Home Blog Page 564

Habka Tebinta Wararka  Saadaasha Hawada iyo Isbaddalka Cimilada oo loo Tababaray Weriyaal ka socday Somaaliya iyo Jabuuti .

0

Aqoon- Isweydeersigan oo ahaa mid ballaaran ayna ka faa’iideysteen ku dhowaad 30 ruux oo isugu jiray Wariyaal iyo Kooxaha ka shaqeeyo Saadaasha Hawada waddamada Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa loogu soo gabe-gabeeyay dalka Jabuuti, waxaana uu socday  muddo afar cisho ah.

Hay’adaha Icpac-Igad, Norcop iyo Met Office Uk  ayaa iska kaashaday qabsoomidda tababarkan oo ahmyada wayn u lahaa warbaahinta iyo saadaasha hawada, waxyaabaha lagu bartay waxaa ka mid ah  habka soo bandhigista xoggaha la xariira saadashada hawada iyo Isbadalka Cimilada si loo gaarsiiyo bulshada, iyada oo la marayo hannaanka cilimiga ah Geeska Afrika, digniino wadareedka qataraha EAHW,  Hannaanka Qorsheynta Saxaaafadda xiliyada S-MAP, tasoo warbaahinta u sahalayso in farriimaha  iyo sheekooyinkooda saldhigaan xilliyada kala duwan ee abaaraha, fatahaadaha iyo duufaannada, kuwaas oo ay soo gudbiyaan khubarrada Sadaasha Hawada iyo Cimalada, una sahlayso in ay uga gudbiyaan Ummadda waxyaabaha la filan karo iyo sida looga gaashaaman lahaa.

Mudane, Cabdiwali Suleymaan oo ka tirsan Urur Gobaleedka IGAD-ICPAC ayaa sharraxaad dheeri ah ka bixiyay ujeedada Aqoon-Isweedarsigan u leeyahay Warbaahinta Soomaalida iyo Jabuuti isla markaana uga Mahadceliyo ICPAC iyo NORCAP.

“Tababarkan waa dalkii 8-aad oo aan u qabanay, muhiimadda uu leeyahay waxey tahay warbaahinta ama wariyaasha oo kaalinta koowaad kaga jira tebinta ama xogsiinta qeybaha ay khuseeyso Isbaddalka Cimilada iyo saadasha hawada oo aad u saameyso, marka waa in ay ogaadan waxa ay tabinayaan tasoo gaarsiisan heer ay sharaxi karaan aqoon ahaan waxa ay tahay isbadalka cimilada iyo saadasha si dhow ula shaqeeyn aysan noqan kuwa tebiya wax loo dhiibay” Ayuu yari Cabdiwali Salad

Sidoo kale Cabdiwali ayaa sharraxay gaabka u dhaxeeyo warbaahinta geeska Afrika ka  howl-gasho iyo tan  Soomaalida iyo qaabka uga hobaan a sida ay iskula jaan-qaadi karaan habka tebinta warbixinada la xariira Saadasha hawada iyo isbadalka Cimilada, iyada oo la maraayo EAHW.

“Wariyaasha Soomaaliyeed mudnaan kale ayee innoo leeyahiin  dhibaatooyin kale oo ay tebiyaan oo ah mida soo socotay  30-kii sanno ee soo socotay, arrinka kale ee cimilada wariyaal u tababaran iyo Met Office dalka malaha, qof walbo howlahiisa goonni ayuu wataa, marka inaa Geeska Afirka intaasa kale soo gaarno oo wariyaasha isha saran, muhiimad u yeelato tebinta iyo ka sheekaynta  isbaddalka Cimilada iyo saadasha hawada waa mid wayn waana mida aan ku daddaalayno ka Icpac-igad ahaan iyo saaxibada caalamiga ah ee na caawiyo” ayuu yari Cabdiwali Salaad.

Aragtida Wariyasha:

● Cabdishakuur Dayib oo ka mid ahaa wariyaasha qaatay Tababarkan waxuu sheegay inuu ka faa’iidey habka isticmaalka xogaha Saadasha hawada iyo Isbadalka Cimilada inuu u soo bandhigi karo hannaan cimili ku salaysan.

