Home Blog Page 218

Wasiir Biixi oo Ethiopia uga qaybgalay shirka Madasha Iskaashiga Geeska Afrika

0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia uga qeyb galay shirka 𝟐𝟑-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa initiative) oo ay marti galinayso Dowladda Ethiopia oo ah hoggaanka hada ee Madashada.

Madashan oo 3 Biloodle ah ayaa diiradda lagu saaray Shantii Sano ee la soo dhaafay wixii u qabsoomay dalalka ku mideysan Madashani iyo qorshaha Mustaqbal ka la hiigsanayo oo u badan maalgalinta mashaariic horumarineed oo ay helayaan dalalka geeska Afrika.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad kooban ka jeediyay kulanka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in diiradda la saaro sare u qaadidda mashaariicda maalgalineed ee ay helaan dalalka gobolka, si gaara ah Soomaaliya ayuu ku sheegay in ay mudnaan gaar ah siinayso maalgalinta ilaha dhaqaalaha dalka, Mudane Wasiir Biii ayaa waxa kale uu uu sheegay in loo baahan yahay xoojinta iskaashiga ganacsi ee geeska Afrika.

Shirkan ayaa intiii uu socday waxaa kale oo la isku raacay in 𝐄𝐭𝐡𝐢𝐨𝐩𝐢𝐚 oo ah hoggaanka 2-dii sano ee la soo dhaafay ay 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 ku wareejiso hoggaanka Dalalka Iskaashiga, iyada oo uu xilka gudoomiyaha si rasmi ah ula wareegidoono Wasiirka Maaliyadda XFS, bisha April 2025 oo shirkaan kiisa xiga ee 24-aad lagu qaban doono Magaalada Washington ee dalka Mareykan.

 

Soomaaliya iyo UNDP oo ka wadahadlay istiraatiijiyadaha qaran ee horumarka hey’adaha dowladda

0

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa maanta oo talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Kaaliyaha Maarreeyaha UNDP, ahna Agaasime goboleedka UNDP ee wadamada Carabta, Dr. Abdallah Al Dardari, isaga oo kala hadlay sare-u-qaadidda ka wadashaqaynta barnaamijyada horumarinta iyo taabagelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray horumarinta hindiseyaasha horumarineed ee ay hormuudka ka tahay Soomaaliya, is-dhexgalka gobolka, tayeynta hay’adaha dowliga, dejinta qorshe lagu horumarinayo caasimadda Muqdisho si ay u yeelato waddooyin ballaaran oo hab casri ah u dhisan, istiraatiijiyadaha ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), xoojinta ka faaidaysiga dalka ee dhaqaalaha baluugga, si gaar ah kaluumaysiga.

Fadhigani, ayaa sidoo kale la iskula soo hadal-qaaday naqshadaynta kaalinta qurbajoogta ay ku leeyihiin kobaca iyo horumarka iyo taageeridda doorashooyinka dowladaha hoose ee la qorsheeyay in ay qabsoomaan inta lagu guda-jiro sanadkan 2025.

Labada dhinac ayaa waxa ay muujiyeen muhiimadda ay leedahay ka gudbidda Soomaaliya gargaarka bini’aadantinimo, una gudubto heer horumar waara, si looga dhabeeyo ka guul-keenidda barwaaqo-sooran muddo fog jira.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda oo ay ka mid yihiin, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir), Agaasimaha Waaxda Hab-maamuuska ee Wasaaradda, Mudane Xuseen Sheekh Cabdisalaan, Agaasimaha Waaxda Ururrada Caalamiga ee Wasaaradda, Mudane Xasan Maxamed Cali, Agaasimaha Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda, Mudane Cali Cabdi Cali Xooshow, iyo Agaasimaha Waaxda Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda, Mudane Ibraahim Guure Maxamed.

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiiska ku qaabilay, wafdi uu hogaaminayay Sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee (UNSOM) Mr. James Swan.

Kulankan oo ka dhacay aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa diirada lagu saaray arrimaha dhowr ah oo ay kamid yihiin, Xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, Dardargalinta mashaariicda horumarineed ee Caasimadda, Taageerada Amniga, Arrimaha doorashooyinka oo Muqdisho iyo dadkeeda ay u diyaar garoowayaan dhawaan iyo Shaqada abuurka dhallinyarada.

Sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee (UNSOM) Mr. James Swan ayaa bogaadiyay howlaha hortabinta u leh Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir iyo sida ay uga go’an tahay sidii Magaalada ay usoo ceshan laheyd bilicdii iyo heybadii ay laheyd, isagoo intaa kadib balan qaaday in QM ay garab taagan tahay barnaamijyada lagu hourmarinaayo Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ugu mahadceliyay Qaramada Midoowe kaalintooda ku aadan garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale taageerada ay had iyo jeer uga qeyb qaataan mashaariicda horumarineed ee Caasimadda JFS.

Hawlgal khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta oo xalay ka dhacay Ceelbuur

0

Howlgal khasaare lexaad leh lagu gaarsiiyey maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ayaa fiidnimadii xalay aheyd ka dhacay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, iyadoo hawlgalkaas si gaar ah loola bartilmaameedsaday guri uu degmadaas ka deganaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Xisbada oo lagu magacaabo Yaxye Laba Madax.

Hawlgalkaan oo ay fuliyeen dadka deegaanka ayaa si gaar ah uga dhacay guriga horjoogahan oo ku dhegan saldhigga degmada Ceelbuur, waxaana maleeshiyaadka Khawaarijta lagu gaarsiiyey khasaare aad u xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana markaasi kadib ay Khawaarijtu qaadeen tallaabooyin ay ku khaarijiyeen maleeshiyaad kale oo ayaga ka tirsan, kuwaasi oo ay ku tuhmayaan iney falkan ku lug lahaayeen.

Maanta waxaa degmada Ceelbuur ka taagan xiisad u dhaxeysa horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah oo iyagu degmadaasi ku wada sugan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in horjooge Yaxye Laba Madax uu dhaawac halis ah soo gaaray.

Xoogga dalka oo howlgallo ka dhan khawaarijta ka wada Shabeellaha Dhexe

0

Ciidaanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo culus ka wado deegaanno dhaca Jiinka wabiga Shabeelle Gobalka Shabellada Dhexe.

Howlgalladan yaa khawaarijta looga sifeynayaa deegaannada dhaca Jiinka wabiga Shabeelle, iyadoo ciidanka XDS ay khawaarijta ka kasaareen deegaanno ay kamid yihiin Kiliga Maxamed Diirshe, Raas Qaboobe, Jameeco, Shanloow, dhagaxoow, Yaaqle,Damileey iyo deegaanno kale oo dhaca Jiinka wabiga Shabelle ee gobalka Shabellada Dhexe.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalka ay qeyb kayihiin ciidamadda ddeegaanka, iyagoona tilmaameen in Argagixisada jab culus lagu gaarsiiyay howlgalka, islamarkaana looga dilay Maleeshiyaad badan, sidoo kale gacanta lagu dhigay dhagarqabayaal kale.

Ciidanka ayaa wali baacsanayo firxadka maleeshiyaadka khawaarijta, ayagoo ugu galay godadkii ay gabaadka ka dhiganayeen.

Mareykanka iyo Ruushka oo ka wadahadlaya xalka dagaalka Ukraine

0

Mas’uuliyiin sarsare oo Maraykan iyo Ruush ah, ayaa lagu wadaa inay maanta oo talado ah ku kulmaan magaalada Riyadh si ay u wada qaataan wadahadalo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio, la taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad Mike Waltz iyo ergeyga bariga dhexe Steve Witkoff ayaa magaalada Riyadh kula kulmi doona wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov iyo Yuri Ushakov oo ah la taliyaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Putin, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan labada dhinac.

Waa kulankii ugu muhiimsanaa ee dhexmara labada dhinac tan iyo markii Ruushka uu gudaha u galay Ukraine sanadkii 2022,waxaana kulankaan uu imaanayaa, ka dib markii Donald Trump iyo Vladimir Putin ay ku heshiiyeen inay bilaabaan wada xaajoodyo lagu soo afjarayo dagaalka.

Wadahadalka ayaa gogol xaar u noqon kara shir madaxeedka Donald Trump iyo Vladimir Putin,iyadoo dhanka Ruushka ay sheegeen in wadaxaajoodka maanta diirada lagu saari doono sidii loo soo celin lahaa xiriirka Mareykanka iyo Ruushka.

Madaxda Ukraine laguma martiqaadin shirka maanta,waxaana Volodymyr Zelensky uu diiday wadahadalka, isagoo sheegay inaysan aqoonsan doonin heshiis kasta oo nabadeed .

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka 2-aad oo ka qeybgalay daah furka bandhigga Hindisaha Waxbarashada ee Isbeddelka Cimillada

0

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb-galay bandhigga Hindisaha Waxbarashada ee Isbeddelka Cimillada oo laga daah-furay magaaladda Muqdisho.

Mudane Cabdisalaam, ayaa tilmaamay in dowladdu muhiimad gaar ah siinayso waxbarashada gaar ahaan dhanka saameynta isbeddelka cimillada, iyada oo la qorsheeyay in sanadaha soo socda dalkeennu uu wax weyn ka qaban-doono dhibaatooyinka ay sababi karaan isbeddelka cimillada iyo xalkii lagu yareyn lahaa wax-walba oo halis keeni kara.

“Markii la dhisay Xukuumadda DanQaran Waxaa la sameeyay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, iyada oo maantana aynu joogno Wasaaraddii waxbarashada oo soo kordhisay in ardayda Soomaaliyeed heerarkooda kala duwan la baro isbeddelka cimillada, waxaa aynu aqoonsannahay baahida degdegga ah ee loo qabo adkeysiga arrimaha isbeddelka cimillada dalkeenna, waxaan xaqiijiyanayaa in Xukuumaddu diyaarisay Shuruucdii lagu hagi lahaa barista ardayda saameynta isbeddelka cimillada”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku Xigeenku.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo ka qeybgalay wadahadallada ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka

0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Geneva kaga qeybgalay wadahadallada ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Wadahadalladan, oo Soomaaliya muddo sugaysay, ayaa muhiim u ah dadaallada dalka ee lagu horumarinayo iskaashiga ganacsi iyo kobcinta dhaqaalaha.

Ku biirista WTO waxa ay Soomaaliya u sahlaysaa helitaanka suuqyo ganacsi oo caalami ah, xoojinta maalgashiga shisheeye, iyo fududeynta ganacsiga caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa horey uga mid noqotay ururrada gobolka sida East African Community (EAC) iyo Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA), kuwaas oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka.

Sidoo kale, sanadkan 2025, Soomaaliya waxay xubin rasmi ah ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo muujinaysa doorka firfircoon ee dowladda Soomaaliya ay ka ciyaarayso arrimaha caalamiga ah.

𝐀gaasimaha Hay’adda Socdaalka oo kulan la qaatay ku xigeenka Xafiiska Taageerada QM ee Soomaaliya

0

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐉𝐢𝐧𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 Mustafa Duhulow 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐮𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐇𝐨𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐚𝐠𝐞𝐞𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 (𝐔𝐧𝐢𝐭𝐞𝐝 𝐍𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐬 𝐒𝐮𝐩𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐎𝐟𝐟𝐢𝐜𝐞 𝐢𝐧 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 – 𝐔𝐍𝐒𝐎𝐒), 𝐌𝐚𝐫𝐰𝐨 𝐐𝐮𝐫𝐚𝐭 𝐀𝐥 𝐀𝐢𝐧𝐢.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo UNSOS, gaar ahaan taageerada farsamo iyo tan maamul oo ay Qaramada Midoobay siiso Hay’adda.

Agaasimaha Guud ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay Xafiiska Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan dib u dhiska Soomaaliya, wuxuuna la wadaagay qorshaha horumarinta HSJ ee dhinacyada xuduudaha iyo socdaalka, iyo sare u qaadista sumcadda Baasaboorka Soomaaliga.

Marwo Qurat Al Aini ayaa dhankeeda bogaadisay dadaalka ay HSJ ku bixinayso horumarinta adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda, waxayna xustay in UNSOS ay ka go’an tahay inay sii wado taageerada ay siiso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha, sare u qaadista xirfadaha shaqaalaha, iyo casriyeynta nidaamyada socdaalka.

 

 

 

 

MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO LA DARDAARMAY CIIDANKA DARAAWIISHTA EE U RUQAANSADAY KHAWAARIJTA

0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle Gaashaanle Sare Xasan Dhicisoow Xasan ayaa si adag ula dardaarmay Ciidanka Daraawiishta Hirshabeelle gaar ahaan dufcada 5-aad ee dhawaan tababarka u soo dhammaaday.

Saraakiisha iyo Ciidanka ayaa wacad ku maray inay ka rumeyn doonaan dardaaranka Madaxweynaha ee ah in lasoo af-jaro Khawaarijta.

Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabeelle ayaa tilmaamay in la joogo xilliga ay awooddooda soo bandhigi lahaayeen Ciidamada Daraawiishta Hirshabeelle.

“Maanta wax walba waa idiin dhammeystiran yihiin waxaan ku kalsoonahay inaad ciqaabi doontaan Khawaarijta.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay saraakiishii gacanta ku heysay muddadii tababarka iyo qalabeynta dufcada 5-aad ee Daraawiishta Hirshabeelle.