Home Blog Page 266

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa ku guuleysatay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulanka kama dambeysta ah (Final) ku tartamay Degmooyinka Laascaanood iyo Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyoSool, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Laascaanood iyo Xamarweyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Laascaanood
Tartameyaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa la weydiiyey todobo su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afarsu’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Xamarweyne, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Laascaanood ay heleen waxay noqotay Sideedx (08) dhibcood.

Xamarweyne

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Laascaanood, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamarweyne waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Sida sharciga tartanka uu qabo marka labo degmo ay wadartooda dhibcaha noqdaan isku mid, waxaa lagu daraa su’aalo dheeri ah si loo kala saaro oo loo helo hal degmo oo ku guuleysata tartanka

Su’aalihi dheeriga ahaa ee lagu daray oo lagu bilaabay tartamaayasha Xamarweyne ee Gobalka Banaadirwaa ay iska qaldeen su’aashii la weydiiyay balse Laascaanood iyana kama aysan faa’ideysan , Balse tartamayaasha degmada Laascaanood waxa ay ka jawaabeen su\aashii 8-aad ee dhankooda la weydiiyay, sidaas ayayna caawa ugu guuleysatay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka markii ugu horeysay oo ay ka qeybgaleen.

Hadaba kulankii 32-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka oo ahayd kulanka kama dambeysta ah ee tartanka caawa waxaa ku guuleysatay tartamayaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Sanadkan waxaa kaalinta 1-aad galay tartameyaasha degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxaana kaalinta 2-aad ku guuleysatay tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, halka kaalinta 3-aad ee sanadkan ay ku guuleysteen tartameyaasha Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud..

Haya’adda Waddaniga ah ee Mahasin Foundation oo kaashanaysa xarunta Gargaarka Bani’aadantinimo ee King Salmaan,ayaa ku dhawaaqday in ay hirgelinayso Mashruucaha Sakaatul Fidriga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Sannadkan 1445-Hijriyadda/2024.

Haya’adda Waddaniga ah ee Mahasin Foundation oo kaashanaysa xarunta Gargaarka Bani’aadantinimo ee King Salmaan,ayaa ku dhawaaqday in ay hirgelinayso Mashruucaha Sakaatul Fidriga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Sannadkan 1445-Hijriyadda/2024.

Haya’adda Waddaniga ah ee Mahasin ayaa gaarsiin doonta dadka danyarta ah Raashin dhan 646 Ton,Mahasin ayaa gaarsiin doonta deegaanada Dowlad goboleedyada Koonfur-galbeed,Jubaland, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir.

Mashruucan ayaa ka mid aha Mashaariicda Gargaarka ee ay bixiso Haya’adda Gargaarka ee King Salmaan kaas oo ay ku taageerto Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda Haya’adda Waddaniga ah ee Mahasin ayaa uga mahadcelisay Haya’adda Gargaarka King Salmaan taageerada ay u fidisay shacabka Soomaaliyeed kuwooda nugul.

 

Tartamayaasha Degmada Ceeldheer oo caawa soo tiigsatay Kaalinta 3-aad ee tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa Kaalinta 3-aad ku tartamay Degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Xarardheere iyo Ceeldheer ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.


Xarardheere

Tartameyaasha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug waxaa la weydiiyey todobo su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afarsu’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xarardheere ay heleen waxay noqotay Lix (06) dhibcood.

Ceeldheer

Tartamayaasha Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Xarardheere, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Ceeldheer waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Hadaba kulankii 31-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa kaalinta 3-aad ee tatranka soo tiigsatay tartamayaasha Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 29-aad ee tartanka waxaa kulanka kama dambeysta ah [Final] ee tartanka ku baratami doona degmooyinka Xamarweyne iyo Laascaanood oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sool, iyadoo ciddii badisa ay ku guuleysan doonto tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeybgaleen 32 degmo oo ka kala tirsan Gobollada dalkeenna..

Sawir Qaade:- Muuse Cabdullaahi Cirro

Ciidanka Qaranka oo 11 Khawaarij ah ku dilay duleedka Balcad

0

-Ciidanka Qaranka ayaa saaka subaxdii hore fashiliyey weerar arbushaad ah oo kooxda Khawaarijtu isku dayeen in ay ku soo qaadaan degmada Balcad.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur( Furdug) oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa xaqiijiyey in afaafka hore ee magaalada lagu dilay 11 xubnood oo ahaa Khawaarijtii isku dayga weerar soo qaaday saaka.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa SONNA u xaqiijiyey in ay jiraan dhismeyaal Shacab oo khasaare soo gaaray.

Ciidanka Qaranka oo fashiliyey weerar Arbushad ah oo khawaarijtu ku soo qaadeen Balcad

0

Ciidamada Qaranka ayaa saakay fashiliyey dhagar ay Khawaarijtu u soo maleegtay shacabka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay isku dayeen inay magaalada soo geliyaan.