“ Saddex qodob Ayaan uga faa’iidnay ayaa is leeyahay ka saxafi ahaa.  kow,  inaa dadka fahansiino Isbadalka Cimilada inuu nolashooda taabanayo iyo habka la-qabsiga, labo, U-Adkeysiga oo hab farsamo naloo fahsansiiyay ka saxaafad ahaana ogaana fahano sida ay wax u jiraan si aan markaas u gudbino xog dheelatiran bulshada, Sadex, inaa awood u yeelanay joogtenta wararka Saadasha hawada si macluumadka oo isugu jira waxyaabaha qatarta ah ee dhinaca kara, waa mahadsan yahiin  hay”adaha taageerayo barnaamijkan kor u qaadida aqoonta wariyaasha Soomaalida” Ayuu yari Cabdirashakuur Dayib.

● Hidaya Maxamed oo ka tirsan warbaahinta dowladda Jabuuti waxay hoosta xarriiqday cilmiga ay halkan ka baratay ay u gudbin doonta wariyaasha la shaqeeyo, tasoo horumarinayso shaqooyinkooda maalin laha ee tebinta Saadasha iyo Isbadalka Cimilada.

“Shaqsiyan wax badan ayaan faa’idnay  tasoo ah ka saxafi ahaan halkii aan mari lahaa, sida aan uga warbixin lahaa isbadalka cimilada, markii hore waxaan raadinaa wararka si aan u gaarsiinno bulshada, marka si ka wanaagsan oo aan ku qaadanay tababarka loo sameyn karo sheekooyinka la xariira arintan sida ula hadli karno bulshada, dadka jaan-gooyo siyaasada, khubarrada iyo hanaanka u taxliilin karno xogahaasi kala duwan loo sugi karo tebinteeda. Maadama cilmigan uu ahaa mid wanaagsan waxaan la wadaagi doonaa wariyaasha ila shaqeeyo waxyaabaha ku saabsan cimilada nafteena ku tababarno si bulshada u gaarsiinno warar wanaasagn”ayey tari Hidaaya Maxamed.

Saxafiyiinta  Soomaalida ee lagu tababaray dalkan Jabuuti ayaa ka kala yimid  magaalooyinka Muqdisho, Hargesia, Dhuusamareeb, Baledwayne iyo Baydhabo oo ka howl-gala warbaahinta qeybaheeda kala duwan Tv, Radio iyo warbaahinta bulshada,

Warbixinta hay’adaha  ka shaqeeyo arrimaha gargaarka iyo Isbadalka Cimilada ayaa sheegay in  5.6 million qof ah ay la kulmeen heerka uga hooseyso cunto yari  ka Abaaraha iyo xasaradaha colaadda iyo barakaca la xiriira.

W/Q: Abdirashid Nur. Senior journalist and Comms Specialist  

ku-simaha madaxweynaha dalka oo booqday ciidanka xooga dalka ee ka howlgala xudur

0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwo cusub oo tababar ugu socday magaalada Xudur ayuu ku dhiirageliyay dalka iyo dadka si daacad ah loogu shaqeeyo.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa Ku-simaha Madaxweynaha JFS warbixin ka siiyay xaalada ciidanka qaranka waxayna ballan qaadeen in ay dalka ka xorreyn doonaan kooxda Khawaariijta oo dalka iyo dadka u diiday inay horumar gaaraan shacabka Soomaaliyeed.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la hadlay ciidanka geesiyaasha qaranka ayaa ku ammaanay difaaca qaranimada, midnimada iyo jiritaanka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka go’antahay ciribtirka kooxda Khawaariijta Al-Shabaab isla markaana u diyaar garoowaan xureeynta deeganada gobolka Bakool.

Askarigii Fududeeyay Weerarkii Garoonka aadan cadde oo Laxukumay.

Lix iyo Sodon jirkan ku dhashay Jamaame ayaa ka soo mid ahaa Military-ga ilaa Dowladdii Cabdullaahi Yusuf laakiin waxa uu ka haray Liiska Ciidamada Xoogga Dalka Xilligii Dib u habaynta Electronic ahayd Ee Xukuumadii Madaxweyne Farmaxajo 2018.

Sanad ii 2017 kii ayay Xafiiska xeer Ilaalinta iyo Hay’adda Nabad Sugidda Cadeeyeen in uu bilaabay la shaqaynta Alshabaab, waxa uuna Argagixisada u Qaabilsanaa Gudbinta Gawaarida Qaraxyada ah Ee ay Argagixisada ku weerari jirtay Muqdisho.

Waxa uu isticmaalayay Magiciisa iyo Kaarkiisa Aqoonsiga isago oo aan ku jirin Liiska Saraakiisha oo uu mar ka gaaray Laba Xidigle.

