Home Blog Page 1689

Wafdi uu hogaaminayo Agasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo gaaray Dalka Norway

0

Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Hay’adda Socsdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya Kornayl Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa gaaray dalka Norway halkasi oo ay kulamo kula la qateen madaxda dalkaasi u qaabilsan Socdaalka, sido kalena waxa ay booqdeen xarumaha laga maamulo socdaalka iyo kuwa laga bixiyo kaararka aqoonsiga iyo Baasaboorka.

Agaasimaha ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay ee Norway waxa ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca socdaalka, isdhaafsiga waaya-aragnimada (Khibradaha) iyo  aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliya.

Dhinaca kale Wifdiga ayaa booqdey Xarunta Kaarka aqoonsiga Qaranka Norway oo ah xarun hubisa saxnimada dukumentiyada, isla markaana dhowaan khubaro u soo diri doona dalka Soomaaliya, sidoo kale wifdiga ayaa booqdey xarumaha laga maamulo socdaalka Norway, iyaga soo arkay hababka iyo qalabka casriga ah ee loo adeegsado socdaalka iyo dukumentiyada.

Wifdiga ayaa sidoo kale la kulmey khubaro dhinaca hubinta dukumentiyada Socdaalada ah, iyadoo wafdigu uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Hay’adda Socsdaalka iyo Jinsiyadda ay maalmaha soo socda ku sugnan doona Dalka Norwey.

Booqashada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee uu ku tegay dalka Norway ayaa qeyb ka ah dadaallada loogu jiro aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliya iyo horumarinta howlaha hay’adda ay u heyso bulshada Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya oo daah-furey Ollaha bilicda dalka.

0

Nadaafadu waa waajib diini ah oo nooga wada baahan inaan ka wada shaqeyno

Muqdisho, 25-May-17….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah u daah furay Ollolaha nadaafadda ee bilicda dalka oo maanta ka bilowday magaalada Muqdisho, kaasoo lagu aruurinayo qashinka yaala goobaha aan loogu tala galin iyo wadooyinka magaaalda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shaqaalaha xafiiskiisa kala qayb qaatey qashin aruurinta waxuuna ku soo wareegay dhaamaan xafiisyda iyo meelaha ay yalaaan qashinka,waxuu kaloo soo eegay afaafka hore ee madaxtooyada oo laga wadey Ollaha nadaafada. Waxuuna ku dhiiri galiyey shaqaalaha xifiiskiisa inay ilaaliyaan nadaafada dalka iyo bilicda wadanka si loo helo deegaan nadiif ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegey in ollolahan uu noqon doono mid qaran bil walba Khaamiista ugu dambeysa laga samaynayo dhamaan gobollada dalka, waxuuna raaciyey in loo baahan yahey bulshada Soomaaliyeed in ay is abaabulaan una diyaar garoobaan sii ay iskood wax u qabsan lahaayeen.

“Caasimadda Muqdisho waa muraayada dalka, sidaas daraadeed mashruucan olalaha nadaafadda ee bilicda dalka, waxuu soo celinayaa bilicdii ay caasimadu laheyd. Horumarka uu dalku ku tallaabsanayo maalin walba waxey keentay in dadkeenu ku dhiiradaan sidii ay iskood dalkooda wax ugu qaban lahaayeen, shirkadaha maxaliga ah ee ka shaqeeya nadaafadda waxaa fursad loo siiyey in kaalintooda ay qaataan. Nadaafadu waa waajib diini ah oo nooga wada baahan inaan ka wada shaqeyno.”

Dhamaan xarumaha dowlada iyo degmooyinka Muqdisho ayaa laga sameynayaa Ollolah nadaafadeed, iyadoo ay Xukuumadda iyo Maamulka gobolka Banaadir hormuud u yihiin isu soo baxan lagu nafiifinayo bilicda Caasimadd.

DHAMAAD

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo heshiisyo waa weyn Doha ku gaaray

0

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, ayaa ku heshiiyey in Soomaaliya laga teegeero sidii loo furi lahaa dib u heshiisiin Qaran iyo horu wadidda xiriirka labada dal.

Magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, waxaa ku sugan wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  madaxweynaha ayaa la kulmay Amiirka dalkaasi Qatar iyo madaxda kale ee waddankaas, waxa ay wada gaareen heshiisyo dhowr ah

Wasiirrada Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Qatar ayaa shir jaraa’id ku qabtay Doha, iyagoo faah-faahiyey heshiisyada waxa ay ku aaddan yihiin.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ayaa sheegay in  labada dowladood ay ku heshiiyeen sidii loo taageeri lahaa aragtida ay waddo dowladda cusub ee madaxweynaha Farmaajo uu ku hoggaaminayo in dowladda Qatar ay Soomaaliya ka taageerto dhinacyada amniga iyo dib u heshiisiinta Qaran ee ay dhowaan bilaabi doonto dowladda.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu  gaarsiiyey dalka Qatar  Amiirka dalkaasi dhambaal mahadcelin ah oo la xiriira sida shacabka Soomaaliyeed ugu qanacsan yihiin  isla markaana ay mahad uga hayaan taageerada ay ka helaan walaalahood reer Qatar.

Hehisiiyo kale ayaa lagu gaaray magaalada Doha, kuwaas oo ay dhowaan si rasmi ah uga hadli doonaan madaxweynaha iyo masuuliyiinta dalka Qatar.

Dowladda Qatar ayaa soo dhoweysay madaxweynaha  iyo wefdigiisa, sheegtayna in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga jawaabi doonaan, arrimo ay ka yihiin gargaarka bini’aadannimo, kaalmooyinka tooska ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed loo fidinayo iyo iskaashiga diblomaasiyaddeed ee labada dal.

 

 

 

 

Wasaaradda Isgaarsiinta oo soo bandhigtay sahan lagu sameeyay baraha internet-ka ee wasaaradaha

0
(Muqdisho – 25 Maajo 2017) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa soo bandhigtay sahan ay ku sameysay baraha internetka (websites) ee wasaaradaha federaalka ah, si loo eego kaalinta ay ka cayaari karaan in dadweynuhu helaan warbixinnada iyo adeegyada dawladda, si loo abuuro dhaqanka isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta.

Ujeeddada sahankan oo la sameeyay horraantii bishan ayaa ah sidii sawir guud looga heli lahaa xaaladda baraha internet-ka wasaaradaha dawladda, taasoo hordhac u ah qorshe ay Wasaaraddu ku dooneyso in lagu horumariyo barahaha hay’adaha dawladda, iyadoo laga caawinayo dhinacyada farsamada iyo diyaarinta xogaha.

Sahankan ayaa lagu eegayay 3 dhinac oo kala ah: 1) In wasaaraddu leedahay cinwaan (domain) leh astaanta qaranka (.gov.so); 2) In cinwaanka uu shaqeynayo oo ay saaran tahay naqshad; iyo 3) Inay ku idil yihiin afafka rasmiga ah ee dalka, sida Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisiga.

Sahanka ayaa lagu ogaaday wasaaradaha dawladda (oo dhan 26) in 21 ka mid ah (77%) ay leeyihiin cinwaan (domain) wata astaanta qaranka, kuwaasoo ay ku jirto 1 wasaarad oo ku cusub Golaha Wasiirrada.

Dhinaca kale qiimeyn lagu sameeyay in cinwaannnada (domains) ay shaqeynayaan ayaa waxaa soo baxday in ku dhowaad 70% cinwaannadaas ay saaran tahay naqshad, halka 30% soo haray aysan waxba u saarneyn.

Sahanka ayaa sidoo kale lagu eegayay afafka ay warbixinnadooda ku soo bandhigaan baraha. Afka Ingiriiska ayaa ugu badan, iyadoo 60% baraha shaqeeya ay leeyihiin qeyb Ingiriis ah, halka 45% kaliya ay leeyihiin qeyb Soomaali ah. Bogagga ku qoran laba af (Soomaali iyo Ingiriis) waa 35%, taasoo muujineysa in qaarna ay leeyihiin mid Ingiriis ah, qaarna mid Soomaali ah oo kaliya. Ma jiro hal bar oo leh qeyb Carabi ah, iyadoo afka labaad ee rasmiga ah uu yahay afka Carabiga. Waxaa kaloo xusid mudan in xitaa baraha shaqeynaya ay aad ugu yar tahay macluumaadka ay bixinayaan, taasoo muujineysa in wasaaraduhu u baahan yihiin in laga caawiyo diyaarinta xogaha lagu soo bandhigayo baraha.

Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, oo ka hadlayay soo-bandhigista sahankan ayaa sheegay inay tahay wax aasaasi ah in hay’ad kasta oo dawladeed ay yeelato bar internet. “Waxaan dajinay qorshe aan ugu talogalnay in dhammaan hay’adaha dawladda ay mid walba lahaato bar internet shaqeynaysa oo ay u dhammeystiran tahay xog ku qoran 3 af.” ayuu yiri wasiirka.

