Home Blog Page 401

Soomaaliya oo Masar kaga qayb galaysa shirka wada tashiga ee horumarinta Shaqada hufan

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar si uu uga qeyb galo shirka wada tashiga ee horumarinta Shaqada hufan (Decent Work).

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi  Ibraahim oo booqasho ku jooga magaalada Qaahira ayaa kulan gaar ah la qaatay  Mudane Alexio Musindo Agaasimaha Xafiiska ILO ee dalalka Somalia, Ethiopia, Djibouti,  Sudan iyo South Sudan, ahna wakiilka gaarka ah ee AU iyo ECA ee dhanka Shaqada.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac oo uu ka mid ahaa Mudane Mahdi Maxamuud Cali oo ah La-taliyaha Sare ee MOLSA, Marwo Sucaad Cabdullaahi Macallin Agaasimaha Waaxda Sharciyada iyo Xiriirka Shaqada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Fatuxa Cabdullaahi Ciise La-taliye  Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda, ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga ka dhexeeya ILO iyo Soomaaliya ee dhinacyada Shaqada iyo Horumarinta Bulshada.

Wasiir Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac, wuxuuna sidoo sheegay in hay’adda ILO uu ka helay ballan qaad la xiriira  dhammaan dhinacyada u baahan in Soomaaliya laga taageero sida dhanka ilaalinta Bulshada iyo horumarinta shaqo hufan (Decent Work) iyo tayenyta horumarka shaqaalaha hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Booqashada Wasiirka iyo wafdigiisa ay ku tageen dalka Masar ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xafiiska (ILO Cairo) ee Dalka Masar si ay uga wada hadlaan arrimaha iskaashiga.

Masuuliyiinta Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii wado wadatashiga iyo isku xirnaanta labada dhinac si loo gaaro danaha horumarineed ee Bulshada Soomaaliyeed.

Ciidamada dowladda oo howlgallo ka sameeyay degaanno hoos taga Qoryooleey

0

Ciidamada qalabka sida ee DFS ayaa Khawaarijta kala wareegay degaanno hoos taga degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellada hoose.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ee degmada Qoryooley Laba xiddigle, Cali Maxamed Aaden ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh gaarsiiyeen khawaarijta.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ciidamadau burburiyeen fariisimo ay khawaarijtu ku lahaayeen tuulada Gaay warroow, firxadkoodana ay ku daba jiraan iyagoo kaashanaya dadka shacabka ah.

 

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Addis Ababa uga qeyb galay Shirka Iskaashiga Wasiiradda Maaliyadda Geeska Afrika

0

Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa ka qeybgalay furitaanka shirka 18-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative).

Shirkaan ayaa looga hadlay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika kaas oo uu ugu horeeyo fulinta qorshayaasha isku socodka ganacsiga gaar ka ee bulshooyinka dalalkaasi ay maamulaan.

Wasiirka Maaliiyadda Soomaaliya ayaa khudbad kooban oo uu ka jeediyay shirka waxa uu uga hadlay mudnaanta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u leedahay ka qeybgalka shirkaan iyo hirgalinta qorshayaasha iskaashi ee dhanka maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee dalalka Geeska.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo markii kowaad ka qeybgalaya shirkaan ayaa si diiraan loogu soo dhaweeyee shirka.

Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya Mudane, Axmed Shide oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Sanadkan ee Iskaashiga Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika ayaa ku boogadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay heer wanaagsan uga gaartay hannaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya ee ECF.

NISA oo gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed

0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, oo waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay Khawaarijta.

Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay hay’adda NISA kasoo dejisay magaalada Muqdisho waxa ayna ku bilawday baaritaanno iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya argagixisada, shabakadaha kale ee ku xiran iyo shaqsiyaadka la wadaaga fikirkan halista ku ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Baydhabo.

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed,waxaana Garoonka diyaaradaha shaati-Gauddud ku soodhaweeyey Wasiiiro,Xildhibaano Saraakiil katirsan Maamulka KGS.

Wafdiga Wasiirka waxaa qayb ka ah Wasiirada Warfaafinta dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasinka Warfaafinta Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale.

Ujeedka Safarka Wasiirka ee Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka shir wadatashi ah oo Wasiirada Warfaafinta dowladda Federaalka kuwa dowladd Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir OO Magaaladaas uga furmaya.

 

Ciidanka xoogga iyo saaxiibbada caalamiga oo duqayn ka fuliyay Bu’aale

0

Xalay abbaare Sideeddii fiidnimo ayaa duqeymo dhanka Cirka lala beegsaday seddex saldhig oo malleeshiyaadka Khawaarijta ku lahaayeen Degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.
Duqeeynta ayaa waxaa iska kaashaday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Sasxiibbadooda Calaamaka.

Sedexda goob ee duqeynta ka dhacdey ayaa waxaa kamid ah.

1-Dhismaha xarunta. degmada.

2- Xero Tababar oo maleeshiyaadka khawaarijta ku lahaayeen Duleedka Bu’aale aaga masjidka dabaqa.

3-Dhismo ku yaallo Buundada Bu’aale ee malleeshiyaadka khawaarijtu ay ku shirayeen.

Waxaa jiro qasaaro xoogan oo isugu jiro dhimasho iyo dhawac oo la gaarsiiyay horjoogayaasha iyo malleeshiyaadka Khawaarijta.

Maalmihii ugu dambeeyay maleeshiyaadka khawaarijta waxay bilaabeen inay gaadiidka kala dagaan dhalinyaradda safarka ah.

 

Shaqaale ka tirsan waaxda dab demiska gobolka Banaadir oo loo diray tababar ku saabsan gurmadka degdegga ah

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 14 kamid ah shaqaalaha Waaxda Gurmadka degdega tababar ugu diray dalka Turkiga, kaas oo kor loogu qaadayo xirfadooda la xiriirta ka hor tagga qataraha la xiriira dabka.

Agaasimaha xiriirka dibedda iyo hey’adaha Caalamiga ah ee dowladda hoose ee Xamar mudane, Maxamed Xasan Maxamed ayaa ka warbixiyay tababarka iyo muhiimadiisu.

Agaasimaha ayaa sheegay in tababarkan oo ka dhici doona magaalada Konyo ee dalka Turkiga uu yahay wejigii labaad, iyadoo wejigii kan ka horreeyayna lagu qabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna xubnaha tababarka loo dirayo u rajeeyay in ay aqoontooda ugu faa’iideeyayaan bulshada Soomaaliyeed.

 

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo iska kaashanaya horumarinta waxbarshada

0

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka Hiddaha iyo dhaqanka Amiir Bandar bin Cabdulcasiis Al Saud iyo Wasiirka waxbarshada dalkaasi Youssef Al-Bunyan.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa arrimaha hiddaha iyo dhaqanka iyo in ay is kaashi ka yeeshaan tayaynta waxbarshada asaasiga ah ee labada dal.

Wasiir Faarax ayaa sidoo kale kulan la yeeshay guddoomiyaha xarunta howlaha gargaarka iyo bini’aadannimada ee Boqor Salmaan, Dr; Cabdalla Bin Cabdi Casiis Ar-rabiica, iyagoo ka wada hadlay sidii loo laba jibaari lahaa taageerada ay boqortooyada Sacuudiga u fidiso Soomaaliya.

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa xarunta samafalka ugu mahad celisay taageerada ay Soomaaliya u fidiso sida arrimaha Waxbarshada, caafimaadka iyo guud ahaan adeegyada kale ee asaasiga ah.

 

Ku dhawaad 30 Askari oo lagu dilay dalka Niger

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France Press, Weerar lala beegsaday  ciidamada ammaanka ee ka howlgala waqooyi-galbeed ee dalkaasi Niger, saacadahii hore ee saakay ayaa lagu dilay 29 Askari.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Weerarka uu ka dhacay meel u dhow xuduudka uu dalkani la wadaago dalka Maali, xilli ay ciidamadu wadeen hawlgallo lagu ciribtirayo khatarta kooxaha halkaasi ka dagaalama.

Khamiistii lasoo dhaafay ayay aheed markii weerar noocan ah isla galbeedka dalkas lagu dilay Todoba Askari, hase yeshee weerarkan ayaa noqonaya kii ugu dhiig daadashada badnaa tan iyo markii ay ciidamadu xukunka dalkaas kula wareegeen afgambi.

 

Duqeeymo lagu burburiyay Saldhigyo ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Khawaarijta oo laga fuliyay Jubbada Dhexe

0

Xalay abaare Sideedii fiidnimo ayaa Duqeymo dhanka Cirka ah oo iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Sasxiibada Calaamaiga ah lagu burburiyay Sedex Saldhig oo maleeshiyaadka Khawaarijta ay ku lahaayeen Degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Goobaha ay Duqeynta ka dhacday ayaa waxaa kamid ah, Dhismaha xarunta. Degmada oo Maleeshiyaadka Khawaarijta ay ka wadeen abaabul, sidokale waxaa la duqeeyay Xero Tababar oo maleeshiyaadka khawaarijta ay ku lahaayeen duleedka magaalada Bu’aale aaga masjidka Dabaqa, duqeeynta Sedaxaad ayaa lala beegsaday Dhismo ku yaallo meel u dhaw Buundada Bu’aale, halkaas oo uu shir ugu socday maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Waxaa jiro Qasaaro xooggan oo isugu jiro Dhimasho iyo dhawac oo duqeyntan lagu gaarsiiyay Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka Khawaarijta.

Maalmihii ugu dambeeyay maleeshiyaadka khawaarijta waxay bilaabeen inay gaadiidka kala dagaan dhalinyaradda safarka ah, iyagoo sidookale beelaha gobolada Jubooyinka ku amray in Jufo kasta ay ku soo wareejiso 100 Wiil, si dagaalka ka socda qaar kamid ah gobalada dalka loogu qasbo.