Home Blog Page 215

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐭𝐚𝐡𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐭𝐚𝐠𝐞𝐞𝐫𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐨𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐦𝐚𝐭𝐚𝐚𝐧𝐨 𝐚𝐡

0

Wasir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa booqatay hooyo ku dhashay afar mataano ah (gabdho) qeybta VIP ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir iyada oo halkaas uga muujisay tahniyad iyo taageero.

Booqashadan ayaa qayb ka ahayd kormeer shaqo oo Wasiiru Dowluhu ku sameysay Isbitaalka Banaadir halkaas oo ay horey ula kulantay hooyada inta lagu guda jiray xilliga uurka, waxayna ballanqaadday in ay dib u soo booqan doonto marka ay umusho – taasoo maanta rumoowday.

Dr. Maryama ayaa sidoo kale uga mahadcelisay maamulka iyo dhammaan howl-wadeenada caafimaadka ee Isbitaalka Banaadir ka howlgala dadaalka ay ugu jiraan badbaadinta hooyooyinka iyo dhallaanka Soomaaliyeed Wasiir dowlaha ayaa si gaar ah ugu bogaadisay hawlkarnimada iyo xilkasnimada ay ku shaqeeyaan taasoo muhiim u ah horumarinta adeegyada daryeelka caafimaadka ee dalka.

Beesha caalamka oo soo dhaweeysay gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda

0

Warsaxaafadeed ka soo baxay saaxiibada beesha caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay gogosha Qaran ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu u fidiyay siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha bulshada si aragtidooda iyo dadaalkooda uu qeyb ugu noqdo dagaalka khawaarijta iyo dhismaha dowladnimmo casri ah oo ku dhisan demoqraadiyad iyo nidaam Federaal ah.

Warsaxaafadeed ka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta kuwaas oo Argagixisada lagu naafeeyay, islamarkaana looga khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad halis ku ahaa dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku bogaadinaynaa ragga iyo haweenka adkeysiga leh ee ka tirsan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) dadaalka ay ugu jiraan ka-hortagga is-ballaarinta Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, Waxaa naga go’an in aan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ku garab-istaagno halganka ay ugu jiraan dhismaha qaran nabdoon, demoqoraadi ah isla-markaana barwaaqo ah” ayaa lagu yiri qoraal Beesha caalamka.

Aqoonsiga Qaranka oo lagu xirayo adeegga ay hay’adaha dowladdu bixiyaan

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dhaqangelinta adeegsiga Aqoonsiga Qaranka iyo isku-xirka Aqoonsiga iyo adeegyada muhiimka ah ee ay isticmaalaan dadweynaha, taas oo meesha ka saareysa in ka badan 34 sano oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ahaayeen aqoonsi la’aan.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in adeegsiga dhijitaalku yahay fursad horumarineed oo saldhig u ah dhammaan qorsheyaasha kala ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo in Soomaaliya ay noqoto tusaalaha horumar ee gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in la sameeyey dhammaan shuruucdii iyo hageyaashii kale ee saldhigga u ahaa ilaalinta xogta muwaadiniinta, Xukuumadduna ay ballanqaadeyso in dadweynaha la diiwaangeliyo oo aqoonsi la siiyo, isaga oo faray Hey’adaha heerarka kala duwan ee Dowladda JFS iyo Hey’adaha aan dowliga ahayn ee bixiya adeegyada uu aqoonsiga muhiimka u yahay in ay bixinta adeegyada ku xiraan Aqoonsiga Qaranka.

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay ku simaha safiirka Shiinaha

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-simaha Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Chen Wendi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Shiinaha siiyo dalkeena, gaar ahaan dhinacyada bani’aadannimada.

Guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood oo faahfaahinta ka bixiyay howlgalkii ka dhacay degmadaas

0

Guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe Macallin Muxudiin Kulmiye ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal qorsheysan oo saakay ka dhacay degmada dhuunnirgood. halkaas oo khawaarijta lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

Macallin Muxudiin Kulmiye oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan khawaarijta jab xooggan lagu gaarsiiya gacanta looga dhigay xaruntii ay ku sugnayeen,ciidanka ayuu sheegay in wali ay wadaan howlagallo lagu xaqiijinayo amniga degmada.

Guddoomiye Macallin Muxudiin Kulmiye ayaa inta hadalkiisa ku daray in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan laguna burburiyay fariisimihii cadawga,.haddana ay guuda ahaan amniga degamada ay gacanta ku hayaa ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Howgallo ka dhan ah Khawaarijta ayaa guud ahaan ka socda meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan, iyagoo laga dilay Maleeshiyaad iyo horjoogayaal halis ku ahaa dadka Soomaaliyeed, waxaana guud ahaan socda abaabul lagu soo afjari doono kooxaha Khawaarijta ah.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐫 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐊𝐮 𝐓𝐚𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐚𝐫 𝐤𝐚𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝.

0

Dr. Maryama Mohamed Hussein, Wasir dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, ayaa kormeer shaqo ku tagtay qaar ka mid ah isbitaalada danta guud ee magaalada Muqdisho. Kormeerkan ayay ujeedadiisu ahayd mid ay si dhow ugu ogaanaysay xaaladaha caafimaad ee bukaanada iyo adeegyada kala duwan ee lagu bixiyo xarumahan haar ahaan Isbitaalada Banaadir, Madiina, DeMartino iyo Erdugan EX Digfeer.

Intii ay ku guda jirtay kormeerka ayay Dr. Maryam waxay la kulantay bukaanada ayadoona xog wareestay si ay u ogaato xaaladahooda caafimaad iyo adeegyada ay helayaan bukaanada ayaa uhelay fursad ay ku gudbin karaan hadii ay jiraan dhibaatooyin ay la kulmaan iyo talooyinkooda si loo hagaajiyo adeegyada.

Sidoo kale wasiir dowlaha ayaa warbixino ka dhageysatay maamulada isbitaalada waxayna la wadaageen habsami u socodka shaqo iyo caqabadaha jira ugu danbayn maamulada isbitaaladda ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo adeegyada caafimaad ee loo fidiyo bulshada.

Wasir dowlaha ayaa ugu danbayn ku amaantay howl-wadeenada caafimaadka, iyadoo xustay sida ay u dadaalayaan si ay u daryeelaan caafimaadka shacabka. Dr. Maryam waxay sidoo kale ku dhiiragelisay in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyadoo sheegtay in shaqada ay qabtaan ay tahay mid aad u muhiim ah oo saameyn weyn ku leh nolosha dadka ayadoona u xaqiijisay in Wasaaradda ay ka go’an tahay in ay taageerto shaqaalaha caafimaadka iyo in la xoojiyo adeegyada caafimaad si loo gaaro natiijooyin wax ku ool leh.

Howlgallo qorsheysan oo ka socda degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe

0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay gudaha degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada, oo kaashanaya kuwa deegaanka, ayaa saaka aroortii hore bilaabay howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta, kuwaas oo hadda firxadkooda la dabajoogo.

Faahfaahin dheeraad ah kala soco goordhow warbaahinta Qaranka.

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulanka 150-aad ee Baarlamaanka Adduunka

0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo sidoo kale xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa Magaaladda Tashkent wadanka Uzbekistan uga qeyb galay furitaanka kalfadhiga 150-aad Ee Shirka Baarlamaanka Aduunka IPU.

Shirka sanadkan ayaa looga doodi doonaa mowduuca guud ee ah Tallaabada Baarlamaanka ee Horumarinta Bulshada iyo Caddaaladda, iyada oo inta kulanka uu socdo ay jiri doonto madal ay ka qeyb galayaashu kaga doodi doonaan arrimahaas, sidoo kale shirka inta uu socdo madaxda ka qeyb galeysa waxa ay is-weydaarsan doonaan aragtiyadooda ku aadan mowduuca shirka iyaga oo talooyinkooda ku biirin doona.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadli doono xaaladda guud ee wadanka iyo guulaha ay dowlada ka gaartay la Dagaalanka argagaxisada sidoo kale iyo arimaha Aminga caddaaladda iyo hormarka bulshadda.

R𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐧𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐡𝐨𝐫𝐞

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur,

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Wasaaradda Gaashaandhiggu ay laf-dhabar u tahay difaaca Qaranka, amniga iyo horumarinta siyaasadda Qaran ee dib-u habeynta iyo tayeynta ciidanka Qaranka ee habeen iyo dharaarba u dhimanaya difaaca dalka iyo diinta, si loo ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah, loona baahanyahay in la dhamaystiro Qorshaha Xukuumadda ee Soomaaliya nabad ah.

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan leh oo ay kamid yihiin qaadista cunaqabateyntii hubka oo muddo dheer kaddib dalkeenna laga qaaday, diyaarintii ciidamadii kala duwanaa ee ka qeyb-qaatay amniga caasimadda, iyo diyaarinta qorshaha casriyeynta hannaanka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu sameeyay dib-u-habeyn xooggan, sidaas awgeed Wasiirka cusub waxaa laga doonayaa in uu horumariyo siyaasadda Qaran ee difaaca iyo dib-u xoreynta dalka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa Wasiir Cabdiqaadir, ku ammaanay dedaalkii badnaa ee uu galiyey sidii loo heli laxaa ciidan Qaran oo awood u leh in ay dalkeenna ka difaacan cadowga, una diyaarsan ciribtirka Khawaarijta, waxaa uuna Wasiirka cusub kula dardaarmay in uu dardargaliyo dib u habeynta ciidamada iyo wada-shaqaynta hey’addaha amniga si looga guuleysto kooxaha argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee Gaashaandhigga iyo wasiirkii hore ee Wasaaradaas

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo xilka u kala wareeyayay wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo wasiirkii hore ee Wasaaradaas ayaa sheegay Wasaaradda gaashandhiga in ay tahay halka ay taalo madax-banaanida iyo gobonnimada Soomaaliya.

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waa halka ay taalo madax-banaanida iyo gobonnimada Soomaaliya.”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo maanta xilka wareejiyay ayaa ka warbixiyay waxqabadkiisii mudada uu joogay wasaaradda. Isaga oo sheegay in ay waxbadan u qabsoomeen inta uu Xafiiska joogay.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS. Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaaa ballan qaaday in uu si dhow ula shaqeyn doono Taliska Xoogga Dalka iyo cid kasta oo naga caawisa la dagaallanka Khawaarijta.

“Waxaan ballan qaadayaa in aan si dhow ula shaqeyn doono Taliska Xoogga Dalka iyo cid kasta oo naga caawisa la dagaallanka Khawaarijta.” Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jibriil Cabdirashiid Xaaji.