Home Blog Page 299

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa qaabilay Gudiga Arimaha Gudaha Dib-Uheshiisinta Arimaha Federaalka

0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qaabilay Gudiga Arimaha Gudaha Dib-Uheshiisinta Arimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Aqalka Sare BFS.

Kulanka ayaa looga hadlay Arimaha Fatahaadaha, Xoojinta Xiriirka Dowladdaha Xubanaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Arimaha Dib-Uheshiisinta.

 

Qoysas ku go’doonsan xaafadaha qaar ee magaalada Baladweyne oo xaalad adag wajahaya

0

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waaa mid ka mid ah meelaha ugu daran ee ay saameeyeen daadadka roobabka,waanna badweyn gudaheeda markaad eegto biyaha wada gaaray.

Xaafadda kooshin gaar ahaan waddada labaad ee halbowlaha u ah magaalada Baladweyne, waxaa soo maciin biday qoysas ay fatahaaddu ka soo barakicisay guryahooda, waa go’doon, malahan meel ay degaan, waxay baco ku xirteen biyaha dhexdooda, sariiro ay dhigteen oo ay ku jiiftaan, waxaana sariiraha hoostooda maraya, sida muuqaalka idin kaga muuqda biyaha ka soo fatahay wabiga Shabeelle.

Daruufo adag ayaa hayso qoysaskan oo ay ka mid yihiin hooy, hu’ iyo hunguri ay cunaan, warbaahinta qaranka oo booqatay goobaha ay qoysaskan ku dhaqan yihiin ayaa lagu arkayaa carruur ku jiifa sariir hoostooda ay biyo marayaan.

Cabdi-shimaale oo ka mid ah qoysaskan ayaa warbaahinta qaranka u sheeegay in aysan haysan hooy ay ka galaan dhaxanta iyo wax kasta oo dhib u keeni kara noloshooda, waxayna bannaakaas ay ku sugan yihiin marti ugu yihiin roob habeen iyo maalin kala joogsi lahayn oo korkooda ku bilowda kuna dhammaada, wuxuuna baaq u diray Dowladda federaalka iyo hay’adaha gargaarka in ay la soo gaaraan gurmad deg deg ah.

” Istaagga ayuu waaga noogu baryay, wuxuu ilaahey keennay waa ku shukrineynaa, marka hay’adaha gargaarka bixiya waxaan ka filaneynaa kheyr, Dowladda Hirshabeelle sidoo kale, waxaa ka filaneynaa in ay wax u qabato ummaddan,” ayuu yiri Cabdi-shimaale oo ka mid ah qoysaska ay saameynta ku yeesheen daadadka El-Nino.

Sannadihii ugu dambeeyay shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne waxay dhibane u ahaayeen daadadka soo noq-noqday ee wabiga Shabeelle,qaraxyo murugo reebay oo ay geysteen argagixisada iyo daadadka ka dhashay roobabkii da’ay, kuwaas oo dhibaatooyinka kala duwan u geystay shacabka.

Daadadka Baladweyne ku dhuftay ayaa wali biyiha ay sababeen ka buuxaan magaalada, roobabka oo aan wali kala joogsan ayay sheegeen dadka aar inaysan rajo ka qabin inay dhawaan ku laaban doonaan hoygoodii.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo u fariisatay dhageysiga 10-ruux oo ku aadeysan argagixisanimo

0

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa markale u fariisatay garmaqalka 10-ruux oo ku eedeeysan kamid noqoshada kooxda Khawariijta Al-shabaab.

10-kan ayaa safar u ahaa buuraha Galgala si ay ugu biiraan kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya buuraha sil-siladda ah ee Puntland.

Kiiskan ayaa maanta y fariisatay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana qeyb ka mid ah raggan loo haystaa in ay ka soo dagaallameen deegaannada Ceel-lahelay, Sina-dhaqo, Bacaadweyn iyo qal-qal-gelinta caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Baaraha Kiiskan oo Maxkamadda u sharxay ayaa sheegay in baaris dheer oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 7-ka mid ah eedeysanayaashan u socdeen buuraha Gal-gala si ay halkaas uga dagaallmaaaan, Al-shabaabna ay ku biireen bishii lixaad ee sanadkan 2023.

7-ruux oo qaba tababaro kala duwan oo dhanka ciidanka ah waxaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ka dibna waxaa lagu wareejiyay ciidanka Danab, sida uu sheegay baaraha Kiiskan.

Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Cabdicasiis Cusmaan Faarax ayaa maxkamadda ka codsaday in lagu xukumo qodobada ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay khatar ku ahaayeen amniga Dalka.

Qareenka difaacayay eedeysanayaasha ayaa maxkamadda u sheegay in ay muwa-kaliintiisu qorsheynayeen in ay isku soo dhiibaan ciidamada sidaas daraateed la dhaqan-celiyo.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa soo gabo-gabeysay dhageysiga dacwadda, waxayna sheegtay in ay dib ka soo saari doonto go’aanka 10-kan ruux.

Canaanta Madaxweynaha kama darin (WARBIXIN)

0

Waxaa weli si xowli ah u socda dadaalada ay Dowladdu ka waddo goobihii ay aadka u saameeyeen Fatahaadaha iyo Daadadka ba’an ee ku soo rogmaday Degmooyin ka mid ah Gobolada Dalka, sidaasi awgeed ayay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ay shalay oo Jimco aheyd markii Seddaxaad waxa ay diyaarad sidday shixnad mucaawino ah u degtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo garayaa ilaa 10-tan oo isugu jira noocyadakala duwan ee Raashinka fudud, haddii sida kale loo dhigana waxaa loo qeybin doonaa oo loogu talagalay in la gaarsiyo dadka ay saameeyeen fatahaadda Roobabka ee ku dhaqan Magaalada Baydhabo oo tiradoodu gaareyso ilaa iyo 1.250 Qoys.

Deeqdaan oo markii horeyba loogu tagalay in la geeyo Magaalada Beledweyne oo ay uga jirto baahiyo badan ayaa sabab u ah garoonka Magaaladaasi oo ay fadhiya Biyo awgeed, sidaasi daraadeed ayaa loogu weeciyay Gargaarkaasi magaalada Baydhabo, waxaynan tahay gargaarkii 3-aad ee la gaarsiiyo halkaasi, waxayna Hey’adda SODMA oo gacan ka helaya Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed ee ay dhibaatadu ka soo gaartay  fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka xilliga Deyrta, iyadoo magaalada Baydhabo ay ka mid tahay Magaalooyinka ay sameeyeen daadadka El-Niño oo keentay waxyeello iskugu jiray Dhimasho iyo Burbur hantiyadeed.

Mid ka mid Dadka degan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo saran dooni ay Dowladdu ugu talagashay dadweynaha  oo markaasi dulsaaran mid ka mid ah Doomahaasi ayaa yiri:-“maadama aan nahay Shacabka degan magaalada Baardheere waxaan soo dhaweyneynaa in la joojiyay lacagihii baadda ahaa oo markii hore  doomaha ku raceynay, xilli Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka sheegtay in aan la aqbali karin lacagahaasi”. Baardheere waxa ay ka mid tahay degmooyinka gobolka Gedo kuwooda sameenta adag ay ka soo gaartay fatahaada wabbiga jubba, taas oo keentay in ay go’do buundii baardheere, waxaana hore sidaan oo kale hey’adda Maareynta musiiboyinka magaalaaasi ugu dirtay Doonyo nuuca dheereeya ah, si loo badbaadiyo shacab ay go’doomiyeen Biyaha.

Hey’adda maareynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay kordheen tirada dadka ku geeriyooday iyo kuwa ku barakacay daadadka iyo fataahadaha ay Roobabka da’ya sababeen, waxayna Hey’addu sheegtay in dhimashada ay gaartay ilaa iyo 50 ruux, halkii ay markii hore ka ahayd 31 qof, iyadoo sidoo kalena tilmaantay in dadka fatahaada ku barakacay iyo khasaaraha guudba uu isa soo tarayo.

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda fataahadda Beledweyne iyo dhimashada oo gaartay in ka badan 10 ruux sida uu noo xaqiijiyay Cabdisalaan Faarax Maxamed oo ah isu-duwaha Wasaradda Gargarka maareynta iyo musiiboyinka Hirshabeelle ee Gobolka Hiiraan.

Dhanka magaalada Kismaanyana Xaaladda fatahaadaha ee ka jira deegaanada Jubbaland oo saamayn weyn ku yeelatay nolosha deegaannada ay fatahaadu ka dhacday, iyadoo meelaha qaar ay adag tahay in gargaar la gaarsiiyo, isla markana burbur xoog leh uu soo gaaray kaabayaasha kala duwan, si gaar ahna degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo ay gabi ahaanba burbureen buundooyinkii ku yaalay. Guddiga uu dhawaan Madaxweyne Axmed Islaam uu u saaray wax ka qabaashada xaaladaha ka dhashay fatahaada ayaa wada gurmad kala duwan oo la gaarsiinayo dadka ay dhibaatadu saameysay, iyadoo durba gargaar kala duwan ay Dowladu gaarsiisay meelaha qaar.

Waxaa kale oo barakac xoog leh uu ka jiraa degmooyinka gobolka Jubbada Dhexe oo boqolaal qoys oo ka soo barakacay fatahaadaha ay soo gaarayaan deegaannada ku dhow Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo golahu uu isku raacay in gurmad lala gaaro, iyadoo meelahaasi ay joogaan Kooxda Khawaarijta ah oo gargaar iskaba daayoo ay iyaga naf ka raadiya oo baada Dadkaasi.

Warbixinta ugu dambeeysay ee saameynta ka dhalatay Roobabka mahiigaanka ah El-Niño Iyo fatahaadaha dalka oo dhan. Waxa ay saameeysay dowlad gobolleedyada, (Gulmudug, Hirshabeele, Koofur Galbeed iyo Jubaland ).

➤ 𝗦𝗮𝗮𝗺𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱              : 𝟵𝟳𝟴,𝟵𝟴𝟲𝗤𝗼𝗳

➤ 𝗕𝗮𝗿𝗮𝗸𝗮𝗰                          : 𝟱𝟵𝟬, 𝟴𝟵𝟳 𝗤𝗼𝗳

➤ 𝗞𝗵𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮  𝗗𝗵𝗶𝗺𝗮𝘀𝗵𝗼      : 50 𝗥𝘂𝘂𝘅

➤ 𝗞𝗵𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗼 𝗛𝗮𝗻𝘁𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱         : 𝟱𝟯𝟮𝟭 𝗼𝗼 G𝘂𝗿𝗶

➤ 𝗞𝗵𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗼 𝗛𝗮𝗻𝘁𝗶 𝗚𝘂𝘂𝗱:  𝗕𝘂𝘂𝗻𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗿𝗱𝗵𝗲𝗿𝗲 𝗶𝘆𝗼 𝗕𝘂𝘂𝗿𝗱𝗵𝘂𝗯𝗼.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa oo xarunta Hey’adda SODMA ee Muqdisho ku shirguddoomiyey kulan dhexmarey hey’adda SODMA iyo guddi matalaya bulshada gobolka Gedo ee arrimaha Fatahaadaha iyo Gargaarka, ayna hormuud ka yihiin Wasiirro heer federal ah, kuwa heer dawlad goboleed ah, siyaasiyiiin iyo samafayaal ka tirsan Hey’adda Alraxma, iyadoo kulanka uu ujeedadiisu ahaa isu-duwidda iyo mideynta dadaaladda loogu gurmanayo degmooyinka ay Fatahaaduhu saameeyeen iyo dadka ku dhibaataysan goobahaasi gaar ahaan gobolka Gedo oo ah gobol ay si weyn u saameysay Daadadka soo rogmay  iyo fatahaadaha Webiyaasha Jubba iyo Shabeelle.

Kulanka ayaa sidoo kale guddoomiye ku xigeenka hey’adda SODMA iyo maareeyaha Xarunta Qaran ee Gurmadka degdegga ah waxay ku soo bandhigeen xajmiga dhibaatada fataahaaduhu ay ka geysteen gobolada dalka, dadaaladda iyo gurmadka dawladda federaalka ah ay illaa iyo hadda ka samaysay dalka guud ahaan, gaar ahaan gobolka Gedo, iyo sidoo kale kuwa qorshaysan, caqabadaha jira iyo sida looga gudbi karo haddii bulshada iyo hey’addu ay iskaashadaan, iyadoo Xubno ka tirsan guddiga bulshada Gobolka Gedo ee isku xilqaamey wax ka qabashada fatahaadaha gobolkaas ku dhuftey ayaa sheegey in ay diyaariyeen illaa iyo hadda 7 doomood oo taalla Muqdisho iyo gurmad kale, ayna gacan uga rabaan dawladda sidii halkaas lagu gaarsiin lahaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa guddiga gobolka Gedo uga mahadceliyey dadaalkooda, wuxuuna soo dhoweeyey wada shaqeyn dhow iyo isku xirnaan dhexmarta dadaalada bulshadu ay waddo iyo kuwa dawladda federaalka ah ay hormuudka u tahay taasoo wadajirkeeda ay ku badbaadi doonaan dad badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna bulshada kale ee Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka malyanka kor u dhaafay ee ku barakacey ama ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka.

Dhanka Gobolka Banaadirna Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Mudane Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa koormeeray goobo ay ku soo barakaceen dad danyar ah oo saameyn ku yeeshay Roobabka wata daadadka xooggan ee ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka, kuwaasi oo ka soo barakacay gobolka Sh/Hoose, iyadoo Xafiiska Agaasinka Caafimaadka gobolka Banaadir uu maalmihii dambe waday olole loogu gurmanayo dadkaan danyarta ah, waxaa loo sameeyay baaritaano Caafimaad iyo daawooyin. Sidoo kale waxaa la gaarsiiyay agab gargaar oo ka kooban Maro kaneecooyin, qalab Caafimaad iyo agab kale oo noloshooda muhiim u ah, iyadoo Agaasime Dr. Cabdiraxmaan Axmed uu sheegay in dadkaan ay u baahan yihiin gurmad xoog leh in lala soo gaaro, isagoo baaq u diray hey’adaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee ka howlgala gobolka Banaadir, ganacsatada iyo culimada Soomaaliyeed.

Arrintani ayaa ka dambeysay kadib markii uu Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu sheegay in Dadka Danta yar ee deggan xerooyinka Barakacayaasha ee Magaalada Muqdisho in lala gaaro gurmadyo isugu jira cunto iyo caafimaad, isagoo yiri- “waxaa dhici karta in Hooyo ay heyso Fool ay meel ay u baxdo weynso, Roobka iyo dhaxanta dhaceysa awgeed, marka waa in lala gaaro Dadkaasi gurmad degdeg ah”, isagoo markaasi la hadlaayay maamulka Gobolka Banaadir.

 

“Dhabarkeeygu  jabay saan dan guud ugu dhakoolaaye” waxay ereyadaasi ka mid ahaayeen gabay uu tiriyay AUN Cabdulle Raage, Mudane Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud  dalxoreeye guul ku waar idin Allah”, sidaasi waxaa tiri:- Shukri Calasow oo ku nool Dalka Ingiriiska, oo tilmaameysa sida uu ugu heelan yahay Soomaaliya oo nabad ah, islamarkaana barwaaqo ah.

Mar uu la hadlaayay Xubnaha Golaha Wasiirada XFS Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in uu isagu masuuliyaddiisa uu ka soo baxayo, iyagana looga fadhiyo in ay ka soo baxaan waajibaadka dastuuriga ah ee laga rabo Golaha wasiiradda in ay fuliyaan sidoo kalenna labba jibaaraan hawlaha dib u xoraynta iyo hanaanka dowlad dhiska dalka.

“Midna ogaada ragga xukunka hayow, Wasiir aan kula doodi karin, damiirkiisa ka hadli karin, runta kugula dhici karin, qaladka kaa celin karin, ha ka sugin in uu xukun kuu difaaco, ama dowlad iyo dal waxtaro”, sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Guntii iyo gabgabadii waxaan oran karnaa marka la fiiryo waxyaabaha socda haatan canaanta Madaxweynaha kama darin.

Fatahaada Webiga Shabeelle oo khasaare gaarsiiyey Cisbitaalka Beledweyne

0

Webiga Shabeelle oo ku fatahay magaaladda Beledweyne ayaa khasaare gaarsiiyey Cisbitaalka Magaaladda Beledweyne sida ka muuqata Sawiro ay heshay Wakaaladda Wararka SONNA waxa ay Biyaha guddaha u galeen dhammaan qolalka Cisbitaalla.

Fatahaada Webiga ayaa sababtay in ay xirmaan suuqyadii ganacsiga sidoo kale na uu hakad galo isu socodka Magaaladda oo goobihii la marayey ay xireen Biyaha.

Waxa sidoo kale khasaare soo gaaray goobihii kale ee caafimaadka oo sidoo kale u xirmay fatahaada webiga iyo daadka roobabka ee magaalada ku soo rogmaday.

 

Bacaadweyne oo lagu soo bandhigay Ciidamo ka qayb noqonaya la dagaalanka Khawaarijta

0

Boqolaal Ciidamo Deegaanka ah oo ka qayb qadanaya dagaalka Khawaarijta ayaa shalay waxaa lagu soo bandhigay Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, kuwaas oo diyaar u ah in ay ka qaybqataan soo afjarista Khawaarijta .

Ciidankaan waxaa  kormer ugu tagay Saraakil ka kala tirsan Dowlada Federaalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, waxaana ay u shegeen in ay u diyaar garoobaan howlgal culus oo Khawaarijta looga sarayo deeganada Galmudug.

Guud ahaan dalka si gaar ah Galmudug waxaa uga socda howlgalo culus oo ka dhan ah khawaarijta Al-shabaab, waxaana looga qabsaday dhul badan oo muddo jogeen.

Dab xooggan oo ka kacay Suuqa Xamarweyne

0

Maamulka gobolka Banaadir iyo Shacabka oo is kaashanaya ayaa ku guuleystay daminta dab xooggan oo qabsaday qeybo kamid ah suuqa Xamarweyne.

Dabka ayaa markii hore ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz, waxaa uuna ku fiday qeybaha Suuqa Dahablaha, kawaanka Hilibka iyo meelo kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo dadkii ka qeyb qaatay daminta dabkaas.

Guddoomiye Madaale “Waxaan daminnay dabkii kacay, waxaana si gaar ah ula xisaabtami doona shirkadaha Korontada,”

Dabkan oo khasaare xooggan dhaliyay ayaa wali maamulka sheegin cadadka hantida ku baa’baday,iyadoo qaar kamid ganacsatada halkaas sheegeen in hanti waxii halkaas u yiilay dabku la tagay.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo gargaar u dirtay Baardheere

0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo wali wada gurmadka loo sameenaayo shacabka Soomaaliyeed ee iskugu darsoomeen daadadka El-Niño iyo fatahaadaha ay sameyeen wabbiyada Jubba iyo Shabelle ayaa maanta waxa magalaada Baardheere u dirtay Diyaarad wada shixnad mucaawino ah oo gaaraysa ilaa 6-Tan.

Baardheere waxa ay kamid tahay degmooyinka gobolka Gedo kuwooda ssameynta dag ay ka soo gaartay fatahaada wabbiga jubba, taas oo keentay in ay go’do buundii Baardheere waxaana hore sidaan oo kale hay’adda Maareynta musiiboyinka magaalaaas ugu dirtay Doonyo nuuca dheereeya ah si loo badbaadiyo shacab ay go’doomiyeen Biyaha.

Gargaarkaan waxaa loogu talagalay in la gaarsiyo shacabka ku barakacay dadaadka iyo fatahaadaha.

 

Israa’iil oo sheegtay in Sarakiil sare looga dilay waqooyiga Qaza

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay subaxnimadii hore ee saakay oo Khamiis ah in laba sargaal oo sar sare looga dilay laba kalena looga dhaawacay dagaal ka dhacay waqooyiga Marinka Qaza.

Dhimashada Sarakiishan ayaa tirada guud ee dhimashada ciidamada Isra’iil ka dhigeysa tan iyo markii uu bilowday duullaanka ay ku qadeen magaalada Qaza 370 Askari.

Guutada Al-Qassam ee dhaqdhaqaaqa wax iska caabbinta Xamaas, ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay inay burburisay 11 baabuurta Gashaaman ah oo ay lahayeen Ciidamada Israa’iil.

Warkan ka soo baxay Xamaas, ayaa sido kale lagu sheegay in Ciidamadii soo duullaan tagay ay u geysteen khasarooyin nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aanay xusin tiro rasmi ah.

Dacwad loo heysto saraakiil dowladeed oo ka socota Maxkamadda gobolka Banaadir

0

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dacwad loo heysto Agaasimayashii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, kuwaa oo lagu soo eedeeyay falal Musuq maasuq ah.

Agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa lagu eedeeyay inuu lunsaday Lacag gaareysa 5 Malyan oo dollar.

Sidokale,  Maxamed Aadan Koofi Agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, ayaa loo haystaa  lunsashada lacag gaaraysa 4 Malyan oo dollar.