Home Blog Page 399

Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Waabari oo gacanta ku dhigay labo eedaysane oo dhac ka gaysanayey Gudaha degmadaas

0

Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Waabari ayaa Xalay  gacanta ku dhigay labo eedaysane oo dhac ka gaysanayey Gudaha degmada Waabari ee Gobalka Banaadir.

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo Boqolaal Shacab ah Gargaar ugu qeybisay Degmada Masagawaa

0

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta Boqolaal Shacab ah waxa ay Gargaar ugu qeybisay Degmada Masagawaa ee Gobolka Galgaduud oo bilooyin ka hor laga xoreeyey Khawaarijta Al-shabaab.

Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo dorrtay Guddoomiye ku xigeen

0

Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa Mudane Maxmed Xasan Idris (Geney) u doortay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga kadib doorasho Ka dhacday xafiiska Guddiga oo Ku yaala xarunta golaha Aqalka Sare.

DEG-DEG:-Duufaan xoogan oo waxyeelo ka geysatay dalka Mareykanka

Hal qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen, ka dib markii duufaan sababtay in saqafka sare ee tiyaatarka, uu ku soo dumo dadweyne wax daawanayey  magaalada Illinois ee dalka Mareykanka.

Ciidamada xoogga dalka oo dilay 14-ka mid ah Khawaarijta Al-shabaab

0

Ciidanka xoogga dalka  ayaa saaka toogtay 14  Maleyshiyo ah oo ka tirsan khawaarijta kuwaas oo isku dayay inay soo weeraraan fariisimaha ciidanka ee deegaanka Makuude oo qiyaasti 7 KM dhanka koonfurta ka xiga Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo Masuuliyiin katirsan Turkiga oo daah furay qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay warbaahinta  caalamiga ee TRT World

0

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama iyo Madaxa Golaha Warbaahinta Jamhuuriyadda Turkiga, Prof. Fahrettin Altun ayaa si rasmi ah magaalada Istanbul daaha uga rogay qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay warbaahinta  caalamiga ee TRT World ee Turkiga ee la hadli doonta qaaradda Afrika.

[DAAWO] Sheekada Hooyo Maryan Maxamed Xasan oo afar gabdhood Mataano ah ku dhashay Isbitaalka Banaadir.

Xalay waxaa isbitalka Banaadir 4 caruur oo gabdho ah ku dhashay hooyo Maryan Maxamed Xasan oo ah 38 jir laga keenay degmada Cadale ee gobolka Shabeellada dhexe.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa gargaar gaarsiisay Magaalada Xudur halkaas oo daadad xoogan ay ku soo rogmadeen

0

Wafdi uu hugaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Maanta Gaaray Magaalada Xudur ee Caasimada Gobolka Bakool oo uu dhawaan ka da’ay Roob xoogan oo dhamaan xiray isku socodka gaadiidka iyo Ganacsiga qeybo kamid ah Xafadaha Magaaladaas taas oo sameen ku yeelatay dadka dantayar ee ku nool halkaas.

Tirada muhaajiriinta ku dhimanaya badda Tunisia oo korortay

0

Mas’uul u hadlay caafimaadka gobolka Sfax ee dalka Tuuniisiya, ayaa ka digay in tirada meydadka muhaajiriinta ee ka yimid dalalka ka hooseeya Saxaraha ee laga soo badbaadiyay doonyihii ku burburay maalmihii la soo dhaafay badda, ay ka badan yihiin tirada ay soo gudbiyeen kooxaha caafimaadka maxalliga ah.

Ciidanka Booliska Puntland oo hawlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen Boosaaso ku qabtay gaari waday lacago been abuur ah

0

Ciidanka Booliska Maamul Goboleedka  Puntland ayaa hawlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen Boosaaso waxay ku qabteen gaari waday lacago been abuur ah.