Home Blog Page 607

DHAGEYSO:Madaxweynaha jubbland oo sheegay in la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka gedo ka xayirnaa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland .

0

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, oo shalay dib ugu laabtay magalaada Kismaayo ayaa soo dhaweeyay isbadalka Cusub ee dalka ka hirgalay isagoo xusay in mudo la sugayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay.

DHAGEYSO:Kulan looga hadlayay xoojinta amniga iyo wax ka qabashada dilal ka dhacay galkacyo oo xalay lagu qabtay Magalaada galkacyo..

0

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug G/dhexe Cali Muuse Maxamuud oo Ay wehliyeen Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Gaalkacyo oo xalay  Shir Jaraa’id ku Qabtay Saldhigga Degmada Gaalkacyo ayaa Faahfaahin ka bixiyay Fal Sababay Dhimashada Labo ruux oo shacab ah iyo Dhaawaca Hal kale oo ka dhacay Gaalkacyo.

Maamulka mudug ee galmudug iyo saraakisha amniga oo kulan deg deg ah ka yeeshay amniga galkacyo.

0

Gudoomiyaha Gobolka mudug Mudane Ahmed Shire Bukhari ayaa Kulan deg deg ah oo ku saabsan sugidda amniga Gobolka mudug waxaa uu la Qaatay Taliska qeybta Booliska Gobalka, kan Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada xasilinta Gobolka Mudug, kuwaas oo door muhiima ka qaata sugista amni Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Mareykanka oo Safarkiisi ugu horeeyay ee Asia maanta kutagay dalka Kuuriyada Koofured.

Maanta oo Jimce ah, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa safarkiisii ​​ugu horreeyay ee Aasiya ku tagay Kuuriyada Koonfureed, taasoo ujeeddadeedu tahay xaqiijinta go’aanka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee maamulkiisa ee gobolka si looga hortago Shiinaha.

Booqashadan oo qaadan doonta shan maalmood, Biden waxa uu kulan madaxeedkiisii ​​ugu horreeyey la yeelan doona madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Seok-yeol oo ay ka wadahadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin barnaamijka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi iyo khatarta silsiladda sahayda.

Booqashada Biden, oo ah tii ugu horeysay tan iyo markii uu xafiiska qabtay, ayaa ku soo beegantay iyadoo Seoul iyo Washington labaduba ay rumeysan yihiin in Kuuriyada Waqooyi ay qarka u saaran tahay tijaabinta gantaallada ballistic-ga ee Nukliyeerka ama qaaradaha isaga gudba inta uu ku sugan yahay Kuuriyada Koonfureed ama Japan, oo ah lugtii labaad ee safarkiisa.

Booqashada Biden ee Seoul ayaa timid 10 maalmood uun kadib markii Yoon uu xilka la wareegay.

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Magalaada Hargeysa.

0

Saddex dhalinyaro ayaa ku geeriyootay shil Baabuur oo ka dhacay Duleedka Degmada Dacar Budhuq ee gobolada waqooyi.

SAWIRRO:Madaxweynaha Jubbaland oo maanta gaaray magaalada Kismaayo.

0

Madaxweynaha Maàmulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo kadib Markii uu Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka kaga soo qeybgalay doorashada Madaxweynaha JFS.

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo sheegey in uu xanuunka la qeybsanayo ganacsatadii dhibaatadu ka soo gaartay dabkii xalay ka kacay suuqa Banaadir.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xanuunka la qeybsaday dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay dabkii xalay ka kacay goobaha ganacsi ee isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yirri “Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii xalay ka kacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kuna fiday goobaha ganacsi ee u dhow Musiibada dabku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta, Insha Allaahu xilligeeda iyo xalkeeda waannu gaari doonaa”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in musiibada dabka tahay dhibaato u baahan in wadajir looga shaqeeyo maareynteeda, waxaana uu tilmaamay in ay ka shaqaynayaan sidii xal loogu heli lahaa.

SAWIRRO:Banaanbaxyo lagu soodhaweynaayo madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo ka dhacay Gobolka Gedo.

0

Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo we koonfurta Dalka ayaa waxa maanta ka dhacay bannaan-baxyo waaweyn oo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo markale axadii tudabaadkaan dib loo doortay.

Degmooyinka Beledxaawo, Doolow iyo Luuq ayaa kamid ah meelaha ay ka dhaceen bannaanbaxyada kuwaas oo dad badan ay iskugu soo baxeen.

Guud ahaan degmooyinka Dalka waxaa ka socda Banaanbaxyo waa weyn oo lagu soodhaweynayey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Hassan sheikh Maxamuud.

Soomaliya Iyo Hey’adda IMF oo heshiis cusub kala saxiixday.

0

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda IMF Ayaa kala saxiixday heshiis muhiim u ah geeddi Socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad,Qoraal uu soo saaray wasiirka Wasaarada maaliyada Soomaaliya Abdirahman Ducaale Bayle ayuu sidaan ku sheegay.

DEG:DEG-Maleeshiyaad hubeysan oo saakay gaalkacyo ku dilay dad shacab ah.

Labo qof ayaa dhimatay halka mid kalana uu ku Dhaawacmay kadib markii Maleeshiyo Hubeysan Ay Rasaas ku Fureeen gaari ay Saarnayeen Dad Shacab ah.