Home Blog Page 299

Ra’iisul Wasaare Xamse oo furay Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay hadii Hal Milyan oo Soomaali ah ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan, lagana saaro barakaca ay tahay tallaabo guul ah oo loo qaaday sidii xal waara oo dhammeystiran loogu heli lahaa barakacayaasha,

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay daah furay Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara, ayaa intaasi ku daray si ay nolosha bulshada qeyb uga noqdaan dadka barakacayasha ah, kaalintoodana uga qaataan wax-soo saarka iyo horumarka dalka loo baahan yahay in xal waara loo helo.

“Hal milyan oo Soomaali ah haddii ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan, lagana saaro barakaca waa tallaabo guul ah oo loo qaaday sidii xal waara oo dhammeystiran loogu heli lahaa barakacayaasha, si ay nolosha bulshada qeyb uga noqdaan, kaalintoodana uga qaataan wax-soo saarka iyo horumarka dalka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in barakaca daba dheeraaday uu ka mid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee dalka soo wajahaya tobannaankii sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo ay sababaan arrimo dabiici ah iyo kuwo bini’aadan.

Isaga oo tixraacaya saameynta isdaba jooga ah ee abaaraha, fatahaadaha, xagjirnimada rabshadaha wata iyo colaadaha, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu xusay in arrimahan ay sabab u yihiin barakaca dadka, taas oo keentay in dowladda ay mudnaanta siiso sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinkaas.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in qorshahan uu yahay mid loo dhan yahay oo dhammaan dhinacyada uu khuseeyo lagala soo tashaday, waxa uuna uga mahadceliyey hey’adaha horumarinta iyo daneeyayaasha kale ee taageerada joogtada ah ku bixiyay sidii loo hirgelin lahaa qorshahan.

Qorshaha Qaran ee xalka waara ee dhibaatooyinka barakacayaasha Soomaaliya, oo loogu magac daray “National Durable Solutions Pathways Action Plan.”, ayaa xoojinaya dadaalka ay dowladdu ku doonayso in ay wax kaga qabato dhibaatada sii kordheysa ee barakaca gudaha Soomaaliya, iyada oo barnaamijka xalka waara uu dib-u-dejin dhammeystiran u sameynayo hal milyan oo barakacayaal ah.

Guddoomiye Aadan Madoobe”Dowladda waxaa ka go’an hormarinta Waxbarashada dalka” 

0

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay horumarinta Waxbarashada dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo ka qeyb galay xaflad ay ku qalin beddelanayeen dufcaddii 18-aad ee Jaamacadda Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta Tiyaatarka Qaranka, ayaa intaa ku daray in ay tacliintu lahayn dhammaad, isagoo Ardayda ku boorriyay in ay sii kordhiyaan aqoontooda.

“Waxbarashada ma dhamaato waxaan idiinku baraarujinayaa in aad sii laba jibbaartaan dedaalkiinna oo aad sii waddaan waxbarashada, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta waxbarashada dalka“, ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe

Sidoo kale, waxa uu ku dheeraaday muhiimadda ay waxbarashada leedahay, kaalinta bahda waxbarashada gaarka ah ay kasoo qaateen horumarinta waxbarashada dalka iyo waxbaridda ubadka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan oo ay ku qalin beddelanayeen arday gaareysa 1721 oo isugu jira heerarka kala duwan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Xildhibaano, waalidiinta ardayda iyo aqoon yahanno Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta oo tababar u soo xiray xubno ka socday Shirkadaha Filimada, Warbaahinta

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in la joogo xilligii dib loo soo nooleyn lahaa doorkii Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed.

Wasiir Daa’uud oo soo xirayay tababar lagu baranayay habka sameynta iyo soo saarista Filimada ayaa intaa ku daray in ay ahmiyad ballaaran u leeyihiin dalka  Filimada gaagaaban ee bulshada loo gudbinayo marka la eego marxaladda soo kabashada ah ee haatan lagu jiro.

Wasiir Daa’uud Aweys “Waxaa la joogaa xilligii dib loo soo nooleyn lahaa doorkii Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed.”

Munaasabadda xiritaanka Tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, kusimaha agaasimaha guud ahna agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda Cabdinaasir Xasan Xuseen iyo qaar kamid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradda.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta isla markaana soconayay muddo 5 cisho ah, ayaa loo qabtay 30 xubnood oo ka kala socda shirkadaha Filimada iyo Warbaahinta, waxaana inta uu socday lagu bartay casharo laxiriira habka sameynta iyo soo saarista Filimada bulshada loo gudbinaayo.

Kusimaha Agaasimaha guud ahna agaasimaha maamulka iyo maaliyadda mudane Cabdinaasir Xasan Xuseen, ayaa bogaadiyay ka qeybgalayaasha tababarka, si bulshada ay ula wadaagaan farriimo wacyigelineed.

Ugu dambeyntii Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay ka qeybgalayaasha tababarkaan iyo macallinkii duruusta bixinayay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khadka taleefonka kula hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka Midoowga Yurub 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Josep Borrell, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula ciribtirayo argagixisada, waxayna adkeeyaan ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.

Wasiir Dowlaha Isgaarsiinta oo ka qeygalay shir looga hadlaayo Dhijitaalka oo ka dhacaya Paris 

0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Cismaan Diiriye,ayaa Magaalada Paris ee Caasimada Wadanka France ugu qeybgalaya Shir looga hadlaayo Arrimaha Dhijitaalka oo lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Hey’adda UNESCO.

Munaasabaddan muhiimka ah waxay isu keentay hoggaamiyeyaasha dhijitaalka, kuwa sameeya siyaasadaha, cilmi-baarayaasha, iyo khubaro ka kala yimi daafaha dunida, oo ay ku jiraan wakiillo ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay, dowladaha, hay’adaha aan dowliga ahayn, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Wasiiru-dowlaha Mudane Axmed Cismaan Diiriye, ayaa Intii uu shirku socday, waxa uu la kulmay mas’uuliyiin kala duwan waxa uuna kala hadlay saameynta Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence) uu ku leeyahay nolosha aadmaha ee xiligan iyo sidii si hufan looga faa’iidaysan lahaa.

Shirkaan, ayaa ka mid ah Shirrarka muhiimka ah ee lagu soo bandhigo Hormarka Dhijitaalka iyo Garaadka macmalka ah, waxaana Dowladda Soomaaliya ay wadaa Shuruucdii lagu hagi lahaa maadaama Teknolojiyada qaar ay dunida ku cusubyihiin.

Guddoomiyaha Shabeellada hoose oo sheegay inay xaliyeen dagaan beeleedyo halkaas ka taagnaa

0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Maxamad Ibraahim Barre, ayaa sheegay in xal laga gaaray dagaal beeleedyadii ka dhacay deegaannada Numbar 50 iyo Bariirre ee Gobolka Shabeellada hoose.

Guddoomiyaha oo u warramayay warbaahinta Qaranka, ayaa intaa ku daray in deminta colaad beeleedyadaasi uu gacan ka geystay in la wada hadlo, iyagoo dhamaystirka wixii dhimanna ay kala xaajoondoonaan Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuna sheegay in wax garadku ay la qaateen tallaabooyinka uu maamulka qaaday.

Guddoomiye Maxamad Ibraahim, ayaa tilmaamay in dagaal beeleedyadu ay abuuraan argagixisada si ay cimri dhereeyrsi ugu noqoto, balse ay dhagartooda ka feejigan yihiin haatanna ay wadaan sidii loo heshiisiin lahaa beelaha ay xurguftu ka dhaxayso eek u dhaqan gobolka Shabeellada hoose.

Shir looga hadlayay dhaqaalaha Baluugga ah oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

0

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulan talo wadaag ah oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ay kaga doodayeen dhinacayada ku howlan dhaqaalaha bulluugga ah.

Kulanka, ayaa intii uu socday waxaa si weyn loogu gorfeeyay horumarinta iyo ka faa’iideysiga dhaqaalaha Bulluugga ee dalka iyo diyaarinta istiraatiijiyad horumarsan oo qeyb ka noqon karta kuwa wadamada ku bahooday Bulshada Bariga Afrika.

Shirka oo ay qaban qaabadiisu iska kaashadeen Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS iyo Guddiga Dhaqaalala Africa (UNECA SROEA), ayaa waxaa ka qayb galay dhinacyada ku fooggan Dhaqaalaha Buluugga oo ay kamid yihiin Wasaaradaha heer Federaal, xarumaha waxbarashada iyo khuburo dhinaca Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluugga ah.

Kulanka ayaa laysku dhaafsaday aragtiyo, doodo iyo farsamooyin ku saabsan diyaarinta Istiraatiijiyad lagu maamulo laguna horumarin karo dhaqaalaha Buluugga ah ee dalka taas oo la jaan-qaadeysa kuwa wadamada Bulshada Bariga Afrika oo uu dhawaan dalkeennu xubin buuxda ka noqday.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa dhinacyada kala shaqeeya Dhaqaalaha Bulluugga iyo urur goboleedka IGAD ayaa ku guuleysatay in ay hirgeliso siyaasadda Qaran ee dhaqaalaha Buluugga iyo hannaanka isla maareynta dhaqaalaha Bulluugga ee guud ahaan dalka.

Hantidhowraha Qaranka oo kulan la yeeshay Ururka Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhowrka   

0

Hantidhowraha Guud ee Qaranka, mudane Axmed Ciise Guutaale iyo wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway kulan kula qaatay Ururka Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhowrka (INTOSAI) iyo Hindisaha Caalamiga ah ee Horumarinta Hay’addaha Hantidhowrka Adduunka (IDI).

Sidoo kale, Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo booqday Baarlamaanka Norway, ayaa kulan ku saabsan wadaagga xirfadaha iyo waayo-aragnimada la yeeshay Guddiga Joogtada ah ee Korjoogteynta iyo Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Norway.

Hantidhowre Axmed Ciise Guutaale ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya hay’adaha kale ee ka shaqeeya hufnaanta iyo horumarinta dalka Norway.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Shiinaha

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa halkaasi kaga qeyb galaya Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha, waxaana lagu wadaa in halkaasi uu kula kulmo dhiggiisa dalka Shiinaha iyo madax kale oo ka socota Qaaradda Afrika.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo daahfuray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), kaas oo looga hadlayo xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee waddanka.

Shirkaan oo sanadkiiba afar mar la qabto ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladaha bani’aadannimo ee taagan, qiimeynta wixii qabsoomay, diyaar-garowga xaaladda La-nina, ka hortagga leexsashada gargaarka iyo in meesha looga saaro caqabadaha ka jira arrimaha gargaarka.

Madasha waxaa ka qeyb-galaya Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf Cali Xoosh, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, Wasiirrada Wasaaradaha Gargaarka ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobalka Banaadir, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.