyo jiritaanka dowladnimada usoo jeedisay dowladda Kenya.

0

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya @OsmanDubbe ”Ciidanka KDF ee Kenya ee kamidka #AMISOM wax wada shaqeyn ah lama lihin.”
Dowladda Federaalka #Soomaaliya ayaa eedeymo waa weyn usoo jeedisay dowladda #Kenya.
Wasiir @OsmanDubbe ayaa sheegay in Dowladda #Kenya shacabka Soomaalyeed ay ku dhibaan safarka, Islamarkaana Burburiso Ganacsiga Shirkadaha waaweyn ee #Dalkeena.

Wasiir dubbe”Faragalinta Kenya waxaa ay u muuqataa tii rajiimkii Tigreega ku hayn jireen Soomaaliya”

Halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id ee Wasiirka Warfaafinta.

Diyaarada Jabuuti Airlines oo shil ku gashay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

0

Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Jabuuti Airlines ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ka dib Markii cillad matoorka ah ay soo wajahday.

Sarkaal ka tirsan maamulka garoonka ayaa TV-ga Qaranka u xaqiijiyey in shilka diyaaradaan oo rakaab ka soo qaaday Jabuuti aanay cidina wax ku noqon oo ay bad qabaan dadkii saarnaa dhammaantood.

Sarkaalka ayaa sheegay in gaadiidka dabdamiska ah ee garoonka Garoowe ay cilladi ku jirtay marki ay duuliyayaasha diyaaraddu maaamulka garoonka u soo direen fariin ah inay cillad gurmad dag dag ah u baahani ku timid Diyaaradda.

Kulan looga hadlayay sidii xal waara loogu heli lahaa saameynta roobku uu ugeysto bilicda caasimadda oo Muqdisho lagu qabtay+(SAWIRRO).

0

Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir mudane Faarax Cabdi Diini ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay qorshaha horumarinta caasimadda.

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen agaasimeyaasha ku shaqada leh horumarinta caasimadda ayaa lagu lafa guray sidii xal waaro looga gaari lahaa saameynta roobku uu ugeysto bilicda magaalada.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha asaaska u ah ilaalinta bilicda caaismadda xilli roobaadka, si aysan u saameyn biyuhu isu socodka magaalada iyo dadka danyarta ah.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta uu la kulmay in ay dardar galiyaan qorshaha horumarinta magaalada iyo in si hufan loogu qidmeeyo bulshada Caasimadda.

Mas’uuliyiinta ayaa isku raacay in horumarinta magaaladu ay tahay arrinka ugu horreeya ee hortebinta u leh maamulka gobolka iyagoo sheegay in dardar gelin doonaan xal u helida arrintaan.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas.

0

Madaxweyne Ku xigeenka dowlad gobaleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa kulan kula qaatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle & ku xigeenkiisa koowaad.

Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada hadlay dardargalinta Horumarinta dowlad Gobaleedka Hirshabeelle iyo in si hufan loogu Shaqeeyo Shacabka ku nool degaannada  Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiim Luqmaan Xaaji oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa sheegay inay horudhac u yihiin wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo halkaasi tegaya.

(DAAWO) WARKA KOOBAN ©SNTV // 02.12.2020.

0

Halkan ka Daawo Warka Kooban SNTV.

Wafdi Xildhibaano ah oo ka socday Baarlamaanka Puntland oo Dalka Zambia kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalkaasi+(SAWIRRO).

0

Xubnahan ka socday Golaha wakiilada Puntland oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Xil, Cawil Xassan Daad ayaa Xarunta Golaha Qaranka ee dalka Zambia ( National Assembly of Zambia) kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Zambia Hon. Dr Patrick Matibini iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Dr. Howard Kunda.

Baarlamaannada Puntland iyo Zambia ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan, sidoo kalena, halkaas waxaa la isku dhaafsaday, dood cilmiyeed ku saabsan waajibaadka iyo masuuliyada Guddiyada maaliyadda, Xisaabaadka, Hantidhawrka & wada-shaqeynta Xeer-ilaalinta iyo Hay’adaha amniga.

Weftiga ka socda Golaha Wakiillada DPL ayaa u gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Zambia salaan ay uga sidaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Hanti-dhawrka Guud Mudane Cabdirisaaq Cumar Madoobe, khabiiro dhinaca Qaanuunka Iyo Xisaabaadka, la taliyayaal sar-sare, madax ka socta Barnaamijka maareynta Xisaabaadka Dawladda ee loo yaqaan ( Public financial management – PFM ) Iyo Hawl-wadeeno ka tirsan labada Baarlamaan.

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo Hawlgal lagu soo qab-qabtay Horjoogayaal iyo Maleeyshiyaad ka tiran Alshabaab ka fuliyay Gobolka Shabeelaha hoose+(SAWIRRO).

0

Howlgal Qorsheysan oo uu Hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed Generalka Maxamed Tahliil Biixi ayay Ciidamada Xooga Dalka waxay ka sameeyeen Deegano hoos taga deegaanka Maro-Cade ee Gobolka Shabelada iyadoo halkaasi ciidamadu ay ku qabteen Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Alshabaab.

Ciidamada Xooga Dalka intii ay Howlgalka Qorsheysan ku guda jireen waxeey dhaamanba burburiyeen goobihii Maleeshiyaadka Alshabaab gabaadka u ahaa oo ay ka mid ahayd meel maxkamad beenaad ahayd iyo xarumo ay ku aruurin jireen Lacagaha baada ah ee dadka shacabka ka qaadi jireen.

Dadka ku dhaqan deegaanka Maro-cade ayaa Nabadiidka Alshabaab ku qabay dhibaato aad u faro badan.

General Maxamed Tahliil Biixi Taliyaha Ciidanka Dhulka Xooaga Dalka Soomaaliyeed oo goob fagaara ah kula Hadlay Dadka Deegaanka ee halkaasi ku dhaqan ayaa u sheegay in aan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed aysan waxbo ka rabin balse ay ka dul qaadayaan heeryada Cadawga islamarkaana ay diidanyihiin in Alshabaab dhaqaalo ka aruursadaan shacabka dhibaarada baahsan la tacaalaya.

“Anaga Xoolo idinkama Rabno Sako idinka qaadi meyno Lacag Idinka Qaadi mayno Baad idinka Qaadi mayno mida adinka laydinka qaado ayaa rabnaa in aan idiin baajino oo aad haysataan, Shabaab Waa ay burbureen Diin iyo NIdaam Dowladnimo midna ma wadaan ee waa Dhaqaalo boob Dhaqaalaha la doonayo adinka jaabkiina ayuu ku jiraa kaas ayaa loo jeedaa anaguna kaas ayaa dooneynaa in aan idiinka celino” ayuu yirj Taliyo Biixi.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Deegaanadan ay heli lahaayeen Adeegayada Waxbarashada Caafimaadka iyo Hormar balaaran balse waxaa u diiday waa Argagixisada Alshabaab oo dhibaatada ku haayo Umada Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyntii Deegaanka Maro-cade oo u dhaxeeyo Dhula Dhoobeyda iyo Xeebta ee Gobolka Shabelleda Hoose ayuu General Maxamed Tahliil waxaa uu ku booriyay Shacabka Deegaanka in aysan ogaal doonin in Qasab iyo sandul mar dambe wax looga qaado.

Madaxii hore ee aqalka sare Baarlamaanka Itoobiya oo isku dhiibtay ciidanka federaalka Itoobiya.

0

Dowalda itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidanka dowlada itoobiya isku dhiibtay afhayeenkii hore ee aqalka sare ee baarlamaanka itoobiya ee loo yaqaan house of federation.