Ciidamada geesiyaasha ah ayaa ka hor tegay dhagartaas, waxaana meel cidlo ah ku qarxay gaarigii cadowgu damacsanaa inuu ku dhibaateeyo shacabka, kaas oo loo soo ekeysiiyey gaari rakaab ah.

Guryo ay lahaayeen dad shacab ah ayaa ku burburay qaraxaas la fashiliyey, mana jirto dhimasho ah oo soo gaartay shacabka, markii laga reebay dhaawacyo fudud oo soo gaaray saddex askari oo fashilisay dhagartaas.

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan afur ah u sameeyey xubno ka socday Goleyaasha Dowladda

0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa xalay xaflad afur ah u sameeyay xubno ka kala socday labada aqal ee Baarlamaanka JFS, Maamulka Gobalka Banaadir, Saraakiil ka kala socotay Ciidamada Booliiska, Nabad-sugida & Xooga Dalka, Bulshada Rayidka & Agaasimayaasha Saxaafada.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska ee Kumando Boliisiya ayaa daarnaa isku xidhka Bulshada & Hay’adaha Amaanka gaar ahaan Booliiska.

Sulub Ahmed Firin, Taliyaha Ciidanka Booliiska oo madasha hadal ka jeediyay ayaa sheegay in lagu guulaystay sugida amniga Caasimada inta lagu gudo jiray Bisha Barakaysan re Ramadaan, iminka loo diyaar garoobaya sugida Amniga Maalmaha Ciida,

Sidoo kale Taliyah Ciidanka Booliiska S.Guuto Sulub Axmed Firin ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay wadashaqaynta Booliiska & Saxaafada.

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudubtay kulanka kama dambeysta ah ee tartanka (Final) “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga afar dhamaadka (Semifinal)ku tartamay Degmooyinka Xarardheere iyo Laascaanood oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyoSool, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Xarardheere iyo Laascaanood ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Xarardheere

Tartameyaasha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug waxaa la weydiiyey todobo su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddexsu’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Laascaanood,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xarardheere ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Laascaanood

Tartamayaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Xarardheere, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Laascaanood waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 30-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 28-aad ee tartanka waxaa ku baratami doona degmooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Mudug oo ka wada tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sawir Qaade:- Muuse Cabdullaahi Cirro

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudubtay kulanka kama dambeysta ah ee tartanka (Final) “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga afar dhamaadka (Semifinal) ku tartamay Degmooyinka Ceeldheer iyo Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Ceeldheer iyo Xamarweyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Ceeldheer

Tartameyaasha Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud waxaa la weydiiyey todobo su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, ma jirin wax ka faa;iideysi ah oo ay heleen,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Ceeldheer ay heleen waxay noqotay Lix (06) dhibcood.

Xamarweyne

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamarweyne waxay noqotay Lix (06) dhibcood.

Sida sharciga tartanka uu qabo marka labo degmo ay wadartooda dhibcaha noqdaan isku mid, waxaa lagu daraa su’aalo dheeri ah si loo kala saaro oo loo helo hal degmo oo u gudubtay wareegga xiga ee tartanka.

Tartanka oo ahaa mid aad u adag isla markaana labada degmo ay muujiyeen aqoon ayaa waxaa lagu daray su’aalo dheeraad ah waxaana tartamayaasha degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud ay la timid 18 dhibcood, halka tartamayaasha degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ay keensatay 22 dhibcood guud ahaan tartankii caawa, waxaana kulanka kama dambeysta ah ee tartanka u gudubtay Xamarweyne,

Hadaba kulankii 29-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 27-aad ee tartanka waxaa ku baratami doona degmooyinka Laascaanood iyo Xarardheere oo ka kala tirsan Gobollada Sool iyo Mudug.

 

Sawir Qaade:-Muuse Cabdullaahi Cirrro 

Akhriso Isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka (Semi Final)

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ((Semi Final) ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, kaasi oo ay u soo gudbeen 4 degmo.

Tartamayaasha Degmada Xarardheere oo caawa u gudbay afar dhamaadka tartanka (Semifinal)

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Saddexaad kulankiisa 4-aad ku tartamay Degmooyinka Xarardheere iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Sanaag, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Xarardheere iyo Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Xarardheere

Tartameyaasha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug waxaa la weydiiyey todobo su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa;iideysi ah oo ay heleen,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xarardheere ay heleen waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Dhahar

Tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Shan su’aal, ma jirin wx ka faa’iideysi ah oo ay dhankooda heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhahar waxay noqotay Afar (04) dhibcood.

Hadaba kulankii 28-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 26-aad ee tartanka waxaa ku baratami doona degmooyinka Ceeldheer iyo Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Banaadir.