Home Blog Page 270

Xuutiyiinta oo gantaal la beegsaday Tel Aviv iyo xasuuqa Israel oo weli ka socda Gaza

0

Milatariga Israel ayaa sheegay in gantaal laga soo tuuray Yemen uu ku dhacay aagga Tel Aviv ka dib markii nidaamyada difaaca cirka ay awoodi waayeen inay ka hortagaan gantaalkaasi.

Weerarkaasi gantaal oo la sheegay in uu aargoosi u yahay duqeymo dhowaan lala beegsaday goobo muhiim ah oo ku yiillay Yemen ayaa lagu waramay in uu geystay dhaawac soo gaaray 16 ruux,isla,sida ay ku warameen saraakiisha Israel.

Dhanka kale dhakhaatiirta caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in weerarrada cirka Israa’iil ee dhacay shalay oo Jimco ah lagu dilay yaraan 25 falastiiniyiin ,halka 24 kii sac ee u dambeeyay tirade dhimashada dadkaasi ka dhigeysa 77 qof sida ay xaqiijiyeen Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Hey’adda UNICEF ayaa sheegtay in 96 boqolkiiba haweenka iyo carruurta ku nool deegaanada Gaza ay la ildaran yihiin xanuunno,dhaawacyo iyo qabow,isla markaana aysan awoodin in ay daboolaan baahiyahooda nololeed.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ee dhulka la haysto ee Falastiin ayaa wax laga xishoodo ku tilmaamay go’aanka Sweden ee ah joojinta dhaqaalihii ay siin jirtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee UNRWA .

Illaa 45,206 falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay dagaalka Gaza,halka uu dhaawac ka soo gaaray 107,512 ruux tan iyo bishii Oktoobar sanadkii tagay.

Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale oo kormeerey dugsiga tababarka Ciidamada ee degmada Garbahaarey

0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isbeddelka Cimilada, Mudane Axmed Maxamed Cumar, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Cismaan Libaax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Xildhibaan Cabdirashiid Olow, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka, Xildhibaan Nuur Affey, ayaa maanta booqday dugsiga tababarka ciidamada ee degmada Garbahaarey.

Booqashadan ayaa ahayd mid loogu kuur galayey tababarka ay muddo saddex bilood ah qaadanayeen askar cusub oo lagu diyaarinayo dugsiga tababarka ee Garbahaarey. Wafdiga ayaa u kuurgalay habka tababarka, tayada waxbarashada ciidanka, iyo diyaar garowga loogu jiro sugidda amniga gobolka Gedo iyo guud ahaan dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo khudbad ka jeediyay dugsiga tababarka, ayaa ku amaanay askarta dadaalkooda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin in ay qayb ka noqdaan sugidda amniga iyo difaaca dalka. Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay ciidanku u leeyihiin nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, isaga oo ballan qaaday in dowladda federaalka ay sii wadi doonto taageerada ciidamada si loo helo ciidan tayo leh oo u adeegaya shacabka.

Sidoo kale, xubnaha kale ee wafdiga ka tirsan ayaa dhiirrigelin u jeediyay askarta tababarka ku jirta, iyagoo ku bogaadiyay dulqaadkooda iyo go’aankooda ku aaddan difaaca dalkooda. Waxay sheegeen in tababarkan uu qayb weyn ka yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka si loo sugo amniga dalka oo dhan.

Booqashadan ayaa muujineysa sida dowladda federaalka uga go’an tahay tayeynta ciidamada iyo sare u qaadista awooddooda si ay uga hortagaan khataraha amni ee ka jira dalka.

Hindisahaan waa Rajada iyo Hiigsiga Soomaalida’ (WARBIXIN)

0

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan daah-furay ‘Hindisaha Muqdishada cusub’, kaasi oo isugu jira dhismaha Garoon diyaaradeed casri ah, Dekad caalami ah iyo Aagga dhaqaalaha Muqdisho, marka haddii aan wax yar ku faahfaahiyo mashruuca Muqdishada cusub iyo waxa laga filaayo.

Muqdishadaan cusub waa deegaanka Garoonka iyo Dekadda ugu weyn dalka oo isu jiri doona masaafo 7km ah, islamarkaana ay si toos ah ugu tiirsanaan doonaan qaar ka mid ah Wadamada ku dhow Soomaaliya. Mashruucan oo garoonkiisa laga hirgelinayo Waqooyiga Muqdisho gaar ahaan deegaanka Haawaay ayaa ku kacaya in ku dhow $600 milyan iyo dheeraad waxaana maalgelinaya shirkado isugu jira Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwo Ajaanib ah.

Labada magaalo ee Muqdishada hadda iyo tan cusub waxaa isku xiri doona waddo laami ah oo hadda ka sii gudbeysa degmada Kaaraan sida la xaqiijiyay mashruucaan waxaa ku lamaanan Waddooyin laamiyo ah kuwii ugu dheeraa ee burburkii kadib, kuwaasi oo Badeecadaha loo marsiin doona Gobollada Dalka, iyadoo Mashruucan, oo qiimihiisu gaarayo $100 milyan, ayaa loo bandhigi doonaa maalgashadayaasha caalamka iyo kuwa gudaha.

Haddaba Madaxweynaha JFS mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hindisaha Muqdishada cusub, kaasi oo isugu jira dhismaha Garoon diyaaradeed casri ah, Dekad caalami ah iyo Aagga dhaqaalaha Muqdisho ama “Muqdishada Cusub,” kuwaasi oo muhiim u ah horumarinta caasimadda, wuxuuna bogaadiyay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ajaanibta ah ee door muhiim ah ka qaatay mashruucan, kaasi oo qorshihiisu socday tan iyo shan sano ka hor.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxay door weyn ka ciyaareen dib u dhiska dalka, xilli aysan jirin dowlad xooggan, iyagoo keenay adeegyo muhiim ah oo aan ka jirin meelo badan oo caalamka ah,” ayuu yiri Madaxweynaha. wuxuuna sheegay in mashruuca Muqdishada Cusub uu ka koobnaan doono garoon diyaaradeed iyo dekad casri ah, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona Aag dhaqaale oo la filayo inuu saameyn weyn ku yeesho horumarinta dhaqaalaha dalka.

“Waxaan rabnaa in mashruucan uu noqdo mid ay dadka Soomaaliyeed si wadajir ah uga faa’iideystaan,” ayuu raaciyay Madaxweynaha, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in mashruuca Muqdishada Cusub uu horseedi doono shaqo-abuur ballaaran oo loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo xusay in mashaariicdan horumarineed la gaarsiin doono gobollada kale ee dalka si loo ballaariyo saameynta togan ee ay ku yeelan karaan bulshooyinka.

“Hindisaha Muqdishada Cusub wuxuu fure u yahay Horumarka Dalka”, sidaasi waxaa yiri:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir oo madasha ka hadlayay ayaa sheegay in Hindisaha lagu horumarinaayo Muqdishada cusub, isla markaana lagu dhisaayo Garoonka cusub ee Diyaaradaha iyo Aaga dhaqaalaha dalka uu muhiimad weyn u leeyahay dalka oo idil.

Mudane Amiir ayaa xusay in Hindisahaan uu yahay Rajada iyo Hiigsiga Ummada Soomaaliyeed, taasi oo abuureysa Maalgeshi Caalami ah, Xiriir ay Soomaaliya la yeelato caalamka iyo kor u qaadida dhaqaalaha dalka, wuxuuna adkeeyay aragtidiisa fog ee uu ka leeyahay Gobolka Banaadir iyo Caasimada Muqdisho ee ah meel Nabdoon, Nadiif ah iyo in dhalinyaradeedu ay helaan fursado shaqo, taasi oo bilow u noqoneysa Hidisahaan lagu horumarinaayo Caasimada.

“Anaga oo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, maanta waxa ay noo tahay maalin taariikhi ah. Riyo aan muddo dheer ku riyoonaynay ayaa maanta dhab u noqotay,” ayay tiri Wasiir Fowsiyo,waxayna sidoo kale ka warbixisay horumarka uu sanadihii u dambeeyay sameeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaasi oo haatan u adeegaya 60% duulimaadyada dalka, waxayna sheegtay in kor u kaca adeegyada garoonka uu caddayn u yahay baahida sii kordheysa ee adeegyada duulimaadka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal, ayaa ka hadashay fursadaha ka dhalan doona mashruuca cusub ee “Muqdishada Cusub,” kaasi oo lagu daah-furay munaasabad weyn oo ka dhacday caasimadda, waxayna intaasi ku dartay in dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha uu xal u noqon doono duruufaha duulimaadka ee dalka ka jira, iyada oo tilmaantay muhiimadda uu mashruucani u leeyahay horumarinta isku socodka gudaha iyo kan caalamiga ahba.

“Sanadihii la soo dhaafay, waxaan aragnay tirada duulimaadyada oo si aad ah u sii kordheysa, waxaana rajeyneynaa in tiradaasi ay sii laba-laaban doonto marka la howlgeliyo garoonka cusub ee diyaaradaha Muqdisho,” ayay raacisay Wasiirka, waxayna ku adkeysatay in dadaallada Wasaaradda ay diiradda saarayaan sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah horumarka dalka.