“Hawshaas waxaan ku billaabeynaa wasaaraddeena – oo aan lahayn bar internet -, waxaana ku xijineynaa wasaaradaha kale, inagoo rajeyneyna in aan isbeddel muuqda ka sameyn doonno waqti dhow” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

 

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay ninkii dilay Taliyihii Nabadsugida Gobolka Sh/Dhexe

0

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ku fulisay Ex-Dable NISA Yuusuf Xuseen Maxamuud oo ahaa ninkii dilay Taliyihii Nabadsugidda Gobolka Shabeellaha Dhexe Marxuum Cabdiweli Ibraahim Maxamed.

Taliyihii Nabadsugidda Gobolka Sh/Dhexe ayaa la dilay 21-kii bishii June ee sanadkii hore, xilli lagu guda jiray bisha Ramadaan, waxaana dilka uu dhacay xilligii loo fadhiyay afurka.

“Taariikhdu markii ay ahayd 23/06/2016 ayay maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ku xakuntay Yuusuf Xuseen Maxamuud oo 24 jir ah xakun dil ah, balse 26/06/2016 waxa uu racfaan ka qaatay xakunka dilka ah ee Maxkamadda Darajada koowaad, waxaana taariikhdu markii ay ahayd 27/08/2016 ay Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ku xakuntay dil toogasho ah, kaddib markii ay ku cadaatay in uu si bareer ah oo ula kac ah u toogtay Marxuum Cabdiweli Ibraahim Maxamed” sida uu ku dhawaaqay Kabtan Muumin Xuseen Cabdullaahi Xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Yuusuf Xuseen Maxamuud ayaa ka tirsanaa Ilaalada Taliyaha Nabadsugida ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdiweli Ibraahim.

Dilkan ayaa saaka ka dhacay fagaaraha Dugsiga tababarka ee ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye, halkaasoo ay ka dhacaan xukunada dilka ay fuliso Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Wasiirka Gargaarka oo markale baaq u dirtay hay’adaha samafalka

0

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka iyo mas’uuliyin ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa booqday Degmooyinka Doolow iyo  Waajid ee gobollada Gedo iyo Bakool, iyagoo u  kuurgalayay xaaladda abaaraha ee ka jira deegaannadaasi.

Drs Maryan Qaasim Axmed Wasiirka Gargaarka oo Warbaahinta Qaranka la hadashay ayaa sheegtay inay soo kormeereen degmooyinka Waajid iyo Doolow oo ay halkaasi ku soo xogwareysteen dadka ay abaartu sameysay.

“Marka inaan aragno dadkeena, sida Degmada Waajid oo go’doonsan oo aan soo aragnay xaaladda ay ku suganyihiin iyo jawaabta laga bixiyay in loo gurmado dadka degmaasi ku soo barakacay, anagoo aan soo wareysanay xaaladda ay ku nool yihiin dadka abaarta saameysay, waxaana u mahadceliyay sida ay hay’adaha samafalka uga jawaabeen u gurmashada dadka ay abaartu saameysay”

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa ka codsatay Hay’adaha samafalka inay sii joogteeyaan u gurmashada dadka ay abaartu saameysay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhagax dhigey Mashruuc lagu Hormarinayo Garoonka Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa dhagax dhigay leerarka iftiimiya wadada ay ku ordaan Diyaaradaha ee Garoonka Aadan Cade Airport ee magaalada Muqdisho,waxuuna daaray laanbadii ugu horeysay ee laga mudo Garoonka Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo  Duulista  Hawada ee xukuumada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegey in qalabkan dowlada Soomaaliya ay soo gadatey ugana tala gashey in goroonka Aadan Cade Airport lagu xiro si ay diyaaradahu habeen iyo maalinba usoo dagaan una duulaan sidoo kalena ay qayb ka noqoto soo celinta bilicda garoonka iyo caasumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u mahad celiyey Wasiirka iyo kooxdii kala shaqaysey howsahan ay qabteen wuxuuna cadeeyey inaysan cidna taageero ka helin taasina ay tahey guul ay gaartay dowlada Soomaaliya.

“Waxaa loo qabay baahi wayn in la helo leerarka ifttimaya wadada ay diyaaraduhu ku dhaqaaqaan, aad baan ugu faraxsanahey inaan dhagax dhigo. Tanina waxey bilow u tahey horumarinta Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo kuwa gobolada dalka” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay shaqaalaha garoonka ka shaqeeya inay ilaaliyaan qalabkan maadaam uu yahey hanti Qaran, sidoo kalena waxuu usoo jeediyay madaxda garoonka inay dowlada usoo sheegaan waxyaabah ka dhiman garoonka.

DHAMAAD

 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la dar-daarmay Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Balli-doogle

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan labada aqal iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta kormeer ku tagey xerada Ciidanka Cirka ee degaanka Balli Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dardaarmey Ciidamaddii ku sugnaa xerada ee loo diyaariyey dib u xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin Shabaab ee gobolka Sh. Hoose, isagoo ku ammaanay Ciidamadda dadaalada dheeradka ah iyo howlgalladda lagu dabar-goynayo kooxda Al Shabaab.

”Waxaan aad iyo aad ugu qanacsanahay isbeddelada iyo fir fircoonida Ciidamadda Xoogga iyo waliba sida geesinimada leh ee u dagaalamayo askariga Soomaaliyeed”ayuu yiri R.W Kheyre.

Mudane Xasan Kheyre ayaa kula dardaarmay Saraakiisha iyo Ciidamadda Xooggga dalka inay ilaaliyaan Karaamada Umadda Soomaaliyeed “ haddii aan rabno in aduunka qiimi kulahaano Qarannimaddii Soomaalyeedna si buuxda u soo celino, waxay ku xiran tahay Ciidanka, Ciidankuna in uu sharaf yeesho waxay ku xiran tahay in shacabka la dhowro lagana ilaaliyo kuwa cadowga ku ah. Xukuumadduna waxay xoogga saari doontaa in bil walba ay helaan xuquuqdooda, horeyna waan u bixinay mushaaraadka.”ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu si gaar ah mid mid ula hadley ciidankan ka qeyb qaadan doona howlgalka lagu sugayo amniga Caasimadda iyo deegaanada ku xeeran, si gaar wuxuu u sheegay in ciidamadani oo gaaraya 1,600 oo askari ay ka sifeyn doonaan meelaha ay ku dhuu-maaleysanayaan cadowga shacabka Soomaaliyed ee gobolka Shabellaha Hoose.

Ugu dambeyntii wuxuu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamadda Xooga Dalka waxayna ballan qaadeen kor u qaadista akhlaaqada Ciidamadda iyo ilaalinta xaqdhowrka shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale dar-dargelinta howagalladda dalka looga xorreynayo Kooxaha argagixisada.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey dalka Qadar.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Caawa si balaadhan loogu soo dhoweeyay magaalada Doha ee Dalka Qadar, Kadib Casuumad Rasmiya oo uu ka helay Boqorka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.

Safarka Wafdiga Madaxweynaha ayaa ku qotoma sidii dowladda Soomaaliya ay taageero amni iyo mid dhaqaale uga heli lahayd dalalka ay saaxiibada yihiin, waxaana la filayaa in maalinta Berri ah uu kulamo la qaataan Boqorka dalka Qadar iyo Mas’uulyiin kala duwan.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Waxay iyagana la kulmi doonaan wasirrada dhiggooda ah.

Dhinaca kale Madaxwyane Farmaajo ayaa lagu Wadaa inuu Habeen danbe hadii alle idmo Kulan balaadhan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galey Shirkii SDRF

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta ka qayb galey shir bila’ah oo looga hadlayey qodobadii ka soo baxey shirkii London, Saameynta Abaarha iyo Arimaha Federaalismka kaasoo ay soo qaban qaabiyeen Somalia Development and Reconstruction Facility Streering Committee Meeting (SDRF). Waxaana ka soo qayb galey Xubno kasocdey Golaha Wasiirada Soomaaliya, Safiirada wadamada Turkiga, Sweden, Norway, Talyaaniga, ku xigeenka UN-ka iyo madax ka socotey Maamul Goboleedyada dalka.

Waxaana kulanka shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ay weheliyaan Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale (Bayle),Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxa), iyo Phill Evans Madaxa DFID ee qaybta Soomaaliya waxaana lagu falanqeeyey sidii loo maamulilahaa dhaqaalaha dalka loona dhaqan gelin lahaa Go’aanidii shirkiii London.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo faah faahiyey arimaha  ku saabsanaa shirka ayaa sheegey in looga hadlayey sidii loo dhaqan gali lahaa qodobadii ka soo baxey shirkii London iyo sidii loo hirgalin lahaa qorshaha Amniga dalka si loo qabto doorasho Qof iyo Cod ah 2020.Waxuuna intaasi ku daray in laga wada hadley qaabkii looga taabaabushan lahaa abaaraha soo noq noqda, caalamkana loo dareensiiyo inaan isku fil-naasho gaarnay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa usoo jeediyey madaxda maamul Goboleedyada inay dowlada dhaxe kala shaqeeyaan arimaha Fedaraalka si dalku ugu diyaar goroobo in lagu qabto doorasho xalaala oo shacabku ku kalsoon yahey,waxuuna codsadey in si wada jira looga shaqeeyo hormarka dalka.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM