Home Blog Page 399

wasiirka wasaaradda amniga iyo taliyaha ciidanka boliiska oo la kulmey safiirka safaaradda qatar ee mogdisho.

0

Wasiirka Wasaardda Amniga XFS, mudane. Maxamed Axmed Shiikh Cali (Doodishe)iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Safiirka Safaarada Dowlada Qatar u fadhiya Magaalada Muqdisho.

Safiirka Qatar ee Muqdisho, Amb. Dr Cabdulahi Saalim Al-naciimi, ayaa waftiga ku soo dhaweeyay Safaraada, waxaa laga wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa xariirka labada Boliiska ee Qatar iyo Soomaaliya.

In la iska gacansiiyo, la dagaalanka dembiyada abaabulan iyo Argagixisada, kulanka ayaa ku soo dhamaaday guul.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa Gudoomiyey Shir looga hadlayey Udiyaar Garowga Wajiga 2-aad ee Dagaalka Dalka looga Saarayo Khawaarijta Alshabaab.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudoomiyey Shir looga hadlayey Udiyaar Garowga Wajiga 2-aad ee Dagaalka Dalka looga Saarayo Khawaarijta Alshabaab.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka, Gudoomiyaasha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Saraakiisha Ciidanka Qeybahooda kala duwan ee ka Howlgala Guud ahaan Deegnada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftgareen ayaa faray Saraakiisha Ciidanka ee kulanka ka qeybgalay in maanta wixii ka bilowda uu bilaabanayo Dagaalka Deeganada Koonfur Galbeed looga Saarayo Khawaarijta Alshabaab ee dhibaatada ku haya Dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in aysan dhayalsan digniinaha la xiriira Roobabka iyo fatahaadaha la saadaalinayo.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-gorow ee digniinaha la xiriira roobabka iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu kormeerka ku jirey wuxuu warbixinno ka dhegeystey qaar ka mid ah madaxada iyo khuburada hey’adda SODMA, isagoo ku boorriyey in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta musiibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo dadkeenna ka soo gaari karta roobabka iyo fatahaadaha ku soo foolle.

“Waxaa jira khatar ku aadden fatahaado ka dhalan kara roobab la rajeynayno in ay ka da’aan dalka, sida lagu ogaaday saadaalo cilmi ku dhisan oo la sameeyey, taas oo na-tusineysa in roobab waaweyn oo waxyeelo geysan kara ay ka di’i karaan qeybo kamid ah dalka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaarahu wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dadka degan wabiyada jiinkooda, kuwaas oo halis gaara ugu jira daadad xoog leh oo ku fataha, isaga oo ugu baaqay in ay ka fogaadaan hareeraha webiga iyo dhulalka godan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn ku booriyey Hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala dalku in si dhow ay ula shaqeeyaan Hey’adda SOMDA, si wadajir loogu diyaar garoobo masiibooyinka soo foogan.

Kooxda Xamaas oo Gantaalo ku Weerartay Israa’iil

0

Wararka ka imaanaya dhulka reer Falastiin ayaa sheegaya in kooxda Xamaas  ee maamusha marinka Gaza ee go’doonsan ay bilaabeen hawlgal loogu magac daray daadka Al-Aqsa oo lagu bartilmaameedsanaayo ciidanka Israa’iil ee xoogga ku heysta dhulka Falastiin

Waxa la soo sheegayaa in ay jiraan khasaarooyin kala duwan oo gaaray dadka Israa’iil,kadib markii kooxda Xamaas ay ku weeraareen kumanaan gantaallo ah.

Militariga Israa’iil ayaa ku warramaya in kooxda Xamaas ee Gaza ay gudah u galeen deegaanada ay xoogga ku heystaan Yuhuudda,waxaana jira muuqaallo muujinaya dagaalyahanada oo afduub u haysta 35 ruux oo Israa’iiliyiin ah.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay bilaabeen beegsiga Gaza, iyadoo wasiirka gaashaandhigga uu oggolaaday in loogu yeero ciidamada kaydka militariga.

Haweeney ku guuleysatay Abaalmarinta Nobel Peace Prize 2023-ka (MAQAAL)

0

Abaalmarinta Nobel Prize  ah oo loo yaqaan ‘Nobelpriset;: Nobelprisen ayaa ah lix leyliska caalamiga ah ee sannadlaha ah ee loo yaqaan’ Swedish ‘iyo’  Norwegian ‘, ee lagu abaalmariyoamashaqsiyaadka gacan ka geysta  horumarinta sayniska, dhaqaalaha iyo nabadda.

Doorashada aqoonyahanka Iswiidhan oo lag magacaabo Alfred Nopel ayaa aasaasay abaalmarinnadii 1895. Abaalmarinta Kimistaanta, suugaanta, nabadda, fisigiska, jimicsiga iyo daaweynta ayaa markii ugu horraysay la siiyay 1901. Sanadkii 1968, Sveriges Riksbank (Baanka dhexe ee Iswidhan) wuxuu aasaasay abaalmarinta Sveriges Riksbank ee dhaqaalaha dhaqaalaha ee Alfred Nobel, oo loo yaqaan ‘Nobel Prize in Economics’ Abaalmarinta Nobel ayaa si weyn loo tixgeliyaa abaalmarinta ugu qiimaha badan ee suugaanta, daawada, fisikiska, kiimikada, dhaqaalaha iyo firfircoonida nabadda.

Abaalmarinta Nobel Prize ee Physics, Nobel Prize for Chemistry, iyo Sveriges Riksbank abaalmarinta dhaqaalaha dhaqaalaha ee xasuusta Alfred Nobel; Golaha Nobel ee Karolinska Institutet wuxuu abaalmarinta Nobel Prize ee Physiology ama Daawada; Akadamiyadda Iswiidhen waxay bixisaa abaalmarinta Nobel Prize ee suugaanta; iyo abaalmarinta Nobel Peace Prize ah oo aan abaalmarin haysan hay’ad iswiidhish ah laakiin Guddiga Nobel ee Nobel.

Haddaba Guddiga Nobel-ka Norway ayaa xaflad ka socotay magaalada Oslo ku guddoonsiiyay Abaalmarinta Nabadda Ee Nobel Peac Prize 2023-ka  haweeneyda 51-jir ah, ee u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha iyo la-dagaalanka dulmiga lagu hayo haweenka Dalka Iran Ms Narges Mohammadi. Ms Narges Mohammadi, waxay dhalatay Sanadkii 1972-kii, waxaana la guddoonsiiyay abaal-marin nabadeed, iyo waxyaabo kale, oo ay ku mutaysatay u doodida xuquuqda haweenka ee wadaadada Iran.

Ms Narges Mohammadi waa khabiir dhinaca physicist ah oo tababaran saxafi ah muddo badanna ku soo shaqeeysay xirfadeeda saxafinimo balse hada waxay ku xirantahay xabsiga Evin ee ku yaala magaalada Tehran ee Dalka Iiran sida la sheegayna waxaa loo xiray aragtideeda, balse Sannadkii 2016-kii, ayaa lagu xukumay 16 sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay “in ay faafisay dacaayad ka dhan ah dawladda” iyo in ay xubin ka tahay “urur sharci-darro ah oo ujeeddadiisu tahay in lagu waxyeeleeyo amniga qaranka”. Lagama sii deyn doono xabsiga caanka ah ee Evin ee Tehran ilaa 2026.

Guddoomiyaha guddiga Nobel-ka Ms Berit Reiss-Andersen ayaa xaflad ka dhacday magaalada Oslo, ka sheegtay in abaal marinta qaaliga ah la siiyay Ms Narges Mohammadi ay ku mu teysatay “la dagaalanka ay kula jirto dulmiga haweenka Iran iyo dagaalka ay u gashay horumarinta xuquuqul insaanka iyo xoriyada dadka oo dhan”,

Guddoomiyaha guddiga Nobel-ka Ms Berit Reiss-Andersen ayaa ku boorisay Dowladda Iran iney xabsiga ka sii deyso Ms Narges Mohammadi si ay uga qaybgasho xafladda abaal-marinta ee dhaceysa bisha December Malaayiin Iiraaniyiin ah ayaa abaal-marintan ku farxi doona iyadoo ay weheliyaan dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ee adduunka, maadaama abaalmarintu ay tahay aqoonsiga dhaqdhaqaaqa guud ee hoggaamiyaha cad.

Guddoomiyaha guddiga Nobel-ka Berit Reiss-Andersen waxay kaloo sheegtay in Sanadkan, 351 musharrax loo magcaabay iney heli karaan abaal marinta Nobel-ka, kuwaas oo 259 ka mid ah ay ahaayeen shakhsiyaad halka 92-kalena ay ahaayeen ururo.

Abaalmarinta waxaa la bixin doonaa 10-ka Diseembar ee sanadkan, waxaana lagu beegay sanad-guurada dhimashadii Alfred Nobel. Balse Abaal marinta Nobel Peac Prize ayaa soo socotay tan iyo Sanadkii 1901-dii.

W/D Ustaad Omar Mohamad Kulmiye (Omar British)

Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga oo qaadanaya Dufcadii 3-Aad

0

Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga oo ah hay’ad tacliin sare oo xukuumi ah, looguna talagalay in uu soo saaro saraakiil iyo howlwadeenno leh aqoonta iyo xirfadaha sare ee looga baahan yahay hogoominta iyo horumarinta howlaha amniga qaranka soomaaliyeed waxa uu cidda daneyneysa ogeysiinayaa in uu furmay wajiga kowaad ee is diiwaangalinta barnaamijyada machadku bixiyo.

Machadku waxa uu bixinayaa xilligan afar takhasus oo kala ah:

 Dibloomada Sare ee Maamulka laamaha Amniga (Higher Diploma in Security Institutions Management)
 Dibloomada Sare ee Cilmiga Danbiyada (Higher Diploma in Criminology)
 Dibloomada Sare ee Daraasaadka Amniga (Higher Diploma in Security Studies)
 Dibloomada Sare ee Amniga Fikirka (Higher Diploma in Intellectual Security)

Sidoo kale machadku waxa uu bixinayaa koorsooyin lagu baranaayo luqadaha English-ka iyo Carabiga oo ay bixinayaan macalimiin ajaanib ah oo si hufan loo soo xulay.

Hadaba si aad u hesho faahfaahinta takhasusyada uu machadku bixinaayo ku dhufo/guji linkigaan:https://bit.ly/HAGAHADIIWAANGELNTAHISS.

Si aad u marto wejiga kowaad ee is diiwaangalinta dibloomooyinka sare ku dhufo/guji linkigaan:

https://bit.ly/DIPLOMAPROGRAMS

Si aad isaga diiwaangaliso koorsooyinka luqadaha English-ka ama Carabiga ku dhufo/guji linkigaan:

https://bit.ly/LANGUAGEPROGRAMS

FG: Hadii aad qabto su’aal ama aad dooneyso faahfaahin dheeri ah, fadlan fariin qoraal ah ku soo dir:

WhatsApp: +252 61 1015024/+252 61 1015020
ama
Email: admission@hiss.edu.so

Guddoomiye sheekh aadan oo qaabilay Danjiraha dalka Turkiga

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga Amb. Ibrahim M. Yagli.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa marka hore Danjiraha uga tacsiyeeyay qaraxii argagaxiso ee ka dhacay Magalada Ankara.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen taageerada Baarlamaanka Soomaaliya, xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaannada Soomaaliya iyo Turkiga. Guddoomiyaha ayaana ammaanay doorka Dowladda Turkiga ka qaadato ladagaalanka argagaxisada.

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka, ka dib kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo ay maanta yeesheen.

Shuruucdan oo ay soo kala gudbiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada; iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa muhiimad gaar ah u leh xujeyda iyo daryeelka bukaanka Soomaaliyeed.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo aqoon-is-weydaarsiga istiraatiijiyadeed ee Golaha Wasiirrada.

Golaha ayaa ugu dambeyntii bogaadiyey guulaha isbadaba joogga ah ee Ciidanka Qaranka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee iskaashanaya ay ka gaarayaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Cumar Axmed Maxamed oo loo magacaabay Macalinka xulka 18 jirada ee Qarankeena

0

Cumar Axmed Maxamed oo ku magac dheer macalin  “Jabshe” ayaa loo magacaabay tababaraha xulka Soomaaliya ee dhallinyarada 18 jirada, kaddib markii uu soo bandhigay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Macalin cusub ee Xulka Qaranka ee 18 jirada ayaa ciyaartoy hore, sidoo kalana dhawrkii sano ee ugu  dambeeyey ku dhex jiray dhanka maamulka ayaa la filayaa in uu isbadal ku sameeyo ciyaartoyda xulka Qaranka ee 18 jirada.

Sidoo kale Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay ku xigeenka Macalin Jabshe, iyada oo caawiye u noqon doona Mustafa Faransa oo ka mid ah Ciyaartoyda ugu magac dheer ciyaartoydii dalka soo maray.

Xulka Qaranka Soomaaliya ee 18 jirada ayaa bisha na soo aadan ka qeyb gali doonaan koobka bariga iyo bartamaha AFRICA CECAFA U18, kaas oo ka furmi doona dalka Kenya, inta u dhaxeysa 25-ka November illaa 5-ta December ee sanadkaan.

Wasiir Al-caddaala: Dagaalka sanad jirsaday ee lagula jira khawaarijta wuxuu keenay in uu burburo gebi ahaanba nidaamkii argagixisada

0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane, Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala oo ka qeyb galayay Barnaamij looga hadlayay sanad kadib maxaa ka qabsoomay dagaalka lagula jiro khawaarijta oo ka baxayay Warabaahinta Qaranka ayaa sheegay in guula waa weyn dowladda iyo shacbka oo is garabsanayo ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, ayna burbureen awooddii cadaowgu uu lahaa sanad ka hor.

Dagaalka sanad jirsaday ee dowladda iyo shacabku ku qaadeen Khawaarijta waxaa uu keenay in gabi ahaan uu burburo nidaamkii dhisnaa ee kooxda dhan walba” Wasiir Al-caddaala.

Wasiirka Al-caddaala ayaa sheegay in gebi ahaanba uu baaba’ay nidaamkii maamul iyo midkii dhaqaale, sirdoon iyo ciidan ee khawaarijtu ay dadka ku dhibateyn jireen shacabka

Waxa uu sidoo kale tilmaamay wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala in baraarugga dadka shacabka ah ee dhagarta khawaarijta oo markii hore u dulmaana hadda ay shacabka Soomaaliyeed marayaan in ay dilaan oo ay la dagaallamaan, taas oo uu ku sheegay marka laga tago awoodda ciidan ee dowladda midda keentay guusha in laga adkaado argagixisada.

Dagaalka dalka looga saarayo khawaarijta ayaa sanad jirsaday, iyadoo degaanno badan oo dalka ah laga saaray khawaarijta, waxaana weli degaannada qaar ka soconayo sifeynta khawaarijta.