Mashruucan cusub ayaa la filayaa in uu kor u qaado isku xirnaanta Soomaaliya iyo caalamka, isaga oo abuuri doona fursado shaqo, xoojin doona ganacsiga, isla markaana sare u qaadi doona dhaqaalaha guud ee dalka.

“Dadbaa waxa dhaqan ka jecel

Wixii dhumay oo tegee

Dhismaha korayiyo rajada

Miyaan dhaayahoodu qaban?”, Abwaan Osmaan Guure ayaa Tixdaan ku muujiyay aragtida uu ka qabo mashruucaan.

Madaxweynaha JFS oo Ganacsatada ku Bogaadiyay sida ay uga go’antahay hirgalinta Mashruuca Muqdishada Cusub

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa casho sharaf la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey sida ay u doonayaan hirgelinta qorshaha Muqdishada cusub oo beddeli doonta muuqaalka caasimadda.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in mashruucan waddaniga ah uu yahay mid dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed ay qayb muhiim ah ku yeelanayan, taas oo xaqiijinaysa in qorshahan uu noqdo mid Soomaali leedahay, oo berito ay ku faani karaan jiilasha soo socda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ganacsatada uga mahadceliyey kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dalka, gaar ahaan doorka ay ka qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo xoojinta nabadda. Waxa uuna ku dhiirrigeliyey in ay si hagar la’aan ah u bixiyaan canshuurta, ugana qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dhankooda ballanqaaday in ay kaalin weyn ku yeeshaan mashaariicda qaranka, iyagoo ka duulaya qorsheyaasha lagu xoojinayo dib u dhiska iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabbilay wafdi sare oo ka socday dowladda Algeria

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Aljeeriya Mudane Kamel Badari iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay wafdigan farriin iyo salaan ay uga sideen Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Aljeeriya Mudane Cabdilmajiid Tabbuune, iyagoo la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda dalkaas iyo sida ay uga go’an tahay Madaxdiisa sare u qaadidda xiriirka ay la wadaagaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayso horumarinta midnimada iyo isdhexgalka Qaaradda Afrika.

Wasiirka Arrimaha gudaha Federaalka oo kulan la qaatay Maamulka degmada Garbahaareey

0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa maanta la kulmay maamulka degmada Garbahaareey iyo hoggaannada qeybaha kala duwan ee bulshada ee magaaladasi.

Kulankan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta amniga, kor u qaadista adeegyada bulshada, iyo horumarinta wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda iyo bulshada deegaanka. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa dhageystay sidoo kale warbixinno ay soo bandhigeen maamulka degmada iyo qeybaha bulshada kuwaas oo ka hadlay baahiyaha iyo caqabadaha haysta degmada.

Sidoo kale, Wasiirka, ayaa bulshada ku boorriyay inay door weyn ka qaataan sugidda nabadgelyada iyo taageeridda dadaallada dowladdu ku bixinayso amniga. Wuxuuna ballan qaaday in dowladda dhexe ay sii xoojin doonto wada shaqeynta kala dhaxeysa maamulka gobolka , kan degmada iyo in mudnaanta la siin doono baahiyaha muhiimka ah ee bulshada.

Kulan looga hadlayay la dagaalanka argagixisada oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Mombasa

0

Kulan socday muddo todobaad ah oo looga hadlaayay la-dagaalanka argagixisada iyo xakamaynta farriimaha gurracan oo ay soo agaasintay Urur-Gobolleedka IGAD, ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Xoghayaha Guud ee IGAD Dr Workneh Gebeyehu iyo Ku-xigeenka Xoghaya Guud Mudane Maxamed Cabdi Waare, oo kulankaan ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda ay gobolka u leedahay in la abuuro warbixinno lagu ciribtirayo khawaarijta iyo fikiradaha argagaxa leh ee kooxaha khawaarijta ay gaarsiiyaan bulshada.

Agaasimaha waaxda la-dagaalanka fikirka xagjirka ah ee IGAD Dr Simon Nyambura, oo kulanka soo xiray ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey qeybaha dhaqanka, Culimada iyo warbaahintii kasoo qeyb gashay shirkaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sagootiyay Wafdigii ka socday Tansaaniya ee soo gaaray Soomaaliya 

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Ahmed Moallim Fiqi , oo ay weheliyaan Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska, Daud Aweis , iyo Danjiraha Soomaaliya ee Tansaaniya, Danjire Amb Ilyas Ali Hassan , ayaa si qiiro leh u sagootiyey wafdigii sharafta lahaa ee Tansaaniya ee soo booqday Soomaaliya.

Wafdiga Tansaaniya oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Tansaaniya, Danjire Mahmoud Thabid Kombe waxaa ka mid ahaa Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Siciid S. Muuse.

Munaasabadda sagootinta waxa ay ahayd mid lagu muujiyey xiriirka saaxiibtinimo ee joogtada ah iyo ballanqaadka wadajirka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga labada dal. Waxaan si weyn u rajaynaynaa in walaalaheenna Tansaaniya ay markale nagu soo booqdaan Soomaaliya oo ah dhul leh dhaqan soo jiidasho leh, bilic dabiici ah, iyo martisoorkeedii aan la barbar dhigi karin.

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1-President Hassan Sheikh Mohamud held talks at Villa Somalia with the Minister of Foreign Affairs of the United Republic of Tanzania, Mr. Mohamud Thabit Kombo and his delegation who is on a official trip to the country.

2-President Hassan Sheikh Mohamud launched the New Mogadishu Initiative, which includes the construction of a modern airport, an international port and the economic zone of Mogadishu.

3-President Hassan Sheikh Mohamud received in Mogadishu the Special Envoy of China in charge of the Horn of Africa Xue Bing.

4-President Hassan Sheikh Mohamud laid the foundation stone for the modern Gateway Complex project in Mogadishu, which is funded by Somali businessmen and will play a major role in the development of the economy and trade.

5-President Hassan Sheikh Mohamud chaired the meeting of the National Security Council, which discussed the country’s security situation, the war on terrorism, the Somali peacekeeping mission ATMIS and the preparations for the new AUSSOM mission.

6-President Hassan Sheikh Mohamud inaugurated the 15th Conference of the International Association of Somali Studies, which was held in Mogadishu after 35 years.

7- Prime Minister Hamsa Abdi Barre attended an event where the new Governor and Mayor of Mogadishu Mohamed Ahmed Amir took office.

8- Prime Minister Hamse Abdi Barre opened the Government, Businessmen and Society Cooperation Conference on the Plan to Prevent and Fight Terrorist Financing.

9- Prime Minister Hamsa Abdi Barre and the Speaker of the House of the People Sheikh Aden Mohgamed Nur attended the six-year anniversary of the tenure of the President of the South West Regional Government, Mr. Abdiasis Hassan Mohamed (Laftagareen) in Baidoa.

10- Prime Minister Hamsa Abdi Barre chaired a high level meeting that discussed government’s strategic communication.

11- Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama, has visited the headquarters of the Ministry of Foreign Affairs, and praised Somalia’s diplomatic achievements in the international arena.

12- Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama, visited the Ministry of Communications and Technology, and observed the smooth running of the Ministry’s work for the community.

13- The Deputy Prime Minister of Somalia, Mr. Salah Ahmed Jama, participated in an event to present a report on poverty levels, which was organized in a collaboration between the Ministry of Labor and Social Affairs and the National Statistics Agency.

14- The Deputy Prime Minister of Somalia Mr. Salah Ahmed Jama participated in an event where Somalia and Tanzania signed cooperation agreements and strengthening relations between the two countries.

15- The Minister of Foreign Affairs Ahmed Moallim Fiqi hosted a colorful dinner for the large delegation led by Tanzanian Foreign Minister Mohamud Thabit Kombo.

16- The Cabnet of the Federal Republic of Somalia held a special meeting to discuss some of the provisions of the Constitution that are being reviewed.

17- The Speaker of the House of the People, Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe, has received a comprehensive work reports from the Independent Commission for National Elections and Borders.

18- The Speaker of the Upper House Hon. Abdi Hashi Abdullahi held a meeting with the Parliamentary Constitution Review Monitoring Committee and the Chairman of the Independent Committee for Review and Implementation of the Constitution.

19- The Ministry of Interior has sent a call for peace to the fraternal communities that have been involved in the conflict in Eerigabo town in Sanaag Region.

20- The Ministry of Education has launched in Mogadishu the program to revise the Somali Education Development Plan (2022-2026).

21- The Deputy Minister of the Ministry of Foreign Affairs Isaaq Mohamud Mursal welcomed the special envoy of the Chinese government in charge of the Horn of Africa, Ambassador Xue Bing.

22- The Ambassador of Somalia to China, Dr. Hodan Osman Abdi held a meeting with Somali businessmen and the community living in Yiwu, China.

23- Today (20 December 2024) marks the deadline set by the Federal Government of Somalia for the registration of journalists affiliated with foreign international media.

24- The Minister of Agriculture and Irrigation, Mohamed Abdi Hayir Mareye, opened a workshop to confirm the needs and capacity, which was attended by the Ministries at the regional level.

