Home Blog Page 243

kulan ka dhacay dalka Qadar oo looga hadlay iskaashiga iyo wadashaqeynta labada Baarlamaan

0

Xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa kulan miradhal ah la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Qatar Marwo Xamda Bintu Xasan Al-Salaiti.

Kulanka Xildhibaan Maxamuud iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Qatar ayaa looga hadlay iskaashiga iyo wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Qatar, Qorshaha horumarinta dhaqaalaha dalka, sidoo kale Xildhibaanka ayaa Guddoonka Baarlamaanka Qatar la wadaagay dhambaal uu ka siday Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ahaa xoojinta xiriirka labada baarlamaan.

Khawaarijta oo qarax Miino ku laysay dad Shacab ah deegaanka Ceel-lahelay

-Haweeney iyo labo Carruur ah ayaa ku geeryooday Qarax Miino oo maleeshiyada Khawaarijta ah ay ku qariyeen guri ay ku noolaayeen oo ku yaalla nawaaxuga Deegaanka Ceel-lahelay oo shalay laga xoreeyay Khawaarijta.

Ciidanka Qaranka ayaa u gurmaday qooyskaas ay dhibaatadu ka soo gaartay iyagoo goobta kasoo qaaday labo ruux oo Shacab ah kuwaas oo ku dhaawacmay Miinada Khawaarijta Al-shabaab ay ku qariyeen guriga.
Gulufka dagaalka ee ka dhanka ah maleeshiyad Khawaarijta Al- shabaab oo ay ku jabeen muddadii u socday waxaan ay ciidamada xoogga dalka ay kala wareegeen goobo badan oo ay ku dhumaaleysan jireen dadka shacabka ahna ay ku waxyeeleen jireen.

Guddoomiyaha D/Kaxda “Madaxda Galmudug iyo Hirshabeelle waxay heystaan fursad weyn oo ah in Madaxwaynihii dalka uu furimaha dagaalka kula jiro”.

0

Guddoomiyaha Degmada Kaxda  ee Gobolka Banaadir oo ka qayb galayay Barnaamijka Raad-raac oo ka baxa Telefishinka Qaranka C/laahi Sheekh ayaa sheegay in Khawaarijta ay deegaannadda ay ku sugan yihiin ka xanibeen in dadka ay helan Caafimaadka,waxbarshada oo ay ugu horeyso dugsiyada lagu barto Qur’anka kariimka ah.

”Baabi’inta goobah dadka Soomaaliyeed ay dagan yihiin maah mid diin ku salaysan,nabigeena naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato  salalaahu calayhi wasalam waligees magaalo ma baabi’in xata jiif caaqilkeeda ma dilin,ka jooga ayuu dhihii jiray waan uga digi jiray dadka,waan la garanaya qofka wax dhisaha,

Hadii ay wax noo dhisayaan Khawaarijta Al-shabaab oo ay dad wanaagsan yihiin muddo 15-sanno ah deegaannaddii ay haysteen kama ay joojiyeen dugsiyada lagu barto Qur’anka,goobihii Caafiimaadka noloshii cadiga ahayd ee dadka ay ku noolayeen oo gaajo uma dileen dadka ku sugan goobah ay joogaan,Nabigeena Muxammed salalaahu calayhi wasalam diintiisi hadii ay wadaan waa ku dhaqmi lahaayeen waana diin nabad galyo diinta islaamku,Madaxda Galmudug iyo Hirshabeelle waxay heystaan fursad weyn oo ah in Madaxwaynihii dalka uu furimaha dagaalka kula jiro”.

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay Madaxweynihii Hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu adkeeyey doorka kaga aadan shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka.
Dhankiisa, Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.

Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay horumarinta maal gashiga dalka

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Shire oo uu wehliyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Mudane Muuse Maxamed Cusmaan ayaa maanta gelinkii hore la kulmay Wakiilka Hay’ada Qaramada Midoobey U qaabilsan Horumarinta Warshadaha (UNIDO), Mudane Ygor Scarcia.

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xariira horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta maalgashiga, taageero farsamo oo la siiyo maalgashadayaasha gudaha, abuuridda  jawi wanaagsan oo ay helaan maalgashatada ajaanibta ah iyo xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dhinac.

Agaasimaha Guud ayaa ugu danbeyntii UNIDO uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka gaadiidka XFS oo Sacuudiga kaga qayb galay shirka horumarinta iyo gaadiidka badaha

0

Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda JFS Amb. Cabdullaahi Axmed Jaamac ayaa maanta Magaalada Jeddah ee Dalka Sucuudiga uga qayb galay shirka horumarinta iyo adkaynta arrimaha gaadiidka badaha, Dekadaha iyo isbeddalka Cimillada kadib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Wasiirka Wasaarada Dekadaha ee Dalka Sucuudiga.

Shirka oo socon doona maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in uu Wasiirku qudbad ka jeediyo.

Hay’adda UNHCR oo sheegtay in dad gaaraya 1.8 milyan oo horleh ay ka Barakici doonaan Suudaan dhamaadka sanadkan

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa bayaan ay soo saartay galinkii danbe ee shalay ku sheegtay in dad ka badan 1.8 milyan oo qof ay ka qaxi doonaan Suudaan, dhamaadka Sanadkan, kuwaa oo la maleynaya inaay u kala firxan karaan ilaa shan wadan oo deris la ah dalkaasi.

UNHCR, ayaa codsatay in la uruuriyo hal bilyan oo doollar si loogu caawiyo dadka qaxay ee laga soo sheegaya xaalado noolal xumo oo kala duwan.

Sidokale, Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa sheegay in kumanaan qof ay soo gaareen xarumaha lagu qaabilo dadka  soo barakacay ee Koonfurta Suudaan, iyagoo intaa ku daray in qaar badan oo ka mid ah dadkaasi ay xanuuna kala duwan la dalaa dhacayaan.

Afhayeen u hadlay Hay’adda UNHCR, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, inay muhiim tahay in la ururiyo hal bilyan oo doolar si gargaar deg-deg loogu sameeyo qaxootiga dheeraadka ah ee la filaya in xeryaha barakacayaysha ay soo gaaraan ilaa dhamaadka bisha December ee soo socota.

 

Ciidamada Xoogga iyo Daraawiishta Galmudug oo howlgallo Qorsheysan ka fuliyay koonfurta mudug

0

Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ayaa saaka howlgallo Qorshaysan ka fuliyay dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya Degaanada Qeycad iyo shabeeloow ee koonfurta Gobolka mudug.

Dhulkan miyiga ah ayaa ahaa meelo ay khawaarijtu ku dhuumaalaysanyeen ayana ku dhibaatayn jireen Shacabka Soomaaliyeed ee halkaasi degan.

Gaashaanle Cabdiraxmaan Nuur Sahal sheekeeye iyo Abaanduulaha Guutada 27 ee Abu-dujaana ee Ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Cabdulaahi Xuseen, ayaa howlgalka dib la hadlay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka, isagoo sheegay in maalmaha soo socda ay dardar galin doonaan howlgalada lagu ciribtiraya Khawaarijta.

 

Ruushka oo sheegay inay soo rideen diyaaradaha aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Ukraine

Wasaaradda Difaaca Ruushka, ayaa subaxnimadii hore ee Saakay ku dhawaaqday inay soo rideen diyaaradaha aan duuliye lahayn oo ay leedahay Ukraine, kuwaasi oo uu hadafkooda ahaa inay duqeymo ka geystaan magaalada Moscow.

Sarakiisha Difaaca Cirka ee Ruushka, ayaa sheegay inay burburiyeen tiro kamid ah diyaaradaha aan duuliye lahayn oo ay Ukraine damacsaneed inay duqeymo kaga geystaan Moscow subaxnimadii hore ee Saakay.

Wakaaladaha wararka Ruushka ayaa sheegtay in laga sii war hayay weerarkan sidaana  inta badan duulimaadyadii Diyaaradaha afarta Garoon ee caasimada loo weeciyay waqti ka duwan kii kolkii hore loo asteeyay.

 

Hoggaamiyaasha Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi oo kulan Xasaasi ah yeelanaya

Sida uu sheegay Mareykanka, Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa yeelanaya kulan ay kaga wadahadlayaan sidii Moscow ay u heli laheed hub ka caawiya dagaalka Ukraine.

Hadalka ayaa yimid kadib markii Aqalka Cad uu toddobaadkii tegay ka digay in Ruushka uu wada-hadallo sir ah kula jiro Kuuriiyada Waqooyi si uu u helo hub.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa toddobaadkii tegay sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay gantaallo siisay Ruushka sanadkii tagay ee 2022, kuwaas oo ay isticmaaleen kooxda gaarka loo maamulo ee Wagner, balse hadalkaasi Kuuriyada Waqooyi way beenisay.

Hadalkan ayaa soo baxay ka dib markii wasiirka difaaca Ruushka Sergei Shoigu uu bishii tegtay u safray Kuuriyada Waqooyi, isaga oo sida la sheegay hub dheeri ah u raadinaya dagaalka ay kula jiraan Ukraine, sida uu sheegay Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka.