Home Blog Page 1661

Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ka bilowday Gobalka Bakool

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ka bilaabay Deegaano ka tirsan Gobalka Bakool Howlagalo looga sifeynayo  Maleeshiyaadka Argagixisada ee Alshabaab .

Sargaal ka tirsan guutada 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Gobalka Bakool ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Ciidamada ay qaadeen dhowr jidgooyo oo u tiilay kooxda Alshabaab, kuwaas oo lagu dhibaaateen jiray shacabka deegaanadaasi ku dhaqan.

“Ciidamada Xoogga Dalka oo kaa shanaya shacabka waxay ku guuleysteen in ay qaadaan jidgooyooyin ay dhigteen kooxda Alshaab ,waxaana Gobalka ka socda Howlagal ka dhan ah kooxdani caadeysatay dhibaateen Umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Sargaalkan ka tirsan guutada 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dhawaan sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar garow xoogan ugu jiraan sidii dalka looga cirib tiri lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Manchester

0

Ugu yeraan 19 ruux ayaa geeriyootay, halka 50 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax loo maleynayo in ay argagaxiso ka dambeyso uu ka dhacay magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.

Weerarka ayaa dhacay saacadda UK 22:35, iyadoo goobta uu qaraxa ka dhacay ay ka socotay bandhi faneed ay qabanaeysay fanaanada reer Mareykanka  Ariana Grande.

Ra’iisul wasaaraha dalka UK Theresa May, ayaa tacsi u dirtay dadkii ku waxyeloobay qaraxa,waxayna xustay ” Waxaa ay booliisku la tacaalayaan ayaa ah fal argagaxiso “.

Ciidamada kala duwan ee dalkaas ayaa goobta loo daad gureeyay, waxaana dadka dhaawacmay la aaminsan yahay in ay soo gaareen firirada qaraxa sababay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegtay in ay hakineyso ololaha doorashada oo dhowaan dalkaas lagu qaban doono isla markaana shir guddoomin doonto shir deg deg ah oo arintan looga hadli doono.

“Waxaan ka shaqeynaynaa sidii loo heli lahaa faahfaahino ku saabsan waxa magaalada Manchester ka dhacay, ”  ayay sheegtay May.

Dadka goobta ku sugnaa ayaa lagu soo waramayaa in ay ku badnaayeen haween iyo carruur, iyadoo hoolka qaraxa uu ka dhacay uu qaadi 21-kun hase ahaatee ilaa iyo hadda lama xaqiijinin tirada xalay ku jirtay kolkii qaraxa uu dhacay.

Ciyaartooy lagu rasaaseeyay duleedka Muqdisho

0

Warar goor dhow na soo gaaray deegaanka calamada ee degmada Afgooye ayaa sheegaya in caawa fiidkii la rasaaseeyay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen Koox ciyaartoy ah.

Masu’uuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u Sheegay in rasaasta uu ku geeriyooday Yuusuf Cali Xeydar oo ahaa Macalinka labaad Kooxda Bariga Dhexe, waxaana uu dhaawac soo gaaray labo ciyaartoy oo u ciyaara Kooxda Elman.

Labada ciyaartoy ee dhaawacantay ayaa lagu kala magacaabaa C/llaahi Mayow iyo ciyaaryahan lagu naaneyso Zimbaabwe.

Wararka Qaar ayaa Sheegay in Gaariga ay la socdeen ciyaartoyda uu ka baxay Magaalada Muqdisho kuna sii jeeday degmada Afgooye.

Dib u dhac ku yimid xafladii caleema saarka Madaxweynaha Galmudug

0

Wasiir ku xigeenka Wasaarada warfaafinta Galmudug Daahir Faax Fiidow oo u waramay Wakaalada wararka ee SONNA ayaa sheegy in dib loo dhigay xafladda caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo lagu waday in ay dhacdo 24-ka Bishaan May.

Wasiir daahir oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “xafladii caleema saarka dib ayay u dhacday sababtana waxay tahay waxaa la sugaayay in uu kasoo qeyb galo Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxaed (Farmaajo) wayna dhiciweysay sababtoo ah Madaxweynaha waxuu ku maqanyahay shaqo qaran,sidaas darteed waxaa leesla gartay in caleema saarka laga dhigo 27ka bishaan May,”.

Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka Wasaarada  Warfaafinta Galmudug  ayaa sheegay in Caleemasaarka Madaxweynaha Cusub ee Galmudug uu  ka qeyb gali doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qunsulka Soomaaliya ee Yeman oo sheegay in dhowaan la aasi doono meydadka dadkii doonta lagu duqeeyay

0

Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Cadan danjire Axmed Cabdi Xasan (Suudaani) oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa faahfaahin ka bixiyay wadahadalo uu la qaatay madaxda dowladda  Yaman iyo mas’uuliyiin ka tirsan hey’adaha UNHCR, IOM iyo ICRC, kuwaas oo fadhigoodu yahay Magaalada Cadan.

Danjire Axmed Suudaani, wuxuu sheegay in dadaal dheer kadib ay Qunsuliyadda u suurta gashay in xabsiyada laga sii daayo qaxootigii Soomaaliyeed ee ka badbaaday doontii lagu duqeeyey xeebaha magaalada Xudayda ee dalka Yemen, horraantii bishii Maarso 2017, sidoo kalana bukaanada duqeyntaasi ku waxyeeloobay dhaawacyadooda loo soo wareejiyo magaalada Cadan.

 

Qunsulka ayaa hoosta ka xariiqay in hadda laga guuleystay siideynta 115 qaxooti Soomaaliyeed ah oo isugu jiray Carruur, Haween iyo rag, halka kuwii dhaawacyada qabayna loo daadgureeyay Magaalada Sanca.

“Qaxootiga laga soo daayey xabsiyada xudayda tiro ahaan waxa ay gaarayan 86 rag ah iyo 27 dumar iyo 2 carruura, waxaana loo sameynayaa baaritaano caafimaad ka hor inta aan loo soo qaadin Caden,  si ugu dambeyn loogu soo daad gureeyo dalkoodii hooyo, Qunsuliyadduna ay u diyaariyaarisay dhammaan dukumiintiyadii ay u baahnaayeen,” ayuu yiri Mudane Axmed Suudaani.

Dhinaca kale, qunsulka guud ee Soomaaliya ee Magaalada Cadan Mudane Axmed Suudaani, ayaa sheegay in maalinta khamiista oo ay taariikhdu ku beegantahay 25 May 2017 la aasi doono meydadka 31 ruux oo ahaa qaxootigii Soomaaliyeed ee lagu laayey dooni ay la socdeen, isagoo arrintaasi si gaar ah uga mahad celiyey hay`adda ICRC iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee  Sanca oo gacan ka gaystay.

Ugu dambeyn Qunsulka ayaa ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed inay la socdaan dhaqdhaqaaqa ubadkooda, isalamarkaana aysan u soo dirin dalka Yemen oo la daalaa dhacaya colaado Sokeeye ee dalkaas ka socota.

 

Dood Cilmiyeed: warbaahinta iyo hey’adaha amniga

0

Dood Cimiyeed ku saabsan sida ay u wada shaqeyn karaan hey’adaha ammaanka iyo warbaahinta Soomaaliyeed oo ay ka qeyb-galeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiil ka kala socotay hey’adaha  Xafiiska Midowga Yurub, hey’adda ALBANY iyo Machadka cilmi-baarista Soomaaliyeed ee u adkeysiga dhibaatooynka, SDRI.

Ka hor dood cilmiyeedka ayaa lagu soo bandhigay madasha Cilmi-baaris laga sameeyey gobollada Banaadir, Baay iyo Mudug, taas oo ku aadaneyd saameynta Warbaahinta iyo Hey’adaha amniga ay ku leeyihiin arrimaha Federaalka iyo isqab-qabsiga dhulalka oo gobollada Soomaalida aad.

Dhinaca kale Dood Cilmiyeedka  ayaa diiradda lagu saaray sida ugu habboon ee xoogga loo saari karo isku xirka hey’adaha amniga iyo Saxaafadda, isla markaana sare loogu qaadi lahaa xiriirka wada shaqeyn ee hey’adahaas ka dhaxeeya.

Ku xigeenka Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tom Even, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeyn hey’adaha warbaahinta iyo kuwa amniga, taas oo sare u qaadeysa himilada shacabka ee dhinaca horumarka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane C/naasir Saciid Muuse, ayaa sheegay in wasaaradda amniga ay ka go’an tahay in ay wada shaqeyn la yeeshaan warbaahinta Soomaalida, isla markaana ay ku howlan tahay wasaaraddu sameynta xarun xiriirisa iyaga iyo warbaahinta si amniga iyo horumarka looga wada shaqeeyo.

Wasiirka Warbaahinta & Hannuuninta Dadweynaha Xukuumadda Soomaaliya, mduane  Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in wasaaraddu ay xoogga saari doonto sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga iyo aqoonta suxufiyiinta Soomaaliyeed, si ay  danaha dalkooda ugu adeeggaan .

Ugu dambeyn xubnihii dood cilmiyeedka wadagay ayaa soo bandhigay Qataraha la xiriirra wararka deg degga ah ee lagu qoro baraha bulshada (Social Media) iyo kuwa laga soo tebiyo goobaha dagaallada oo intaba halis ku ah nafta suxufiyiinta iyo amnigooda.

  

Ra’iisul Wasaare Khayre oo dhiirigeliyey Ciidankmada Howlgalka Muqdisho oo hub soo qabtay

0

Muqdisho, 22 May 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday xarunta Ciidamada wadajirka ah ee fulinaya Qorshaha Xasilinta Caasimada Muqdisho ka dib howlgal ay saakay sameeyeen oo ay ku soo qabqabteen hub iyo aalado kale. Sidoo kale Ra’isul Wasaaraha ayaa shacab iyo arday la fariistay goobaha shaaha lagu cabo ee Wardhiigley isagoo la sheekeystay dhalinyaradii iyo ardeydii halkaas ku sugneyd.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo hadal dhiirigelin ah u jeediyey ciidamada howlgalka Muqdisho ayaa ku ammaanay doorkooda geesinimada leh oo ay u istaageen inay shacabka Soomaaliyeed amnigooda iyo xasilloonidooda sugaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta la joogo waqtigii xoojinta midnimada ummadda iyo u istaagista difaaca shacabka.

Ciidanka wadajirka ah oo saakay aroortii 6da subaxnimo ka bilaabay howlgalkooda degmada Wadajir, xaafada Xaawo Taako ee Siliga Ameerikaanka ayaa gacanta ku soo dhigay 17 Qori iyo 3 bistooladood, tuutaha militariga, kan booliiska, calaqa iyo xashiish.

Ciidanka ayaa sidoo kale isla maanta howlgal kaa la mid ah ka sameeyey degmada Shingaani oo ay baaris ku sameeyeen goob Hubka lagu sameeyo, laguna gado. Ciidanka ayaa la soo wareegay qalabkii sameynta hubka iyo kuwii hubka looga baabi’inayey numberkooda. Waxaan goobtaas laga soo helay 2 Qori iyo 3 Bistooladood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maqaayad ku taala Wardhiigley la fariistay dhalinyaro halkaas joogtay oo uu ka wareystay xaaladooda. Waxaana halkaas ku soo maray ardey iskuul ka soo baxday oo uu Ra’iisul Wasaarahu wareystay xaalada waxbarashadooda. Waxaana gabdhihii ardeyda ee uu la kulmay ka mid ahaa gabdho ka yimid London UK oo Wardhiigley iskuul ka dhigta, iyagoo sheegay sida ay ugu faraxsanyihiin inay madaxdooda la sheekeystaan iyo inay Soomaaliya wax ku bartaan.

                          —-DHAMAAD—-

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Magaalada Riyaadh kula kulmay Dhiggiisa Maraykanka

0

Madaxweynaha J.F.Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan ku yeeshay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Arabiya.

Shirka labada Madaxwayne oo ahaa mid waqti kooban socday ayaa dhacay,kadib shir madaxeedkii Madaxda dalalka Islaamka iyo dowladda Maraykanka.

Mudane Farmaajo  wuxuu ka codsaday dowladda Mareykanka in Soomaaliya gacan weyn laga siiyo sidii Al-Shabaab dalka looga cirib tiri lahaa.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa ballan qaaday in si buuxda ay Dowladiisa  kaga taageerayso dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Kulanka labada Madxwayne kadib,ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in uu kala hadlay Donald Trump kaalinta Mareykanka ka qaadan karo arrintan, iyo sidii loo dar dar gelin lahaa la dagaalanka Shabaab.

Shirkan labada Madaxwayne ayaa ah kii ugu horeeyay ee ay ku kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Wasaaradda Maaliyadda oo sheegtay in ay ku guuleystay ciidamadda iyo shaqaalaha Dowladda in ay Mushaarkooda helaan.

0

Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si aad ula dagaashay Musuq Musaaqii jiray waxaana ay rajo wanaagsan ka muujisay in gebi ahaanba lasoo afjaro Musuqmaasuq iyo maamul xumo dowladeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in waxa ugu weyn ee ay  Wasaaradda  xooga saartay uu yahay la dagaalka Musuqmaasuqa asagoo xusay musuqmaasuqa in uusan ahayn kaliya lunsasho lacageed oo ay ku jiraan musuqmaasuq la xiriira Maamul Xumo Dowladeed.