25- The Minister of Planning Mohamud Sheikh Farah Beene Beene had a meeting with the new team leaders of Somalia Donor Group representing Britain, Switzerland and Sweden..

26- The Minister of Justice and Constitutional Affairs, Hassan Maallim Mohamud, who met with the Somali community in Turkey, briefed them on the progress achieved in the reform of justice, the process of completing the constitution.

27- Minister of Public Works Dr. Elmi Mohamud Noor sent off 25 civil engineers who will study the damaged roads in the regions of the country.

28- Somalia’s ambassador to Egypt and the permanent representative of the Arab League, Ambassador Ali Abdi Awaare, had a meeting with the Speaker of the Arab Parliament, Mr. Mohamed Ahmed Al-Yamahi.

29-The National Security Agency (NISA) is hunting Hassan Ali Mohamed, known as Hassan Afgooye, who is in charge of extortion in the Kharijites group Al Shabab.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

0

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hindisaha Muqdishada cusub, kaasi oo isugu jira dhismaha garoon diyaaradeed casri ah, dekad caalami ah iyo aagga dhaqaalaha Muqdisho.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway Complex, kaas oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed, qeyb weynna ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadley xaaladda amniga dalka, dagaalka argagixisada, hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howlgalka cusub ee AUSSOM.

6-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Daah-furay, Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, kaas oo Muqdisho lagu qabtay muddo 35 sanno ah kaddib.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley munaasabad uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir.

8-Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa furay Shirweyanaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha Ka Hortagga iyo la Dagaallanka Maalgelinta Argagixisada.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb galaya munaasabadda lix sanno guurada ka soo wareegtay muddada xil-haynta Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koofur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay shir heerkiisu sareeyo oo looha hadley istaraatiijiyadda warbaahinta qaranka.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac oo kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa bogaadiyay guulaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ka gaartay ee saaxadda caalamka.

12- Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac oo kormeer shaqo ku tagey Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ayaa u kuur-galay habsami u socodka shaqada ay Wasaaraddu u hayso bulshada.

13- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey warbixin ka hadlaysay heerarka saboolnimada, taas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hey’adda Istaatiistikada Qaranka.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeybgaley munaasabad ay Soomaaliya iyo Tanzania ku kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi iyo xoojinta xiriirka labada dal.

15- Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa casho sharaf ugu sameeyay magaalada Muqdisho wafdiga ballaaran ee uu horkacayao Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Tanzania Mudane Maxamuud Thaabit Kombo.

16- Golaha Wasiirrada ayaa yeeshay kulan gaar ah oo lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey.

17- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa warxibinno ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

18- Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka BJFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

19- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah ee colaadda ku dhexmartay Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

20- Wasaaradda Waxbarashada ayaa Magaalada Muqdisho ka daah furtay barnaamijka dib-u-eegis loogu sameynayo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada Soomaaliya (2022-2026).

21- Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isaaq Maxamuud Mursal ayaa dalka kusoo dhaweeyey ergeyga gaarka ah ee dowladda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika danjire Xue Bing .

22- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka shiinaha Dr. Hodan Cismaan Cabdi ayaa kulan iyo is-xog wareysi la yeeletay ganacstada iyo jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool magaalada Yiwu ee dalka Shiinaha.

23- Waqtigii Dowladda Federaalka Soomaaliya u qabatey diiwaan gelinta weriyeyaasha ka hawlgala hay’adaha warbaahinta caalamiga oo maanta ku eg.

24- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa furay kulan aqoon is-weydaarsi oo lagu xaqiijinayey baahiyaha iyo awoodda oo ay ka qeybgaleen wasaaradaha heer maamul Goballeed.

25- Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Sheekh Faarax Beene Beene ayaa kulan la yeeshay guddoomiyeyaasha cusub ee Kooxda Deeq-Bixiyeyaasha Soomaaliya oo kala matalayay dalalka Britain, Switzerland iyo Sweden.

26- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallim Maxamuud oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa ka warbixiyey horumarka laga gaarey dib-u-habeynta cadaaladda, geedi-socodka dhammeystirka dastuurka.

27- Wasiirka Hawlaha Guud Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sagoontin u sameeyay 25 injineer oo daraasad ku soo sameyn doona waddooyinka burbursan ee gobollada dalka.

28- Safiirka Soomaaliya u fadhiya ee dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-yamaaxi.

29- Bayaan ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugidda NISA ayaa lagu sheegay in lagu raad jooga xogta Xasan Cali Maxamed oo loo yaqaano Xasan Afgooye kaas oo Al-Shabaab u qaabilsan dabagalka lacagaha baadda ah iyo xiriirka shirkadaha.