Maragyada wax laga waydiiyay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow waxa ay Qireen in shaki badani ka qabeen intuu uu kamid ah Saraakiisha ku Qoran Villa Baydhabo ee aan howlaha Ciidamada ku Jirin .

September 19 keedii 2019 ayaa lagu helay in uu Qarax geeyay Ururka 38 Aad Ee degan Villa Baydhabo.

23 kii March Sanadkan ayuu ku geliyay Gaarigiisa Garoonka Diyaaradaha Laba dhagar Qabe oo ka tirsan Argagixisada, waxaana Abaabulka Biyamaalow ku naf waayay Allah Unaxariisto Cabdirisaaq Aabi Cali oo kamid ah Halyeeyadii soo afjarayay weerarkaas, waxaana jiro khasaara gaaray Saaxiibbo kale oo joogay goobta gaarka ah ay isku fara saareen Maleeshiyada Weerarka ahaa iyo Ciidamada gaarka ah Ee Haramcad.

Sideedii bishan ayay soo gaba gabowday Maxkamadaynta Maxamed Cabdulle Nuur Abkow.

Waxaa Maxkamadda laga Daawad Siiyay Muuqaalka Camerooyinka Amniga Ee CCTV xilligii uu gudbinayay Naftood haligayaashii Arbushay Garoonka.

Maxkamadda ayaa ugu dambayn Maanta Go’aan ka soo saartay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) waxa ayna ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah Qosaasta Marxuun Cabdirisaaq Aabi Cali, sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow)
Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow)

Qatar oo xoojineyso xiriirka Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Munaasabad lagu maamuusayay “Maalinta Qarannimada Qatar” oo ka dhacday Magaalada Muqdisho kana qaybgaleen Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka & madax kale oo dalkaas ka socotay ayaa lagu soo bandhigay xiriirka ay wadaagaan Dooxa & Muqdisho.

Danjiraha Qatar ee Soomaaliya Cabdalla Bin Saalim Alnucaymi ayaa sheegay in Dalkiisa uu xoojinayo dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha & Dhaqanka ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Qatar isaga oo sheegay in Dooxa ay garabtaagan tahay Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dalkiisa uu sanadkaan 2022 martigeliyay Koobka Adduunka 2022 oo hadal heyn badan dhaliyay, fariin uu ka waday Amiirka Dalkaas Sheekh Tamiim Bin Hamad ayuu la wadaagay Mas’uuliyiinta uu ugu derajo sarreeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre.

“Waxa aan idinla wadaagayaa fariin bogaadin ah oo aan kawado Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad, Qatar waxa ay martigelisay Koobka Adduunka, Qatar waxa ay koobka ku martigelisay si ilbaxnimo leh oo taageero oo hab maamul & dareen shacab ka muuqda, xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya & Qatar waa mid ku dhisan Walaalnimo, siyaasad, dhaqaale & iskaashi, waxa aan u taaganahay in aan xoojino cilaaqaadka & danaha labada shacab ee walaalaha ah” Cabdalla Bin Saalim Alnucaymi.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa oo dhankiisa jeediyay khudbad uu uga hadlay xiriirka labada dal, kaalmada Qatar ee Soomaaliya & danaha ay wadaagaan ayaa bogaadiyay dedaalka ay bixineyso Xukuumadda Dooxa.

Xamsa ayaa ugu hambalyeeyay in Qatar ay noqoto waddankii ugu horreeyay ee Carbeed ee martigeliya Koobka Adduunka, isaga oo sheegay in si wanaagsan oo soo jiidasho leh in ay u martiqaadeen daneeyaasha Kubadda Cagta, ciyaartoyda & Madax kale.

“Waxa aan aragnaa Bulshada Qatar oo ku faraxsan maalinta Qarannimada oo ah markii ciidda Qatar laga suray Calanka Dalkaas, Shacab & Xukuumad waxaa si kal iyo laab ah ugu bogaadineynaa madaxda uu ugu horreeyo amiir Sheekh Tamiim & Shacabka Qatar, mashaariic kala duwan ayay Qatar ka sameysaa Soomaaliya taasi waxa ay muujineysaa xiriirka labada Dal & labada Dad, Qatar waa waddankii ugu horreeyay ee carbeed ee qabtay Koobka Adduunka si ilbaxnimo & karti dheeraad ah ka muuqato, waxa aan uga mahadcelinayaa sida ay bulshada caalamka u tusisay dedaalka dheeraad ah oo xitaa furitaanka koobka markii ugu horreysay lagu daah-furay Qur’aanka Kariimka, munaasabaddaan waxa aan uga mahadcelinayaa Dowladda & Shacabka Qatar oo aan rajeyneyo in ay xoojiyaan iskaashiga guud ahaan caalamka gaar ahaan Muslimiinta & Carabta, markale waxa aan idin leeyahay sanad wanaagsan, waad mahadsan tihiin” RW Xamsa Cabdi Barre.