Wasiirka ayaa sheegay in ay xooga saareen isla markaana dadaal badan ku bixyeen sidii ciidamadda Dowladda iyo Shaqaalaha Rayidka ah u heli lahaayeen Mushaaraadkooda iyo xuquuqda kale ee ay dowladda ku leeyihiin.

Munaasabadda Sanad-guurada 15aad Ee Aas-aaska Bogga Jowhar.com

0

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay sanadguurada 15aad ee ka soo wareegatay aasaaska shabakada warbaahinta ee jowhar.com ayaa xalay lagu qabtay hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro, xildhibaano, agaasimayaal warbaahineed,saxafiyiin iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyntii munaasabada ayaa waxaa ka warbixiyay ujeedada loo aasaasay shabakadan Tifaftiraha Guud ee jowhar.com C/casiis Xasan Maxamed,waxana uu sheegay in heerar kala duwan ay soo martay mareegta jowhar.com ayna tahay mid dhexdhexaad ah bulshadana u adeegta.

Mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabadan ayaa waxa ay qireen in jowhar.com mudadii ay soo jirtey ay muujineyso in ay tahay mid dadka ka shaqeeya ay u dhabar adeygeen muddo dheer dadaal badana ay geliyeen sidii shabakada ay u jiri lahayd.

Mas’uuliyiintii ka hadashay xafladan ayaa waxaa kamid ahaa C/risaaq Xaaji Catoosh, afhayeenka gobolka Banaadir C/fatax Cumar Xalane, guddoomiyaha dallada warbaahinta SIMHA Xasan Cali Geeseey, guddoomiye ku xigeenka Ururka SOMA Maxamed C/wahaab, Xoghayaha guud ee ururka NUSOJ Maxamed Ibraahin Nuur, agaasimaha Idaacada Shabelle Abukar Shiikh Maxamed, Senatar Dr Cismaan Maxamed Dufle, wasiir ku xigeenka isboortiga Axmed Cumar Islow, wasiir ku xigeenka Dekedaha Cusmaan Daallo, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Jubbaland Aw Libaax, waxayna dhammaantood mas’uuliyiintan ay xuseen in mareegta jowhar.com ay tahay mid tebisa aqbaar run ah.

“Waa markii ugu horeysay ee aan arko website sameysanaya  xaflad ay ku xusaan aasaaskooda, jowhar.com waa shabakadii ugu horeysay ee meel fagaare ah ku soo bandhigta waxqabadkooda.”ayuu yiri Maxamed C/wahaab agaasimaha Radio Risala.

“Mareegta jowhar.com waxaan oran karaa waa tan koowaad ama waxay ka mid tahay websiteyada ugu horeeya ee dalka.”ayuu yiri Xoghayaha ururka NUSOJ Maxamed Ibrahim Macalimu.

“Waxaan ka codsanayaa jowhar.com maadaama magaca ay wadato uu yahay magaca caasimada dowlad goboleedka Hirshabeelle inay garab qabato maamulka Hirshabeelle.”ayuu yiri wasiir ku xigeenka dekedaha

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda jowhar.com in fariimo wacyigelin dhinaca caafimaadka ah ay ku soo kordhiyaan websitka.”ayuu yiri Senatar Dufle.

“Websityada waa kuwii sababay qurbojoogta inay ku soo dhiiradaan dalkooda ayna ka qeybqaataan dib u dhiska iyagoo gaarsiiyay wararka dhabta ah eek a jira dalka.”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Inj Yariisow.

Gabagabadii munaasabadan ayaa waxaa soo xirtey wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Marwo Khadijo Maxamed Diiriye waxayna sheegtay in isha ugu horeysa ee ay wararka ka hesho uu yahay jowhar.com.

“Waxaan ka codsanayaa shabakada in ay kordhiso barnaamijyada dhalinyarada ayna wacyigelin badan ka sameyso sidii dhalinyarada ay ugu kalsoonaan lahaayeen dalkooda.”ayay tiri Khadijo Maxamed Diiriye.

Ugu dambeyn 20-kii bishii May ee sanadkii 2002 ayay aheyd markii la aas aasay shabakadda Jowhar.com, oo ka mid aheyd website-yadii u horeeyay ee la aas aasay.