Keria Ibrahim ayaa xilka iska casishay 9 June ee sanadkan kadib markii ay ka saluugtay dib u dhigii doorashada itoobiya ee lagu waday in ay dhacdo bishii August sanadkan taas oo loo arko in ay ahayd ubucda qilaafka dowlada dhexe iyo TPLF.

Wasiirka qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa soo xiray shir looga hadlayey sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha Soomaaliyeed+(SAWIRRO).

0

Kulankan Wadatashiga ah ee lagu xaqiijinayay istaraatiijiyada Qaran ee xalka waara ayaa maanta lagu soo gabogabeeyay Magaalada Muqdisho kaasoo socoday labadii maalmood ee ugu dambeysay waxaana ka qeyb galay xubno ka socday Dowlada Federalka Soomaaliya Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Istaraatiijiyadan ayaa waxaa ay qeexaysaa sidii looga gaari lahaa Dadka Barakacayaasha, Qaxootiga iyo Tahriibayaasha oo ay isku raaceen ka qeyb galayaasha Kulankan taasoo maanta la meel mariyay islamarkaana dhawaan la hor geeyn doono Golaha Wasiirada JFS.

Agaasinka Xalka Waare ee Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Dawlada Federalka Soomaaliya Marwo Sahro Cabdi ayaa qeexday labada maalmood waxyaabihii looga wada hadlay Kulankan.

“Labada maalmood waxaa halkan lagu gorfeynaayay arrimo xalka waara qusedeya waxaana l xaqiijiyay Istaraatiijiyada Qaran taasoo loo gudbin doono Golaha Wasiirada markii laga ansixiya Golaha Wasiiradana waxaa ay noqon doontaa Qorsha qaran ee Dalka”

Agaasime Sahro ayaa intaasi ku dartay in istaraatiijiyadan ay noqon doonto mid wax badan ka tarta dalka taasoo looga sal gaari doono xal waara in loo helo arrimaha Barakaca.

Qaar ka mid ah Xubnihii ka socday Maamul goboleedyada oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan koror badan waxii ka dambeeyay sanadii 2016-ka kuwaasi oo badan kooda ka imaanayay gobolada Shabeelooyinka, Bay iyo Bakool balse hada Istaatiijiyadan ay ahmiyad weyn u leedahay in wax badan laga  badali karto.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha JFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo shirkan Soo gabo gabeeyay ayaa sheegay in istaraatiijiyadan ay wax weyn ka badali doonto geedi socodka Qorshada qaranka islamarkaana Hay’addaha ku shaqada leh arrintan ay ka saacididoonto Shaqooyinkooda.

Wasiira Jamaal ayaa dhamaan ka soo qeyb galayaasha iyo Shaqaalaha Wasaarada uga mahadceliyay isagoo tilmaamay sida wacan ay uga wada shaqeeyeen Qorista iyo ka doodista Boogan Istaraatiiyada Qorshaha Qaran ee Barakacayaasha.

“Wadankeena waxaa uu ka baxayaa waxyaalihii noloo qor qori jiray sida Istaraatiiyada iyo sharuucda sidan oo kale ayaa loo fadhiisan jiray waxbaa la qori jiray markii la qoro ka dib waa nalaga saxiixan jiray waana la qaadan jiray, Baahidaas ayaa keentay marka in 14 Hay’addood oo dowlada ka socday in ay isku yimaadaan oo mid kasta gaarkiisa fikir u keeno hadan ay ka soo baxdo buugan istaraatiiyada qaranka ayuu yiri Wasiirka.

Si kastaba Dadaaladan ay wado Wasaarada Qorsheyta  ee Dowlada Federalka soomaaliya ayaa looga gonleeyahay in xal waara gala gaaro Arrimaha Barakacayaasha oo ah Dadka ugu nugul ee dhibaatooyinka ugu badan haysto taasoo Dalka u horseedeeyso Hormar dhinac walba leh.

Xafiiska Warfaafinta & Xariirka Dadweynaha Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarimta Dhaqaalaha XFS.