Home Blog Page 698

Ciidamadaa Boliiska waa wehelka Shacabka (Warbixin)

0

20-ka disember ,waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska ciidamada Boliiska oo ka mid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka,isla markaana door wax ku oolka ah ka soo qaatay miraha xoriyadda ee aan harsaneyno .

Sanadkii 1943-diii ayeey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan Boliis ah oo xilligaasi loo arkayey in uu yahay midka ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ah aasaaska dowlad Soomaaliyeed oo ka mid noqota beesha caalamka.

Inkastoo aasaaska iyo dhismaha ciidamada la bilaabay xilligaasi,haddana waxaa jiray ciidamo Soomaaliyeed oo soo shaqeeyay xoriyadda ka hor,gaar ahaan waqtiyadii ay jireen maamuladii gumeysiga Ingiriiska iyo Talyaaniga ee kala qeybsaday geyigga.Tusaale ahaan:-

Ciidamadii Soomaaliya ee xilligii gumeysiga

Laga soo bilaabo sanadkii 1910-40-kii .waxaa jiray ciidamo Somaaliyeed oo uu aasaasay gumeysigii Ingiriiska,ka dib markii uu qabsaday gobolada Woqooyi ee Soomaaliya,ciidamadaasina waxa ay la howlgaleen kuwii Ingiriiska ee xilligaasi joogay dalalka Kenya,Tansaniya,Yemen iyo dalal kale,iyagoo soo qabtay shaqooyin ay ka mid yihiin sugidda amniga magaalooyinka,ilaalinta xeebaha iyo xallinta dagaalada iyo khilafaadka soo kala dhexgala beelaha,qaarkoodna waxa ay ka qeybgaleen dagaalkii labaad ee dunida.

Dhanka kale Talyanaaniga oo gumeystay bartamahaha iyo koonfurta Soomaaliya waxa uu sanadihii u dhexeeyay 1909-1940-kii, aasaasay ciidamo Soomaali ah,kuwaas oo ka mid noqday ciidamo gaaraya dhowr iyo labaatan kun oo joogay gudaha dalka,sanadkii 1936-diina ciidankii Soomaalida waxay ka qeybaleen dagaalkii isballaarinta ee Talyaanigu ku qaaday dalka Itoobiya.

Inkasto ciidamo badan oo Soomaali ah oo ka kala socday gobolada woqooyi iyo koonfur ay ka qeybgaleen dagaalkii 2-aad.,haddana waxaa aasaaska ciidamada Boliiska lagu guuleystay sanadkii 1943-dii ka dib markii dib loo habeeyay ciidamadii gobolada woqooyi iyo konfur oo xilligasi ay gacanta ku hayeen maamulkii Ingiriiska.

Ciidamada Boliiska Xilligii Xoriyadda

Sanadkii 1950-60- kii dib u dhiska ciidamada Boliiska ayaa mar kale ka bilowday gobolada koonfurta Soomaaliya,ka dib kolkii Qaramada Midoobay ay ogolaatay in muddo 10 sano oo xornimo gaarsiin ah Talyaaniga loo dhiibo maamulka gobolada koonfureed, si dadka Soomaliyeed looga caawiyo barashada maaulka dowladnimo,halka gobolada woqooyi maamulkooda uu baaqi ku sii noqday dowladdi Ingiriiska.

Xoreyntii gobolada koonfureed iyo israaca laba gobol ee woqooyi iyo koonfur,waxaa la sameeyay ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban 3700-askari,isla markaana leh qalab iyo tababar casri ah oo la mid ah kuwa caalamka ee dunida,waxaana lagu kordhiyay kun askari oo Daraawiish ah,iyadoo xlligaasi taliyaha ciidanka Boliiska loo magacaabay Geeneral Maxamed Abshir Muuse Haamaan.

Waxqaadka ciidanka Boliiska

Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed oo marna ah hey’adda ugu sareysa ee fulinta sharciga madaniga,waxaa ka mid ah waajibaadkiisa >1-la dagaallanka dambiyada .2-la-dagaallanka argagixisada .3-difaaca dalka.4-Sugidda amniga Gudaha dalka iyo 5- Ilaalinta sharciga dalka

Dhismaha Ciidamada

Awoodda  dheeraadka ah  ee ay la soo baxeen ciidamada  Boliiska  dalka Soomaaliya,waxa ay sababeen in la la sameeyo dhismaha hoggaanno badan oo ku yimid dadaallo miro dhal ah,ka dib kolkii ay kordheen aqoonta iyo howlaha kale ee lagama maarmaanka u ah ciidamada Boliiska.

Hoggaamada Ciidamada Boliiska

1-Hoggaanka   Maaliyadda

2-Hoggaanka   Saadka

3-Hoggaanka   Tababarada

4-Hoggaanka   Dab damiska.

5-Hoggaanka   Caafimaadka

6-Hoggaanka   Isgaarsiinta

7-Hoggaanka   Dhismaha

8-Hoggaanka   Gaadiidka

9-Hoggaanka   Nabad-sugidda

10-Hoggaanka  Ciidanka

11- Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha.

12- Hoggaanka barista dembiyada .

13-Hoggaanka  Ilaalinta waddooyinka

14-Hoggaanka  Dib u dhiska ciidanka

Waxaa marag ma doonto ah in ciidamada Boliiska Soomaaliyeed xiliyadii dhexe ee todobaatameeyadii ay la soo bexeen awood lixaad leh oo tiro ahaan iyo tayo ahaanba buuxiyay shuruudaha lagama maarmaanka u ah amniga gudaha,hadana guulaha ugu weyn ee la tilmaamo in ay soo hooyeen ciidamada boliiska waxaa ka mid ah qeybtii ay ka qaateen dagaaladii dhacay sanadihii 1964-tii iyo 1977-dii,ee lagu raadinaayey dhulalkii ku maqnaa gacanta gumeysigii shisheeye.

Inkastoo bur-burkii ka dhacay dalka 1991-kii ee ay horseedka ka ahaayeen qaar ka mid ah hoggaamiyiyaasha Soomaalida uu saameyn weyn ku yeeshay ciidamada ,haddana laga soo bilaabo  sanadihii 2000-2004tii, waxaa lagu guuleystay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirigeliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Ciidamadu waxa ay dadaal ugu jiraan soo celinta amniga,sidaa daraadeed waxa ay u baahan yihiin in loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab mileteri oo ay ku hawl galaan iyo in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan ammaanka guud ee dalka.

Haddaba,20-ka Disember waa munaasabad qiimo gal ah oo ka tarjumeysa aasaaska ciidamada Boliiska oo lagu tilmaamo hooyada ugu faca weyn ee dhismaha ciidamada Soomaliya,wana cududda labaad ee ay ku faanaan qeybaha bulshada oo xilligaan  ku qanacsan qaabka ay u socdaan howlaha ciidamada iyo dadaalada kale ee ay kaga qeybgalayan horumarka dalka.

Ciidamada Boliiska waa wehelka Shacabka siddaa daraadeed,waxaa haboon in shacbiga Soomaaliyeed ay ciidamada kala shaqeeyaan soo celinta xasiloonida dalka iyo raadinta nidaam guud oo horseeda kala dambeyn.

Ugu dambeyntii saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda ,dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada Boliiska meel kasta oo ay joogaan waxaan u rajeyneynaa  in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

W/qoray Shire Xasan kulmiye

Shir madaxeedka 38-aad ee Madaxda Urur goboleedka IGAD oo daqiiqado ka dib ka furmaya Jabuuti+(SAWIRRO).

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galaya shir deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay kaga arrinsanayaan xaaladda Gobolka.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalalka IGAD, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saari doono khilaafka wadamada Soomaaliya iyo Kenya, xaaladda gobolka Tigreey ee dalka Ethiopia iyo saamaynta wadamada IGAD uu ku yeeshay xanuunka Covid-19.

Wixii ku soo kordha nala socda.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Jabuuti oo madaxda IGAD ay ku yeelanayaan shir aan caadi ahayn.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shir deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay kaga arrinsanayaan xaaladda Gobolka.

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq oo qayb ka ah Wafdiga Madaxweynaha ayaa xusay in shirkan oo ah kii 38-aad ee aan caadiga ahayn oo ay isugu ay ka qayb galayaan Madaxweyanayaasha iyo Ra’iisul Wasaarayaasha Wadamada IGAD.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalalka IGAD, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saari doono khilaafka wadamada Soomaaliya iyo Kenya, xaaladda gobolka Tigreey ee dalka Ethiopia iyo saamaynta wadamada IGAD uu ku yeeshay xanuunka Covid-19.

Soomaaliya ayaa todobaadkii hore warqad astako ah oo ka dhan ah Kenya u dirtay Ra’iisal wasaaraha Sudan Cabdalla Xamduuk oo xilligan ah gudoomiyaha IGAD, taas oo ay ka dhalatay in la qabto shir deg deg ah oo arrintan iyo xaaladaha kale ee wadamada IGAD dhexdooda ka jira looga hadlayo.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay xoojinta amniga

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta ku guddoomiyay shir ku saabsan amniga oo uu ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug, Wasaaradaha amniga Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo Taliyeyaasha Ciidanka oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Wasiirrada amniga dowladda Federaalka mudane Xasan Xundubey Jimcaale, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Qaasim, ayaa ka hadlay arrimihii shirka looga hadlay oo ay ugu horeyso xoojinta Nabadgelyada.

Wasiirka Amniga oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ciidamada Qaranka uga tacsiyadeeyay saraakiishii shalay ku shahiiday qaraxii ka dhacay Gaalkacyo, isagoo Ummadda Soomaaliyeed tacsi u diray, Allena uga baryay in uu janadii fardowza ka waraabiyo.

“Nimanka falkaas geystay waa niman Diinta qaloociyay, dalka dumiyay, oo dadka naga laayay oo cudur ah, dadkaasina waa laga guuleysan doonaa gabaabsi ayayna marayaan, howshooda waa gabaabsi, waana laga guuleysan doonaa, ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo bulshada Soomaaliyeed ee Nabadda jecel oo dalkooda iyo diintooda dhisanaya, iyagaa guuleysan doona” ayuu yiri Wasiirka Amnniga mudane Xasan Xundubey Jimcaale.

 

Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay labo horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab+(SAWIRRO).

0

Ciidanka Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ayaa nolosha ku qabtay Labo horjooge oo Argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa aruurinta lacagaha baadda ah, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Dhagar qabe Siidow Mayow Xaaji iyo dhagar qabe Isxaaq.

Howlgalkaan ayaa laga sameeyey deegaanada Galhareeri, Cumar Beere, Maguurto Baalgure iyo Bullow oo kawada tirsan Gobollka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka ayaa laga fuliyay goobo bartilmaameed u ahaa ciidanka kumaandooska Danab.

Madaxweyne Farmaajo Oo Dalka Jabuuti Kaga Qeyb Galaya Shirka IGAD.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Shir deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay kaga arrinsanayaan xaaladda Gobolka.

Madaxweynaha iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa Madaxda dalalka IGAD hor dhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ilaalinta Madaxbannaanida waddamada ku mideysan IGAD, daris wanaagga, xasilloonida iyo nabadda Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan doceedyo la qaadan doona Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah IGAD, si loo xoojiyo doorka dalkeennu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku dhisan wax-wada qabsi, iskaashi dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Diblumaasiyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee safarka Madaxweynaha ku wehelinaya waxa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cabdirisaaq  Maxamuud, Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed Danjire Yuusuf Garaad Cumar.

Wasiirka Cadaaladda ”Waxaan xoogga saaraynaa in shacabka uu helo adeeg Garsoor oo Caddaaladda ku saleysan”

0

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa ka warbixiyay qorshayaasha ugu degsan Wasaaraddiisa dhanka horumarinta adeegyada Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka.

Wasiirka oo safar ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa booqday xabsiga Dhexe ee Baydhabo iyo xabsi cusub oo uu ku socdo dhismo, waxaana ku wehliya kormeerka Wasiirka Cadaaladda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Isagoo ka hadlaya ahmiyadda Cadaaladda ayuu sheegay in ay yihiin aas aaska dowladnimo, la’aantoodina horumar amni, mid bulsho iyo dhaqaale midna hagaagaynin.

“Waxaa ii qorsheysan in la horumariyo dhamaan hay’adaha garsoorka Federalka iyo Maamul goboleedyada 2021 waxaa noo qorsheysan in aan dhisno xabsiyo casri ah dhameystirnana kuwa hadda socda sidoo kale inaan tayeyno dhamaan garsoorayaasha iyo xeer ilaalinta iyo dhismooyinka maxkamaduhu ku shaqeen lahaayeen”. Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda XFS.

Wuxuu sidoo kale intaasi ku daray in ka wasaaradda ahaan ay dadaal ku bixin doonaan sidii shacabka Soomaaliyeed loogu dhoweyn lahaa adeegyada Cadaaladda.

Wasiirka Cadaaladda ayaa waxa uu la kulmay howlwadeenada Wasaaradda Cadaaladda ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyey shaqada ka socota guud ahaan Koonfur Galbeed gaar ahaan xarunta Wasaaradda.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa sidoo kale tilmaamay in WasaaradDa Cadaalada ee Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso sidii shacabka dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ugu xaqiijin lahayd helidda hannaan caddaaladeed oo hufan, isagoo warbixinno la xiriira howllaha adag ee ay u hayaan bulshada ka dhageystay mas’uuliyiinta ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Xasan (John) yo taliyaha ciidanka Asluubta Koonfur Galbeed

Wasiiru dowlaha Ganacsiga oo daah-furay shirka madasha labaad ee horumarinta dhoofka+(SAWIRRO).

0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa maanta furay shirka Madasha Labaad ee Horumarinta Dhoofka Soomaaliya, oo ay soo abaabuleen Golaha Dhiiri-gelinta Dhoofka ee Soomaaliya oo ay ku bahoobeen ganacsato Soomaaliyeed.

Wasiirka oo ay wehelinayeen Agaasimeyaasha Ganacsiga iyo Maal-gashiga ee Wasaaradda, ayaa waxa uu halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo ku saabsan xaaladda Ganacsi ee wadanka iyo kaalinta ay Wasaaraddu kaga jirto dhiiri-gelinta iyo horumarinta dhoofinta wax-soo-saarka wadanka,

Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in Wasaaraddu ay mar walba u taagan tahay siddii suuqyo ganacsi looggu heli lahaa wax-soo-saarka dalkeena, sidoo kale loo fududeyn lahaa ganacsiga iyo dhoofinta wax-soo-saarka wadanka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay Aaska Saraakiishii Qaranka ee ku shahiiday Qaraxii Gaalkacyo+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loogu sameeyey Gaalkacyo saraakiishii qaranka ee ku shahiiday falkii argagixisadu shalay ka geysteen magaalada Gaalkacyo.

Salaadda Janaasada ayaa waxaa marxuumiinta wadajir ugu tukaday Ra’iisul Wasaaraha , Madaxda Galmudug, Wasiirro ka tirsan dowladda federaalka, Puntland, Galmudug, Xildhibaanno heer federal, heer gobol iyo saraakiisha Ciidamadda. Waxayna Allah uga baryeen inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo guud ahaan dadkii ku dhintay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay in cadowga ummadda Soomaaliyeed aan looga hari doonin beegsiga haldoorka bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeenna uu Samir iyo iimaan ka siiyo. Isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marna ilaawi doonin halyeeyadii qaranka ka shahiiday.

Wasaaradda caafimaadka XFS oo tababbar ku saabsan dhimirka u soo xirtay xirfadleyaal caafimaad+(SAWIRRO).

0

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo kaashaneysa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa soo gabagabeysay tababbar ku saabsan caafimaadka dhimirka.

Tababbarkan ayaa ujeedkiisu wuxuu ahaa in xirfadleyaasha caafimaadku noqdaan tababarayaal arrimaha caafimaadka dhimirka, kuwaas oo sii tababari doona shaqaalaha xarumaha caafimaadka si adeega caafimaadka dhimirka loogu daro adeegyada ay bixiyaan una siiyaan taageerada lagama maarmaanka ah ee ay u baahanyihiin bukaannada qaba xanuunka dhimirka.

Dadka qaba xanuunnada dhimirka ayaan heysan goobo ku filan oo lagula tacaalo, waxeysa tababbarida xirfadleyaashan noqon doonaan kuwa wax weyn ka beddela haddii laga faa’ideysto.