Home Blog Page 564

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Abuukar Subeer oo maanta xilkii la wareegay

Muqdisho:05,07,2022,Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Abuukar Subeer ayaa xilka kala wareegay maanta Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Ibraahim Nuur,

Labada masuul ayaa xilka kula kala wareegay  munaasabad ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo uu goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha xafiiska Mudane Cabdixakiin Ashkir.

 

Madaxweynaha Hiirshabelle oo maanta qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho: 05, Luulyo, 2022: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo Wafdi ay hoggaaminaysay.

Wasaaradda arrimaha guddaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug oo dhuusamareeb tababar uga furtay madaxda iyo shaqaalaha xafiisyada dowladaha hoose ee Caasimada Galmudug

0

Muqdisho,05,7,2022: Wasaaradda arrimaha guddaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa tababar ku saabsan Maamulka iyo maareynta Xafiisyada dowladaha hoose uga furtay  Magaalada Dhuusamareeb qaar ka mid ah madaxda iyo shaqaalaha xafiisyada dowladaha hoose ee Caasimada Galmudug.

[DHAGEYSO+SAWIRO]Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Galmudug oo qeylo dhaan ka muujiyey Abaaraha ka jira deeganada Gobolkaas

MUQDISHO-05-7-2022-:Guddoomiyaha Gobolka  Mudug iyo Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Maamulka Galmudug oo safar lagu kormeerayey Xaaladda Abaaraha ku Maray Deegaano dhaca Bariga Gobolka Mudug.

Maxaa looga hadlayaa Shir Madaxeedka IGAD ee maanta ka furmaya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

0

Muqdisho,05,7,2022:Maanta oo talaado ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi ee caasimada Wadanka Kenya uu ka furmo  shirka meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD.

[DAAWO]Ciidanka Gaarka ah ee NISA oo howlgallo ka sameeyay qeybo katirsan degmooyinka magaalada Muqdisho

MUQDISHO-5-7-2022-:Ciidanka Gaarka ah ee NISA ayaa howlgalo ka sameeyay degmooyinka Howlwadaag, Wartanabadda, Yaaqshiid, Kaaraan iyo qaybo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

(SAWIRRO) Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Ankara

Muqdisho:04,7,2022;Madaxwaynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee Ankara.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka oo berri Magaalada Nairobi uga qeybgalayo shir madaxeedka IGAD oo muqdisho ka dhoofay

Muqdisho,04,7,2022:Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qayb galaya meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD oo maalinta barri ah ka qabsoomi doonta wadanka Kenya, gaar ahaan Nairobi.

Guddoomiye sheikh Aadan Madoobe iyo R/W Hore Rooble oo caawa u amba baxay dalka Sucuudi Carabiya

0

Muqdisho Luulyo 04,2022;Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe u amba baxay dalka Sucuudi Carabiya halkaas oo maalmaha uu ku suganyahay ku soo qaadan doono gudashada acmaasha Xajka.

Wafdiga uu hogaaminaayo Guddoomiyaha oo ay ugu horeeyaan Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar ka mid ah wasiirada xilgaarsiinta ayaa ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan kula dardaamay in dalka iyo dadka loo duceeyo si uu Allah uga samatabixiyo Abaarahan soo noqnoqday.

Guddoomiyaha oo ugu dambeyn Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay laabta isku furaan si loo helo midnimo iyo wadajir.

Madaxweynaha Hiirshabelle oo laamaha amniga maamulkaas faray adkeynta Amniga Caasimada Jowhar

Muqdisho : 04, Luulyo, 2022: Madaxweynaha Dowladd goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Golaha Xukuumada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta warbixino uga dhageystay Wasiirka Amniga gudaha, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha.

Shirka ayaa looga hadlay howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo sidii loo adkeyn lahaa amaanka Caasimada.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa diirada lagu saaray abaaraha iyo biyo la’aanta baahsan ee ka jirta deegaanada Dowladda Hirshabeelle iyadoo dhulka miyiga ah ay kasoo barakaceen dadkii ku noolaa kadib markii ay waayeen wax ay cunaan xoolihii ay dhaqanayeena ay abaartu ka baabi’isay.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah loogu gurmado dadka ay dhibaatada xoogan kasoo gaartay abaaraha waxa uuna faray Wasaaradda Gargaarka iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha inay hay’addaha ku adkeeyaan sidii degdeg loogu gurman lahaa dadka ay dhibaataysay abaarta.