Home Blog Page 270

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 9-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Kaaraan iyo Buur-hakaba oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Kaaraan iyo Buur-hakaba ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Kaaraan
Tartameyaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Buur-hakaba, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaaraan ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Buur-hakaba
Tartamayaasha Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal. Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Kaaraan, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Buur-hakaba waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Guddiga tartanka ayaa sheegay in labada degmo ay noqdeen isku dhibco, isla markaana sida sharciga tartanku qabo waxaa lagu daray su’aalo dheeri ah si loo kala saaro tartamayaasha labada dhinac ee Kaaraan iyo Buur-hakaba ee Gobollada Banaadir iyo Baay.
Markii lagu daray su’aalaha dheeriga ah ayaa waxa ay tartamayaasha degmada Kaaraan ka jawaabeen su’aashii 8-aad ee la weydiiyay halka tartamayaasha degmada Buur-hakaba ay iska qaldeen tii 8-aad ee dhankooda la weydiiyay balse kama aysan faa’iideysan su’aashaas dhigooda Kaaraan, sidaa darteed tartamayaasha Kaaraan ayaa la yimid 12 dhibcood halka Buur-hakaba ay keensatay 10 dhibcdood, sidaas ayayna Kaaraan ugu gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka.
Hadaba kulankii 9-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 9-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Laascaanood iyo Shangaani oo ka kala tirsan Gobollada Sool iyo Banaadir.

 

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 8-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Dharkeynley iyo Bardaale oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Dharkeynley iyo Bardaale ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Dharkeynley

Tartameyaasha Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Bardaale,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dharkeynley ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Bardaale

Tartamayaasha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal. Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Dharkeynley,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Bardaale waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Guddiga tartanka ayaa sheegay in labada degmo ay noqdeen isku dhibco, isla markaana sida sharciga tartanku qabo waxaa lagu daray su’aalo dheeri ah si loo kala saaro tartamayaasha labada dhinac ee Dharkeynley iyo Bardaale ee Gobollada Banaadir iyo Baay.

Markii lagu daray su’aalaha dheeriga ah ayaa waxa ay tartamayaasha degmada Bardaale ka jawaabeen su’aashii 8-aad ee la weydiiyay halka tartamayaasha degmada Dharkeynley ay iska qaldeen tii dhankooda la weydiiyay waxaana ka faa’iideysatay dhigooda Bardaale oo la timid 14 dhibcood halka Dharkeynley ay keensatay 10 dhibcdood, sidaas ayayna Bardaale ugu gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka.

Hadaba kulankii 8-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 8-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Buur-hakaba iyo Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa daah-furay wejiga 2-aad Tartan Aqooneedka Qur’aanka Kariimka ee Maamulka Gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay wejiga 2-aad Tartan Aqooneedka Qur’aanka Kariimka ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo wajigiisa 1-aad kasoo socday Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Munaasabada ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Macalimiinta, Guddiga Garsoorka iyo Culumada Soomaaliyeed, doorkooda ku aadan in ay waqti geliyaan waxa ugu fiican ee lagu tartamo oo ah xifdinta Quraanka Kariimka. Asigoona Balan qaaday in uu Xajka u diri doonno Waalidka ardeyga ku guuleysta Tartanka Quraanka Kariimka ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Munaasabadda furitaanka tartankaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Culuma’udiin, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada G/Banaadir, Agaasimeyaal, Waaxda Diinta iyo Awqaafta Maamulka Gobolka Banaadir, Waalidiin iyo Ardeyda Tartamayaasha Qur’aanka Kariimka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Kuxigeenka ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey Soomaliya

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Kuxigeenka cusub ee ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane Raisedon Zenenga iyada oo laga wada hadlay Dib u xorreynta dalka ka socota, howlaha Xasillinta, Dib u heshiisiinta, Federaaleynta, Doorashooyinka iyo arrimo kale.

Kulanka uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Rohan Titus oo UNSOM u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta ayaa Mr. Raisedon Zenenga oo ka hadlay kulanka, waxaa uu mudane Axmed Fiqi iyo Dowladda Soomaaliyaba ku bogaadiyay guulaha isdabajoogga ah ee ay dhinac walba ka gaareen labadii sano ee lasoo dhaafay isaga oo intaa raaciyay sida UN-ka uga go’antahay taageeridda dowlad dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Moallim Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal walba ku bixinayso Dib u xorreynta dalka, Xasillinta, Sookabashada degdegga ah iyo sidoo kale howlaha federaaleynta iyo in adeegyada & maamulka u dhoweyso shacabka Soomaaliyeed oo ay doortaan dadkii matali lahaa.

Dowladda Soomaaliya oo ka Qayb Gashay Kulan Looga Hadlay Doorashada Midowga Africa ee 2025

0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa  ayaa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa kaga qayb galay kulankii 22-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika, waxaana shirkan diiradda lagu saaray doorashada soo wajahan ee hoggaanka sare ee Midowga Afrika oo lagu wado inay dhacdo bisha Febraayo ee sanadka 2025.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Muritania ahna guddoomiyaha Guddiga Fulinta Midowga Africa Dr Mohamed Salem Ould ayaa shirkan kusoo bandhigay warbixin dhameystiran oo guddigu soo saaray, taasoo looga hadlay diyaargarowga loogu jiro doorashadan muhiimka ah ee hogaanka sare ee Midowga Afrika.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo goor horeba si rasmi ah u shaacisay inay u sharaxan tahay hogaaminta Midowga Afrika ee sanadaha 2025 ilaa 2029 ayaa dhankeeda abaabul xoogan iyo diyaar garow ugu jirta doorashada Midowga Afrika oo dhici doonta bisha Febraayo ee sanadka 2025.

Danjire Warfaa, ayaa shirkan ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa, isagoo si gaar ah ugu nuux-nuux saday in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto hanashada hogaaminta Midowga Afrika, isla markaana qorshayaasheeda wax qabad uu kamid yahay in la dar-dar geliyo hawlaha loo igmaday Ururka Midowga Afrika iyo sidoo kale xal u helidda xasaradaha ka taagan qaar kamid ah wadamada Africa.

Sidoo kale waxa uu intaa ku daray in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay soo dhoweynayso warbixinta diyaar garowga doorashada ee guddigu soo bandhigay, isagoo tilmaamay muhiimada ay leedahay in haweenka Afrika fursad loo siiyo inay kamid noqdaan hogaamiyayaasha Ururka Midowga Afrika iyo ka qayb galka doorashada soo aadan.

Mudo xileedka hoggaanka sare ee Midowga Afrika ayaa ah afar sano, waxaana la rajaynayaa in doorashada soo wajahan ee Guddiga Golaha Midowga Afrika ay dhex mari doonto Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ay u kala sharaxan yihiin Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Raila Odinga.

Howlgal Qorshaysan oo lagu dilay Horjoogayaal sare oo katirsan khawaarijta

0

-Ciidanka Xoogga iyo Geesiyaasha reer Xararadheere ayaa xalay hawlgal gaar ah ku khaarajiyay horjoogayaal sar-sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo ku soo dhamaaday guul.

Howgalkan ayaa gudaha loogu deegaanno ay joogaan Khawaarijta, iyaga oo ku duulaya xogo Sirdoon oo si wayn ay isugu dubbaridideen, kaas oo ujeedku ahaa in ay talaabo ka qaadaan Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta Mudug iyo Galguduud oo ku lug lahaa weeraro horay uga dhacay Goballadaas.

Ciidanka ayaa galay waddo ay ku safrayeen Horjoogayaasha Bartilmaameedka ahaa kuwaas oo marayay deegaanka Dumaaye, iyagoo khaarajiyey Horjoogihii ay beegsanayeen kaas oo ahaa ku xigeenka madaxa Jabhadaha Khawaarijta ee Mudug iyo Galguduud.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Maxed Isaaq Aw-raage (Maracadde) ayay Ciidamadu ay u daba socdeen ficiladii uu horay u gaystay iyo kuwa hadda uu qorshaynayay, iyagoo isla goobtaas ku dilay horjooge kale oo Ajinabi ab oo la socday Maracadde iyo Shan-maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahaa, waxayna kasoo furteen Hubkii iyo Agab kale oo dagaal oo ay wateen.

Geesiyaasha fuliyay hawlgalkan qorshaysan ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay fariisinkooda oo ahaa degmada Xarardheere.

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 7-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Kismaayo iyo Warsheekh oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Kismaayo iyo Warsheekh ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Kismaayo
Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay dhigooda Warsheekh, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.
Warsheekh
Tartamayaasha Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal. Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen Warsheekh, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Warsheekh waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Hadaba kulankii 7-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 7-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Bardaale iyo Dharkeynley oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Banaadir.

Tartamayaasha Degmada Xamar weyne oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 6-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Buuhoodle iyo Xamar weyne oo ka kala tirsan Gobollada Togdheer iyo Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Buuhoodle iyo Xamar weyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Buuhoodle

Tartameyaasha Degmada Buuhoodle Garbahaareey ee Gobolka Togdheer waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Buuhoodle ay heleen waxay noqotay Lix (06) dhibcood.

Xamar weyne

Tartamayaasha Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal. waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Buuhoodle, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar weyne waxay noqotay Lix iyo Toban (16) dhibcood.

Hadaba kulankii 6-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 6-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Warsheekh iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Sawir Qaade:- Khadar Cali Nuur

Tartamayaasha Degmada Dhoobleey oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 5-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Gaalkacyo iyo Dhoobleey oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Jubbada Hoose, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Gaalkacyo iyo Dhoobleey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Intii lagu guda jiray qeybaha hore ee tartanka oo degmo waliba la weydiiyay min afar su’aal ayaa waxaa qodob ka mid ah sharciga tartanka jebiyay tartamayaasha degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, taasi oo ka dhalatay tabasho ay qabeen oo guddigu xaliyay balse ay ku kaceen fal ka baxsan sharuucda tartanka.u yaalo.

Guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ayaa go’aamiyay in tartamayaasha degmada Dhoobleey oo ka wada jawaabay su’aalihi la weydiiyay la siiyo dhibcaha tartanki caawa, isla markaana guddiga uu go’aan ka gaari doono talaabada qaldan ee ay qaadeen tartamayaasha Gaalkacyo.

Hadaba kulankii 5-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Sawir Qaade:- Khadar Cali Nuur

Tartamayaasha Degmada Kaxda oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 4-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Deyniile iyo Kaxda oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Deyniile iyo Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Deyniile
Tartameyaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Kaxda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Deyniile ay heleen waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Kaxda
Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal. waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamaayasha Deyniile, sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Hadaba kulankii 4-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 5-aad ee tartanka, waxaa jiri doono labo tartan, waxaana kulanka hore ku baratami doona degmooyinka Gaalkacyo iyo Dhoobley oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Jubbada Hoose, halka kulanka labaad ay ku tartami doonaan Buuhoodle iyo Xamar weyne oo ka kala tirsan Gobollada Togdheer iyo Banaadir.