Qatar ayaa bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo inkasta oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, qayb waa qabyo halka la dhammeystiray dhismaha waddada Muqdisho & Afgooye, Dooxa ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay Muqdisho.

Duqeymo ka dhacay koonfurta Ukraine

0

Duqeymo ayaa lagu soo warramayaa inay koonfurta Ukraine xilli diyaaradaha Drones-ka ee Ruushka ay duqeeyeen Odesa halka Ukraine ay weerarro iska cabin ah ka fuliyeen magalaada Melitopol.

Ciidamada Ukraine ayaa sheegay inay soo rideen 10 kamid ah diyaaradaha Drones-ka Ruushka halka diyaarado kale oo gaaraya shan ay gantaallo ku garaaceen xarumaha tamarta, dhibaatadan waxay horseeday in ku dhawaad 1.5 malyan oo qof ay soo wajahdo koronto la’aan.

Duqa magaalada Melitopol wuxuu sheegay inay duqeymaha lala beegsaday magaalada uu heysto Ruushka.

Sawirro ay baahiyaan saraakiisha ay muujinayay dab weyn oo halkaa ka kacay.

Tan iyo bishii Oktoobar, xukuumadda Moscow waxay gantaallo ku garaaceysay xarumaha tamarta ee Ukraine.

Nin looga shakiyay in uu sameeyay bamkii burburiyay diyaaraddii ku dhacday Lockerbie oo la qabtay

Nin u dhashay dalka Libya oo lagu eedeeyay in uu sameeyay bamkii burburiyay diyaaraddii rakaabk aheyd ee ku dhacday magaalada Lockerbie ee Scotland 34 sano ka hor ayaa lagu qabtay Mareykanka.

Bishii hore ayay aheyd markii la tebiyay warar sheegay in nin lagu magacaabo Abu Agila Masuud ay afduubteen maleeshiyaad Libyan ah, arrintaas oo horseeday warar ku aadan inay u gacan gelin doonaan mas’uuliyiinta Mareykanka loo maxkamadeeyo.

Shilkii Lockerbie waxaa ku dhintay 270 qof oo isugu jiray dad rakaab aha aiyo dadkii deegaanka, arrintani ayaa ka dambeysay markii la qarxiyay diyaaraddii Pan Am flight 103 ee ka duushay London kuna wajahneyd New York.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan miro-dhal ah la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed Binu Salmaan

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdicasiis.

Amiir Maxamed Binu Salmaan ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada kooxaha argagixisada. Waxa uuna muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sucuudiga, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.

Sidoo kale, kulanka Labada Hoggaamiye ayaa lagu lafa guray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, xasilloonida gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan labada shacab ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo garoonka Aadan Cade kusoo dhaweeyay Ciidamo ka tirsan daraawiishta Boliiska oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti

0

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Saraakiil kale ayaa Garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ciidamo booliis ah oo tababar ku soo qaatay Jabuuti oo maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Taliyaha ayaa uga mahadceliyay dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti tababarka ciidankan oo ah Dufcaddii 17-aad ee Daraawiishta ee tababarka ku soo qaatay dugsiga tababarka Booliiska ee dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta dhagax dhigay cusbitaal laga hirgalinayo magaalada Moqokori

0

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta dhagax dhigay cusbitaal laga hirgalinayo magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Munaasabada lagu dhagax dhigayay cusbitaalka waxaa ka qeybgalay Xubno ka socday labada gole ee maamulka, Gudoomiyasha Gobollada Hiiraan, iyo Shabeellaha Dhexe iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhismaha cusbitaalkaan uu wax badan ka qaban doono baahiyaha caafimaad ee ka jira moqokori iyo nawaaxigeeda.

Taliyaha Booliska Federaalka oo soo dhaweeyay ciidan tabbbar ka yimid

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa garoonka Aadan Cade kusoo dhaweeyay Ciidamo ka tirsan daraawiishta Boliiska oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti.